Sign in to follow this  
Saalax

Dr Cabdi Aw Daahir Cali Minister of Livestock - No New settlements in Togdheer Oodweyne regions

Recommended Posts

Saalax   

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Oo Digtay In Dhaamam Iyo Barkado Biyood & Tuulooyin Cusub Laga Bineeyo Deegnaano Ka Mid Ah Goboladda Togdheer Iyo Oodweyne.

 

Hargeysa (Ramaas) Apr 17,2011- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada xoolaha, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa amray inaan inaan wax ceelal, barkado biyood iyo tuulooyin cusub ah laga samayn Karin deegaanada hoos yimaada, degmada Magaalooyinka Burco iyo Oodweyne.

 

Wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland Md Cabdi Aw Daahir Cali, waxa uu sheegay in dhaamam, barkado iyo tuulooyin laga samaysto deegaankaasi horseedi karaan xaaluf ku yimaado, isla-markaana ka dhiga lama degaan aan faa’ido u lahayn dadka iyo duunyadda.

 

Wasiirka oo maanta wareegto ka soo saaray xafiiskiisa ayaa waxa uu ku war-galiyey dadka degan deegaanada Aroori iyo Giniya inay ka waan-toobaan abuurista tuulooyin cusub iyo qodashada dhaamam ama barkado cusub.

 

Wasiirku waxa uu wareegtadiisan ku sheegay in cidii ka hor-timaada amarkaasi talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, isaga oo xusay in cidii doonaysa inay hawlo noocaas ah qabtaan ay wasaaradda xananada xoolaha, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga la soo xidhiidhaan.

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this