Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Banaanbax ka dhan ah Shariif Xasan oo ka socda Garoonka Diyaradaha,xili uu kuso fool leeyahay

Recommended Posts

Banaan bax ballaaran ayaa ka soconaya agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo dadweyne fara badan oo isugu jira haween iyo caruur ay isku xireen wadada KM4 ilaa Garoonka, kuwaasoo ka soo horjeeda Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saacadaha soo socda Muqdisho ku soo fool leh.

 

Sida ay sheegayaan wararka banaan baxayaasha ayaa la sheegay inay ku qeylinayaan halku dhigyo ka dhan ah shirkii Nairobi, waxaana uu u muuqdaa banaan abaabulan oo Shariif iyo wafdigiisa ka qeyb galay shirkii wada tashiga lagu diidan yahay.

 

Lama oga ilaa iyo hada cida soo qaban qaabisa banaan baxay, hase ahaatee waxaa ka dhex muuqday arday fara badan oo ku labisneyd dareyska Iskuulaadka ee Unifomka loo yaqaano, iyadoo banaan baxan uu yahay mid ka hor imaanaya mid jimcihii ka dhacay Boondheere, kaas oo iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac ka dhashay.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in banaan baxan uu yahay mid lid ku ah siyaasada Shariif Xasan ee ku wajahan qodobadii ka soo baxay shirkii wada tashiga ee Qaramada Midoobey soo abaabushay, kaasoo sida qorshuhu yahay doonayo inuu ka gado Baarlamaanka.

 

Ilaa iyo hada lama soo sheegin wax rabshado ah ama caqabado ku yimid dadkii banaan baxayay, hase ahaatee wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo KM4 ayaa lagu arakaya Ciidamo fara badan oo u muuqda kuwo ammaanka sugaya.

 

Dhinaca kale waxaa iyana ka soconeysa gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho qaban qaabo ballaaran oo lagu soo dhoweynayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, iyadoo Xildhibaano iyo dadweyne fara badan la sheegay in gudaha garoonka ku sugan yihiin.

 

Warar qaar ayaa sheegaya inuu jiray qaban qaabo banaan bax ah oo shalay ka socotay Muqdisho, kaasoo ujeedkiisa ahaa in lagu soo dhoweeyo Shariif Xasan, waxaana banaan baxa hada socda ee looga soo horjeeda yahay mid laga hor dhacay oo lid ku ah soo dhoweyntiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this