Liqaye Posted April 17, 2011 Gaalkacyo (RBC Radio):- Hal ruux ayaa geeriyoodey dad kalena waxaa soo gaarey dhaawac kadib markii dabley hubeysani ay weerar ku qaadey dad joogey qabuuro ku yaala duleedka xaafada Garsoor kuwaasi oo aas u sameynayey qaar ka mid ah dadkii xalay lagu laayey gudaha masjidka Salaaxudiin Gaalkacyo. Iska hor imaadka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambeeyay kadib markii dabley hubeysani oo ka soo talaabey koonfurta magaalada Gaalkacyo ay weerareen dadkii aaska ku mashquulsanaa, waxaana halkaasi ku geeriyoodey mid ka mid ah dableydii weerarka soo qaadey. Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya iska hor imaadka goor dhoweyd ka dhacay qabuuraha duleedka xaafada Garsoor, waxaa jira warar sheegaya in dableyda hubeysan ee weerarka ku soo qaadey dadka aaska joogay ay sheegteen in dhulka meydka lagu aasayo ay leeyihiin, halka warar kale ay sheegayaan in dableydu ay yihiin maleeshiyaad daacad u ah Ahlusuna Waljameeca iyo in ay ka tirsan yihiin ciidamada Booliska Galmudug. Waxaa gebi ahaanba istaagay haatan iska hor imaadkii koobnaa ee ka dhacay qabuuraha duleedka xaafada Garsoor, waxaana wararku intaa ku darayan in halkaasi lagu aasey laba ruux oo meydkooda markii hore loo diyaariyey in halkaasi lagu aaso, kuwaasi oo ka mid ahaa afar qof oo xalay lagu dilay gudaha masjidka Salaaxudiin Gaalkacyo. Gebi ahaanba magaalada Gaalkacyo ayaa laga hadal hayaa falalka amaan darro oo saacadihii la soo dhaafey si aan caadi ahayn uga dhacayey gudaha magaalada, waxaana jira weeraro aan horey looga baran gobolka Mudug oo ah in la weeraro goobaha cibaadada gaar ahaan masaajida. RBC Radio. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 17, 2011 acuudi bilahi ciidamada sugi lahaa amaankana xagey qabteen?? :eek::eek: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted April 17, 2011 It is really unbelievable, these people were killed in a mosque and then their funeral is attacked, waa dagaal aad iyo aad uu foolxuun waxa meesha ka socota! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 17, 2011 What da heck is going on there ...... ???? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 17, 2011 Where is duke when you need him Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted April 17, 2011 Subxaanalahh. Maantana ma masaajidkii ilaahay iyo qubuurahii ayaa la isku dhex laayay. Quote Share this post Link to post Share on other sites