Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Shabaab oo raaf xoogan saaka ka wada Magaalada Jowhar

Recommended Posts

Ciidamo cusub oo dhowaan yimid Magaalada Jowhar ayaa saaka raaf aan kala sooc laheyn ka wada Magaalada Jowhar ee Caasimada Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo uu hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii guud ee magaalada.

 

Sida ay sheegayaan wararka raafkan oo aan la ogeyn ujeedadiisa ayaa Ciidamo ku labisan dareys cagaaran ay saaka ku qamaameen dadweynaha magaalada, oo isugu jiray haween iyo ragg, kuwaasoo qaarkood jidadka lagu qabtay.

 

Wararka ayaa sheegaya in raafkan uu saameeyay Ardaydii iskuulaadka oo intii wadada ay ku jireen la qab qabtay, waxaana isa soo taraya dadka sida aadka ah loogu qabanayo raafka ay wadaan Ciidamada Shabaab.

 

Xiriiro kala duwan oo aanu la sameynay magaalada ayaa waxaa sheegayaan in xataa Gaadiidka dad la istaajinayay dadka saaran laga dajinayay, waxaana jahwareer uu ka jiraa ganacsiga magaalada sida ay ku soo waramayaan dadka deegaanka.

 

Ciidamada saaka ku soo qamaamay magaalada oo ah kuwo dhowaan ka yimid Gobolada ay maamulaan Shabaab ayaan la ogeyn ujeedka ay damacsan yihiin, inkastoo maalmihii u dambeeyay xaalada magaalada iska aheyd mid caadi ah, dadkana aan caburin sidaa u muuqda aanay la kulmeyn, bacdamaa Magaalada ay ku yaraayeen Ciidamadii iyo xubnihii mas'uuliyiinta oo ka maqnaa.

 

Lama oga waxa dadka loo xir xirayo inuu la xiriiro arrimo dhaqaale iyo in kale, hase ahaatee Shabaab ayaa dhowaan ku soo rogay Magaalada lacago qidmo ah oo ay ka qaadayeen dadka degan Guryihii Dowladii hore, sida Guryihii ku yaalay Xaafadaha Bagaashka iyo Snai oo dadka bil walba lacag 10-Doolar ijaar ahaan loogu qaadayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this