Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Amiir Axmed Cabdi Godane talks About the Wars with Amisom

Recommended Posts

Maamulaha Xarrakada Al-shabaab Oo Ka Hadlay Dagaalladii Ka Dhacay Koonfurta Soomaaliya Iyo Ciidamada AMISOM

 

April 17, 2011(Cadceed) – Amiirka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo cajalad maqal ah soo gaarsiiyay warbaahinta qaarkeed ayaa kaga hadlay dagaalladii dhawaan ka dhacay koonfurta Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada AMISOM.

 

Sheekh Abuu-Zubeyr oo ugu horreyn ka hadlay dagaalladii ka dhacay gobollada Gedo iyo Jubbada hoose isagoo sheegay inay ahaayeen kuwo looga horjeedo ku dhaqanka sharciga islaamka iyo ammaanka ka jira deegaannadaas.

 

“Dagaalladii ka dhacay koonfurta Soomaaliya waxay saldhig u yihiin laba qodob oo kala ah: in la carqaladeeyo ku dhaqanka shareecada Islaamka isla markaana qal-qal la geliyo wilaayaadka islaamiga ah ee jira iyo in dadka muslimiinta ah mar kale laga qixiyo deegaannada ay ku nool yihiin,” ayuu yiri hoggaamiyaha Xarrakatul Shabaab.

 

“Beelaha muslimiinta ah ee ku nool gobollada Jubbooyinka, Bay, Bakool, Hiiraan, Gedo iyo Galguduud waxaan leeyahay idinka ayaa difaac iyo xayn-daab u ah walaayaadka islaamiga ah ee gobolladiina ka jira, yaana dhankiina looga soo dhicin Islaamka una tartamaha khayrka iyo jihaadka,” ayaa cajaladiisa maqalka ah ku yiri amiirka Xarrakada Al-shabaab Sheekh C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

 

Sidoo kale, wuxuu kalamadiisa ku sheegay inuu bogaadin u jeedinayo shacabka ku nool Muqdisho oo uu sheegay inay naf iyo maal u hureen jihaadka cadowga lagula jiro, sabarkoodana uu tusaale u yahay muslimiinta kale ee caalamka ku nool.

 

“AMISOM waxay noqon doontaa isbahaysigii ugu dambeeyay ee Muqdisho kusoo duula wayna burburi doonaan,” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

 

Sidoo kale, amiirku wuxuu sheegay in dalalka calaamku ay shirqoolladooda kusoo urureen inay dalka u qaybiyaan maamul goboleedyo ay hormuud u yihiin dadkii ay soo carbiyeynayeen 20-kii sano ee ugu dambeeyay kuwaasoo uu sheegay inay jirka kaga eg-yihiin Soomaali, qalbiga iyo caqiidadana ay kala mid yihiin gaalada.

 

“Waxaa cirbi-qaadasho mudan sida ay gaalada ula dhaqmayaan daba-******yadooda marka ay ka dhameystaa,” ayuu yiri Amiirka Xarrakatul Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay sida uu sheydaanku u lumiyo bani’aadamka markii Alle hortiis la tagana uu u sheego inuusan waxba kala socon arrintooda.

 

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in mujaahidiinta uu u soo jeedinayo inay xoojiyaan dagaallada ay kula jiraan cadowga ayna ogaadaan inay tahay halka ugu sarreysa diinta Islaamka, isagoo soo qaatay axaadiis laga wariyay rasuulka oo tilmaamaya in jihaadku yahay mid jannada lagu galo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this