Saalax Posted April 17, 2011 Dr.Gaboose oo Ku dhawaaqay inuu taageersan yahay Furashada Ururada,Muuse Biixina si kulul u dhalilay SATURDAY, 16 APRIL 2011 Hargeysa(Togdhnews)- Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Dr. maxamed Cabdi Gaboose ayaa s kulul u beeniyey inaanay jirin amar uu ku bixiyey in aan la qaban Karin munaasibadii lagu taageerayey furashada ururada siyaasadeed ,sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu qaar ka mida warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa maanta. Isaagoo arintaasi ka hadlayanya waxa uu yidhi ‘Halgan dheer ayaan u soo maray furashada ururada siyaasadeed oo lagu xidhay ,suurtagalna ahayn in aan is hortaago furashada ururada siyaasadeed ‘ Ayuu yidhi. Dr. Gaboose waxa uu intaasi ku daray in heshiisa ay la galeen xisbiga oo maanta hayana talada Somaliland, heshiiskaas oo ahaa furashada ururada siyaasadeed wali ay sugayaan fulinta balantaas. Wasiirka arimaha Arimaha Gudaha Somaliland, waxa uu dhaliilay,wax lala yaabana ku tilmaamay hadalo warbaahinta uu siiyey Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka kulmiye Muuse Biixi Cabdi,kaasoo oo meel adag iska taagay furashada ururada siyaasadeed ‘ Muuse Biixi waa kii saxeexay in la furo ururo siyaasadeed,hadii Kulmiye ku guulaysto Doorashada Madaxtooyada,waxaana looga fadhiyaa Muuse inuu Fuliyo Qawlkiisii oo aanu waxkale ku meeralaysan. Dhawaaqan wasiirka ayaa ku soo beegmaya wakhti ay Somaliland ka taagan tahay dhaqdhaqaaq xoogan oo xukuiumada madaxweyne siilaanyo lagaga dalbanayo inay furto ururada siyaasadeed ee ay hore ugu balanqaaday. Sidoo kale,habeenimadii khamiistii ee todobaadkii hore ayaa munaasibad lagu qabanayay Huteel Maansoor ee Hargaysa ,oo la xidhiidhay Furashada Ururada Siyaasadeed ayaa waxa ka dhacay rabshado aan sidaasi buurnayn ,laguna carqaladaynayay munaasibadaasi,oo ay soo qaban qaabiyeen xubno miisaan siyaasadeed ku leh Somaliland,waxaana arintaasi lagu eedeyay inay ka dambeeyeen Muuse Biixi Cabdi iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex,walina waxa magaalada Hargaysa ka taagan saameynta ay dhalisay arintaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jiiroow Bakaal Posted April 17, 2011 Waa tii Siyaad Barre. waxaa ku xiga waa Qafaal Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted April 17, 2011 Rabbow Habraha ummuurohooda u sahal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 17, 2011 Dr gaboose wants his own qaran party smart man. Quote Share this post Link to post Share on other sites