Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopia : Jigjiga Liyo police arrest 15 businessmen in the city of harta Sheikha

Recommended Posts

Ciidamadda Liyuu Booliska oo magaaladda Harta-Sheekh ku xidhxidhay 15 Ganacsato ah iyo Suldaan Xiiray oo taageeray Degmooyinka Kililka 5aad

Harta-sheekh (Waaheen) Ciidamada kililka shanaad ee ismaamul goboleedka Somalida ayaa shalay raafay magaaladda Hart-sheekh in ka badan shan iyo toban ka mid ah Ganacsatada Waaweyn ee magaaladaasi.

 

Sida ay Waaheen wararka ka imanaya deegaankaasi soo gaadhsiinayaana ilaa hada lama oga dhab ahaan looma oga meehs ay geeyeen ganacsatadaasi iyo sabab ay u kaxaysteen toona, hase yeeshee waxa ay dad nala soo xidhiidhay sheegeen inay u malaynayaan in kooxda kililka shanaad ka amar ku taaglaysa ee ********iya ay ka cadhoodeen cabasho ay beelaha Somalida ee ku nool deegaankaasi ay maamulka EPRDF ta u gudbiyeen dhawaan, kaasoo ay ku diidan yihiin sida Madaxweyanaha Kililka shanaad u sameeyay degmooyinka iyo gobolada dhawaan la magacaabay oo uu reerkooda ku taxay.

 

Ciidamadda Liyuu Booliiska kililka oo la sheegay iyana inay u badan yihiin reerka Madaxweynaha ayaa la sheegay inay beryahanba ka wadeen deegaankaasi dhibaatooyin farabadan oo ay ku laynayaan wixii ka hor yimaada iyagoo xiisado colaadeed ka huriyay deegaanka intii lagu wareejiyay awooda Kililka, waxaanay ku kaceen Dil, dhac iyo Kufsi xad dhaaf ah oo ay ka sameeyeen meelo badan oo ka mid ah deegaanada ay degaan qabiilooyinka Somaliland iyo Ethiopia ba dega , kuwaasoo imika bilaabay dhaqdhaqaaq ay kaga hor tagayaan falalkaasi

 

Dhinaca kale, sida ay baahisay shabkada Cakaara, shir ay u wada dhanaayeen Cuqaasha, Salaadiinta, waxgaradka, aqoonyahanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Beelaha woqoyiga Kilinka shanaad ay kulan kuyeesheen magaalada jigjiga.

 

Kulankan oo ahaa mid gaar u ahaa beelaha Somalilanders ee itoobiyaanka ah ayaa waxaa lagaga wada tashanayay qodobo laxidhiidha arimaha beesha, sidoo kale shirkan oo lagaga hadlay arimo laxidhiidha dadaalka ay dawlada deegaanku wado oo ah mid mudan in lagarab istaago ayaa waxay beeshu kadib markii ay arimo badan falanqeeyeen waxay ugu danbayntii soo saareen baaq afar qodob kakooban oo ku aadan Dawlada Deegaanka Soomaalida iyo Dawlada Fadaraalka Itoobiya.

 

Shirka oo ay ka hadlayeen Culumaa-udiinkii iyo odayaal dhaqameedkii goobta kusugnaa Ayaa waxaa gabagabadii soo xidhay suldaanka guud ee beelaha Suldaan Yuusuf Suldaan Maxamud Xiirey

 

Kadib waxaa kaloo kahadlay qaar kamida madax dhaqameedyada iiyo odayaasha iyo culumaa udiinka beelahaas

Waxaana laga soo saaray baaqan oo ka kooban 4 qodob oo kala ah

 

1. Inay u hanbalyaynayaan Dawlada Deegaanka Soomaalida iyo Dawlada Dhexe ee Fadaraalk

2. Inay tageerayaan kuna faraxsan yihiin ansixinta 15 dagmo ee lagu ansixiyay kal fadhigii labaad ee barlamaanka DDS

3. Inay u hambalyaynayaan ururadii hore nabada uqaatay

4. Inay beelahan muruqooda maskaxdooda iyo maalkoodaba kaga qayb qaadanayaan mashruuca biyo xidheenka laga samaynayo wabiga abaay hadaanu nahay beelaah dega woqoyiga Kilinka shanaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I was in Jigjiga in 2009 and i have never heard about Ethnic Somalilanders being arrested. The Former Governor of Kilinka Shanaad was back then the leader of DDS.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Xaaji Xunjuf;712860 wrote:
I was in Jigjiga in 2009 and i have never heard about Ethnic Somalilanders being arrested. The Former Governor of Kilinka Shanaad was back then the leader of DDS.

The last sentence doesn't make sense. Former who? Kilil 5 and DDS is the same thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

reer soomaliland iyo somalida kililka maxaa ka dhaxeeya waa ayaga mar walba is xagxaganayee, reer hargeysa wexey dhiibeen dad kililka kasoo jeeda ethiopianka ayey na ku wareejiyen ,hadana waa tan la sheegayo in somalilanders badan kililka ku xiran yahiin , runtii labaduba ethiopia un bey dan u tahay ,kan hargeysa laga keenayna xabashida ayaa xiraneyso kii somalilander ahaa xabasha baa xabsi ku gumeysaneyso maxeey faaideyn labadan qolo!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nabad_dadaye;712940 wrote:
reer soomaliland iyo somalida kililka maxaa ka dhaxeeya waa ayaga mar walba is xagxaganayee, reer hargeysa wexey dhiibeen dad kililka kasoo jeeda ethiopianka ayey na ku wareejiyen ,hadana waa tan la sheegayo in somalilanders badan kililka ku xiran yahiin , runtii labaduba ethiopia un bey dan u tahay ,kan hargeysa laga keenayna xabashida ayaa xiraneyso kii somalilander ahaa xabasha baa xabsi ku gumeysaneyso maxeey faaideyn labadan qolo!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! .

Reer Somaliland maha nimanka ganacsadaha eeh la qa qabtay waxa weye niman ka so jeeda degaanka Somalida Eeh Ethiopia . maxaad tidhi maxa Ethiopia u dan ah inay shacabkooda xidh xidhaan maan fahmin halkaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this