Saalax Posted April 17, 2011 Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Oo Digtay In Dhaamam Iyo Barkado Biyood & Tuulooyin Cusub Laga Bineeyo Deegnaano Ka Mid Ah Goboladda Togdheer Iyo Oodweyne. Hargeysa (Ramaas) Apr 17,2011- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada xoolaha, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa amray inaan inaan wax ceelal, barkado biyood iyo tuulooyin cusub ah laga samayn Karin deegaanada hoos yimaada, degmada Magaalooyinka Burco iyo Oodweyne. Wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland Md Cabdi Aw Daahir Cali, waxa uu sheegay in dhaamam, barkado iyo tuulooyin laga samaysto deegaankaasi horseedi karaan xaaluf ku yimaado, isla-markaana ka dhiga lama degaan aan faa’ido u lahayn dadka iyo duunyadda. Wasiirka oo maanta wareegto ka soo saaray xafiiskiisa ayaa waxa uu ku war-galiyey dadka degan deegaanada Aroori iyo Giniya inay ka waan-toobaan abuurista tuulooyin cusub iyo qodashada dhaamam ama barkado cusub. Wasiirku waxa uu wareegtadiisan ku sheegay in cidii ka hor-timaada amarkaasi talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, isaga oo xusay in cidii doonaysa inay hawlo noocaas ah qabtaan ay wasaaradda xananada xoolaha, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga la soo xidhiidhaan. Ramaasnews Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites