Positive Posted April 16, 2011 Waa kobcintii Af-soomaaliga iyo qayb cusub (sheekadu waa taxane ku xiran qaybihii hore). Walbahaarkaygii iyo baxsigii Xange iyo Qalanjo Habeenkii oo dhan geedkii baan saarnaa waraabayaashiina shir iyo shirbays bay geedka hoostiisa iyo hareerihiisa ku haysteen. Mar ay salaadii hore tahay ayey waraabayashii oo tiro boqol ku dhow ahaa bilaabeen inay geedka jirriddiisa qodaan si ay xididada ugu siibaan. Cabsiyi intay i qaaday baan tuuray cayadii. Wixii ay doonayeen markay heleen ayey iyagoo raxan raxan ah afarta jiho u kala dhaqaaqeen; anigana intay kalsooniyi i gashay ayaan ka soo degay geedkii. Intaan hareera eegay oo hubiyey inaysan khatari jirin ayaan u dhaqaaqay jahadii reerku iga xigay. Dhaxii, cabsidii iyo qadoodigii saleelo ayuu noqday oo arrin ka wayn ayaa maankayga gubaysay. Markii ugu horaysay noloshayda ayaan awooday in aan la xanuunsado dadka la hayb sooco iyadoo ay sababtu ahayd warkii wadaadku i siiyey oo wax weyn ka beddelay garashadayda. Waxaan noqday qof si hor leh wax u arka. Xanuun xoog leh ayaan dareemay oo ka kulul ushii aabahay. Markii aan waxyar uun ka socday geedkii aan ku dhaxay ayaa waxaa si lama filaan ah iiga soo hor baxay awr labo haamuud ku raran yihiin labo qof oo mid gar-wadeen yahayna ay la socdaan. Markaan ku soo dhowaaday oo aan aqoonsaday in ay yihiin Xange iyo Qalanjo ayaan ku bayray. Waraysi aan isweydaarsanay ayaan ugu sheegay waxaan shalay sameeyey iyo wixii xalay dhacay. Qalanjo oo aan ka dareemay inay ka naxday khatartaan galay laakiin haddana ku faraxday in dhibaato aysan ii gaarin ayaa intay gacanta midigta i qabatay oo Xange xaggiisa yara dhugatay dhinac ii yara dhaqaajisay. Waxay tiri “ walaal in aad na aragtay cidna ha u sheegin”. Waayo markaan ku celiyey ayey si qabow laakiin kalsooni ku jirto ii tiri” baxsi ayaannu nahay”. Labada gacmood intaan qabtay walaashay Qalanjo oo aan dhulka fariisanay ayaan dood dheer iyo ra’yi isweydaarsi galnay. Xange isaguna markuu arkay sida ay wax u socdaan ayuu isagoo jaraha haya awrkii tu’iyey oo intuu caday dheer la soo baxay hor fariistay awrkii. Markay Qalanjo ii warrantay oo ii caddaysay in Xange ay guursanayso cid hor istaagi kartaana aysan jirin, isla markaasna dood dheer oo dhinac kasta taabanaysa aannu dhammaynay , ayaannu isku raacnay inay habboon tahay in aan iyaga raaco. Xange markuu arkay in tashigii dhamaaday ayuu intuu istaagay oo awrkii gar-wadeenkii dhuftay noo dhaqaajiyey xaggaas iyo koonfur. Aniga iyo walaashay oo og in waqtigaas wixii ka dambeeya, Eebe ka sokow, ay mas’uuliyaddayadu saaran tahay Xange ayaa aamusnaan ku dabo galay. Hal cabbaar ah ayey maskaxdaydu jeedaalisay walaashay. Walaashay Qalanjo Jumcaale Gadiidshe oo gu’gaas 19 jirsatay waxay ahayd gabadh dheer oo dhuuban. Jir solan oo aad dhexda madag mooda oo qaar sare iyo qaar hoose oo isu miisaamanna leh ayey lahayd. Waxay lahayd timo jilicsan oo madow oo intay tidicday labadeeda garab ka soo degay. Waxaa qofka arka farax gelinayey wejigeeda oo midab maariin dhalaal qurxoon ah, suuniyo liiq ah iyo indho cad-cad oo bu’ madow aad ka dheehan karto iyo weliba qoor kala baxsan oo labo garab oo miisaaman ay hereeraha ka gelbinayeen. Maro cad oo qaab guntiino ah dhexdana ay dhacle kaga giijisay ayey ku xarragoonaysey. Cagahana waxaa ugu jiray labo kabood oo cag-ba-cag ah oo saan geel ka samaysan. Dadka yaqaan quruxdu waxay oran jireen ” Ilaahay inanta abuuristeeda wuu ku faro yaraystay”. Dabeecad , dad la dhaqan wanaagsan iyo karti hufnaan leh baa u weheliyey muqaalka quruxda. Waxan xan ku maqlay in aabahay doonayey in uu Qalanjo kula xidido wiil uu dhalay nin boqor ah oo magac dheer leh xoolona Alle siiyey. Waxaa aabo loo ballan qaaday baa la yiri boqol halaad iyo baarqabkooda arooskana waxaa loo ballamay gu’gan oo markaas labo bilood uun naga xigtay. Xasuusta hungowga aabbe ayaa caloolyow cusub igu beeray. Sidii qof aan kii horeba ahayn baan bilaabay in aan welwelo. Ma waalid inkaar baad noqotay ayaan is iri. Markaan ka fekeray dhibaatada ficilkayagan u geysan doono aabo, sumcad darrada qoyska oo dhan soo gaari doonta iyo weliba xoolaha uu waayi doona aabo ayey jiriirico ku jabtay jirkayga. Waxaan bilaabay in aan ka shakiyo in tallaabadan aan qaaday ay tahay mid habboon. Dhowr mar bay madaxayga ku wareegtay in aan iska noqdo laakiin haddana waan ku dhiiran kari waayey. Waxaan isku waaniyey in aan hal adayg yeesho oo aan ku adkaysto in aanan ka leexan wanaagga si kastoo ay mur uga qaraar tahay. Markaan wax badan rog-rogay fekerkii waxaa ii muuqatay in meeshaan qof ka qaaday aan qof kaga tegay. Madaama aysan suurto-gel ahayn in aan ka hor imaado rabitaanka walaashay talada aabahayna aysan xaq ku salaysnayn ayaan isku qanciyey in aanan beddelin mowqifkayga. Markaan runta sheego waqtigaas mowqif ii cad ma jirin ee haddana waan iska dabo socday Qalanjo iyo Xange iyadoo aan qarinayey ilmada iga gobo’laynaysay . Walaashay iyada kama muuqan wejigeeda wax welwel ama walbahaar ah. Waxay u ekayd qof tashatay oo waxkasta oo dhaca u bareertay. In ay sidaas tahay waxaan ka gartay siday u laafyoonaysay iyo firfircooni farax ka muuqday oo ay ku tallaabsanaysay. Naag ninkay doonaysay heshay oo u diyaargarowday in ay reer dhisato cidkastoo muraadkeeda ka soo horjeedana aan dan ka lahayn ayey u ekayd. Markay barqo dheer noqotay oo degaankii reeraha aan ka fogaaney ayey Qalanjo intay la soo baxday mayrax xig ah iyo xarig ay markii horeba sohaysay dhexdeedana qayb xarigii ku xiratay intii kalena ka soo riday garabka oo markaas ilkaha ku qabatay, ayey iyadoo tidcaysa ku luuqaysey hees u dhacaysay gelbis. Cod macaan oo aan meel dheer laga maqli karin ayaan ka fahmay iyadoo leh "gabadha soo gelbiyaay, gaari dumarey, nin bay jamatay Jookhee”. Xange ayaa awrkii joojiyey si aan u soo gaarno. Markaan soo gaarnay ayuu intuu garabkiisa ka soo dejiyey sibraar caano geel oo dhayi ka buuxeen oo ii soo taagay ayuu isagoo ilko caddaynaya kaftan iigu yiri” seedi miyaad daashay”. Intan ka qabtay sibraarkii oo qorigii furka ahaa ee ku go’naa ka furay ayaan ugu warceliyey “ Maya saaxiib ee waan gaajooday”. Intuu haddana kuus timira ii soo taagay ayuu yiri “ waxaa dhici karta in laynagu soo raad joogo. Nasasho inooma taal ee awrka ma fuulaysaa”. Intaan timirtii gacan midig kaga guddoomay ayaan si xushmad ku dheehan tahay u iri “ may, rakuub fuulka waan ka koray“. "Waa run" ayuu iigu war-celiyey isagoo ii muujinaya xushmo. Markaan hal cabbaar caanihii qurquriyey ayaan sibraarkii u celiyey Xange. Jirjirka gacanta bidix kariinkii intaan iskaga tiray ayaan timirtii oo aan faraqa ku ritay hadba dhowr xabbo kala soo baxay oo cunay. “tan socodkaan ku cunayaa” ayaan ku iri Xange. Markuu Xange dhugtay Qalanjo si uu u hubiyo inay wax u baahan tahay oo ay ka sii jeesatay iyadoo wax war ah aan oran ayuu awrkii dhaqaajiyey. Qaabkaas ayuu noogu bilowday socod dheer iyo nolol cusub. (Qaybtii 4aad Insha-Allaah ayaa ku xigi) Toosiye2 Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted April 17, 2011 Erayadaan badankooda kuma dhib badna dadkii hore balse dhalinta yar yare reer galbeedka ku hana qaadaya waa u mad madow Erayada iga hoos baxay waxaa ka mida (qadoodigii saleelo),,,inta kale sidan baan u fasiri lahaa 1-walbahaar walwal aad u weyn 2-shirbays ciyaar gacmeed la tumo 3-raxanraxan koox koox 4-jiridiisa iyo xidid, geedka salkiisa hoose ama xididadiisa hoose 5-garwadeen hogaanka haya ama hagaya 6-labo haamood laba weel biyood ratiga saaran ama geed laga sameeyo ama qabo laga tolo waxaana qurux badan haanta qabada laga sameeyo 7-dhugtay fiiriyay eegay 8-jaraha waa xakamaha lagu xukumo xoolaha rabaysan sida awrta iyo fardaha iwm 9-tu'iyay fariisiyay waxaa la tu;iyaa geella kaliya sidaan filayo 10-solan qalalan wax kasta oo solan cuntadana waa la solaa, dadkana waa loo adeegsadaa si loo tilmaamo inuu yahay qof caato ah ama solan 11-madag waxaa laysku lisaa laba qori oo sulub ah si aad u dhakhso badan waxaana ka dhasha dab aad u yar waxaana lagu qabtaa caws si aad u manaafaacaadsato mararka qaar geedaha qudhooda baa dabayshu isku listaa oo dab ka dhasha sida ka dhacda kaymaha aduunka oo aad maqasho dab baa qabsaday 12-liiq waxay u taagan tahay wax nus muuqdo ama suniyo nus dhereran muuqdo am qorax nus kasii muuqda oo sii dhacaysa 13-bu' waa isha inta madow 14-dhacle waa maro farshaxan qurxoon oo dumarkii hore ka laalidin jireen dhexda ilaa lugaha dhanka soo jeedka 15-baarqab waa ratiga geella loogu talo galay inuu rimiyo waana la doortaa asal ahaan meesha uu kasoo jeedo ama firkiisa 16-hungow waa markaad waxaad filaysay weydo ama ku hungowdo 17-calooyow waa markaad xasuusato dhacdo aadan jaclayn inay dhacdo 18-inkaar waa habaar alaha naga korshee 19-jariirico waa caadifad ama qalbi jileec ay indhahaagu qabtaan ama lagaaga sheekeeyo waxaana is taagta xaadaada 20-hal adayg karti badan wax tar fiican 21- in meeshaan qof ka qaaday qof uga tagay macnaha qofna waa soo dhaweystay qofna waa iska fogeeyay 22-gobo'laynaysa waxaa loo isticmaalaa dhibcaha murugada sida ilmada ama dhiigga inta badan mararka qaarna caadi waa loo isticmaali karaa sida biyaha ama subagga iyo wax kasta oo dhibic dhibic usoo dhaca 23-laaf yoonaysa waa markaad socoto qaabka gacmahaagu u dhaqaaqaan gabdhuhu waxa sameeyaan socod jileec iyo qurux dumar ka muuqato oo aad u xarago badan in kastoo hadda ragga qaarkiis ku daydeen waana is badelka aduunka iyo dhaqan guurka aad u fogaaday baan filayaa 24-barqo dheer waa intaan duhurka la gaarin aroor horana ahayn 25-soo haysay waxaa la soohaa mayraxda qaab dhaadheer oo labada sacab lagu sooho si loogu diyaariyo in la sameeyo 26- mayraxdu waa shayga la soohayo waxaan laga diiraa geedaha qaarkood waa dhaqan miyi 27-tidcaysa waa marka la sooho ka dib ayay ilkaha ku qabtaan is ay u tidcaan ugana dhigaan xarig dheer oo ay raarka ama gogasha lagu seexdo uga sameeyaan,. waana gabdhihii hore oo qiimaha iyo xishoodka badnaa farshaxan karti iyo gobanimo ilaahay ku ku galaday. 28-galbis waa hees howleed ay ku madadashaan gabdhihii hore intay hawsha ku jiraan 29-sibraar waa maqaar ama harag si fiican loo magdey ama la jilciyay oo biyaha lagu shubto 30-rakuub waa ratiga u tababaran in dadku fuuli karaan qaar waxaa jira ogol in qalab shey la saaro laakiin aan dadka ogolayn 31-qurquriyay waa cabid ama dhamid aadan u neefsan wax xoogaa aan kala joogsi lahayn 32-jirjirka waa dhinac ama gees gees aan toos ahayn calaacasha jirjirkeedo waa dhinaca kore, jirjir baan u seexday, faash ama faasbuu jirjir ugu dhuftay, waa dadab aan toos ahayn 33-kariinkii waa calaamada ay dubnaahaaga ama bishimahaaga ku hara markaad wax cunto ama cabto siiba caanaha oo aad u muuqda 34-faraq waa marada faraqeeda ama dacalkeeda haddii wax khaldamaan waa bani aadam khaladkiis iyo idan alle towfiiq insha allah Share this post Link to post Share on other sites
Positive Posted April 18, 2011 Si wacan oo wanaagsan baad u fasirtay. Calan baan kuu taagey Gooni. Labada eray ee aad nagu soo riixday haddaan isku dayo in aan fasiro waxaan oran lahaa sidan: Qadoodi wuxuu ka yimi erayga qadis. Waxaynu niraahnaa tusaale xalay waan qaday oo micnaheedu yahay cunto maan cunin. Qadoodi magac ahaan ayuu u taagan yahay oo wuxuu u fasirmayaa cunto la’aan. Erayga saleelo micnihiisu waa ciyaar , sahal, dhib la’aan. Ma hubo laakiin qalbigaygu wuxuu i siinayaa inay jirtay ciyaar hadda suushay oo la oran jiray saleelo oo waagii hore soomaalidu ciyaari jirtay. Markaan niraahno qadoodigii saleelo ayuu noqday waxay noqonaysaa cunto la’aantii ciyaaar (wax sahlan ) ayey noqotay oo loola jeedo wax ka dhib badan baa yimi. Fasirkaagii haddaan hal eray ku noqdo gelbis wuxuu la xiriiraa arooska. Noloshii hore ee reer miyiga waxaa dhaqan ahayd in markay wiil iyo gabar is-guursadaan loo dhisi jiray aqal weyn oo ka yara baxsan guryaha kale ee reerka. Habeenka ugu horeeya ee guri-galka waa la soo gelbin jiray wiilka iyo gabadhaba oo iyadoo gabadhana ay wadaan dumar badan oo u heesaya ninkana ay wadaan niman badan oo ay qaraabo yihiin ayaa la isu soo hoyn jiray. Gelbisku markaas dhaqan ayuu ahaa leh nidaam la yaqaan wuxuuna ka mid ahaa caadooyinka arooska ( caadadan meelaha qaarkood weli way ka jirtaa ). Toosiye2 Share this post Link to post Share on other sites