Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: MP's angry at Sharif Sakin deal want their full 3 year extension... The game heats up

Recommended Posts

Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka oo sheegay inaan la badalayn saddexdii sano ee ay kororsadeen

 

Jimco, Abriil 15, 2011 (HOL) - Guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuusan baarlamaanku ka laaban doonin go'aankii muddada saddexda sano ah uu ku kororsaday xilliga uu shaqeynayo, isla markaana qodobbadii kasoo baxay shirkii Nairobi aysan iyaga quseyn.

 

"Xubnihii ka qaybgalay shirkii Nairobi ee uu horkacayay guddoomiye Shariif Xasan Sheekh ma haysan ogolaasho baarlamaan, sidaa dareed qodobbadii kasoo baxay nama khuseeyaan mana jirto cid beddeli karta muddada saddexda sano ah ee uu baarlamaanku ku darsaday xilliga uu shaqeynayo," ayuu yiri guddoomiyaha guddiga warfaafinta baarlamaanka Cawad Axmed Casharo oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

 

Mas'uulkan ayaa ku tilmaamay shirkii ka dhacay Nairobi mid lagu shirqoolayo Soomaaliya isagoo hadalkiisa kusoo beegay xilli xubnihii uga qaybgalay baarlamaanka ay sheegeen inay qodobbadii kasoo baxay horkeeni doonaan baarlamaanka si looga doodo.

 

"Shirkaas wuxuu ahaa mid la isaga horkeenayo hay'adaha dowladda, wuxuuna ahaa shir ay wateen dalal doonaya inaysan Soomaaliya wax nabad ah ka dhalan, taasoo keentay in dowladdu ay diido inay ka qaybgasho," ayuu yiri xildhibaan Casharo.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in dajire Augustino Mahinga uu dhawaan sheego inaan la ogolaan karin muddada saddexda sano ah ee baarlamaanku uu kororsaday uu haddana ogolaado in muddo laba sano ah uu ku kororsado xilligiisa shaqo.

 

Shirkii wadatashiga ahaa ee lagu soo gabgabeeyay habeen hore Nairobi ayna kasoo baxeen toddobada qodob oo ay ka mid ahaayeen in Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamanka dib loosoo doorto waxaa soo dhaweeyay xildhibaanno badan halka kuwo kalena ay kasoo horjeesteen, wuxuuna shirkan khilaafka ugu xooggan dhex-dhigay baarlamaanka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this