Liqaye Posted April 17, 2011 Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamo Al-Shabaab ah oo dhowaan yimid Magaalada Jowhar ay saakay halkaasi ka bilaabeen Qafaal aan kala sooc laheyn, waxaana hakaday dhaqdhaqaaqii dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar iyo kuwii imaanaayay intaba. Qafaalka ay Al-Shabaab ka bilowday Degmada Jowhar ayaan la ogeyn ujeedadiisa, waxayna Ciidamada Shabaabku yihiin kuwo wata dareys cagaaran, waxayna qafaal ku bilaabeen Haweenka iyo ragga socda wadooyinka magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in qafaalka uu saameeyay Ardaydii iskuulaadka oo intii wadada ay ku jireen la qab qabtay, waxaana isa soo taraya dadka sida aadka ah loogu qabanayo qafaalka ay wadaan Ciidamada Shabaabka. Dadka ku dhaqan Degmada Jowhar ayaa saxaafadda u sheegay in xataa Gaadiidka dadka la istaajinayay iyadoo dadka lagala degaayay , waxaana gebi ahaanba istaagay gancsigii magaalada Jowhar, iyadoo dadku xireen goobahooda ganacsiga si ay uga badbaadaan qafaalkaasi qasabka ah. Ma aha markii ugu horaysay oo ay shabaabku ka qabqabtaan deegaanada ay ka taliyaan dadka ku dhaqan, waxaana jira in dadka magaalada Jowhar ay bilaabeen inay ka soo baxsadaan guryihii ay ka deganaayeen Magaalada Jowhar. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088 Quote Share this post Link to post Share on other sites