Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government lifts ban on universal tv after Apology

Recommended Posts

Maareeyaha Universal Tv oo Raali galin ka bixiyay Warkii Buuhoodle ee ay Baahiyeen Qirayna inuu

Friday, 15 April 2011

Hargeysa (Togdhnews)- Xukuumada Somaliland, ayaa dib oggolaansho u siisay telefishanka Universal oo

muddo ka badan bil ka hor laga mamnuucay inuu ka shaqeeyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidaana waxa shaaciyey Wasiirka Warfaafinta iyo wacy-gelinta Axmed Cabdi Xaabsade oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, kadbi markii wadahadal dhexmaray maareeyaha telefishankaasi oo ku sugan magaalada Hargeysa.

 

Wasiirka oo shirkaa jaraa’id ay ku wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaasaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh iyo Maareeyaha Telefishanka Universal, waxa uu halkaasi ka sheegay in kadib markii masuulka telefishanku raaligelin ka bixiyey war barobagaandho ah oo ay ka baahiyeen Somaliland, isla markaana ay heshiis cusub la saxeexdeen ay go’aansadeen in dib loogu oggolaado hawlahoodii shaqo ee ay ka hayeen Somaliland.

 

Wasiir Xaabsade waxa uu sheegay in gal dacwadeedkii ay u gudbiyeen Xeer-ilaalinta la soo noqonayaan si ay dacwadaas u xidhanto.

 

Maareeyaha UniversalTv Axmed Abuubakar oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa cadeeyey in warkii ay faafiyeen ee dhacdadii Buuhoodle uu ahaa been abuur uu sameeyey warayihii wakiilka u ahaa, tallaabona ay ka qaadeen imikana ay heshiis cusub la galeen Wasaarada Warfaafinta Somaliland.

 

 

TogdheerNews..Hargaysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Somaliland Oo Maanta Xayiraadii Ka Qaaday Telefiishanka Madaxa-banaan Ee Universal Kadib Markii Muddo Ka Hor Laga Mabnuucay Inuu Ciida Somaliland Wax War Ah Ka Baahiyo.

 

 

Hargeysa(Ramaas) Apr.14, 2011 - Xukuumadda Somaliland ayaa xayiraadii ka qaaday telefiishanka Madaxa banaan ee Universal oo hawlihii warbaahineed ee uu dalka ka hayay laga joojiyay 10 March ee sanadkan 2011-ka ka dib markii lagu eedeeyay inay warar xaqiiqada ka fog ka baahiyeen ciidamada qalabka sidda eek u sugan jiida Buuhoodle.

 

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta iyo Wacy-galinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsadde oo maanta ka hadlayay kulan ay wasaaradda ku yeesheen isaga iyo maamulka telefiishanka ayaa sheegay inay Telefiishanka Universal ka qaadeen xayiraadii ka dib markii mulkiilaha iyo maamulka telefiishanku raali-galin ka bixiyeen wararkii been abuurka ahaa ee wariyaha Tv-ga u jooga Magaaladda Buuhoodle uu ka baahiyey dagaalkii ciidamadda qaranka Somaliland la galeen kooxda nabad-diidka ah ee la baxday SSC.

 

Wasiirka warfaafinta Md Axmed Cabdi Xaabsadde, waxa uu sheegay inay ka wada hadleen maamulka telefiishanka wixii keenay in la xayiro, maamulkuna balan-qaadeen inay ka waan-toobayaan tabinta wararka aan fiicnayn ee sababaya in dadku kacaan, isaga oo telefiishanka Universal uga digay inay baahiyaan wararka xaqiiqada ka fog ee la mid ah kuwii Buuhoodle.

 

Md Xaabsadde, waxa kale oo uu sheegay inay la soo noqonayaan gal-dacwadeenkii ay maxkamadda u gudbiyeen ee la xidhiidhay kiiska loo haystay telefiishanka Universal.

 

Mulkilaha telefiishanka oo isna ka hadlay xayiraad ka qaadista telefiishanka Universal Axmed Abu-bakar ayaa sheegay inay qaateen khaladkooda, isla-markaana ay tallaabo ka qaadeen wariyihii soo tabiyey warkii been abuurka ahaa ee keenay in telefiishanka laba mabnuuca gudaha Somaliland.

 

Mr Axmed Abu-bakar, waxa uu balan-qaaday inay Somaliland ka baahin doonaan warar xaqiiqda ku salaysan oo aan durxaan iyo dhibaato lahayn, isaga oo sidoo kale shacabka reer Somaliland ka raali-galiyey wixii khalad ah ee telefiishankooda ka dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this