A_Khadar Posted April 15, 2011 Laascaanood,(Lasanod Online)- Waxaan Alla ku mahadinaynaa nimcooyinkiisa, waxaana ka magan gelaynaa masiibooyinka kala duwan, nabad gelyo iyo naxariisna Nebi Muxamed (SWC) kor kiisa ha ahaato.Waxaan baaqan u jeedinaynaa cid kasta oo leh damiir danqada & qalbi dabacsan, guud ahaan dadka soomaaliyeed ee walaalaha muslimka ah meel kasta ay joogaan, gaar ahaan dadka ka soo jeeda gobolka sool & degaanada ki xidhan dibada iyo gudahaba. Marka hore: xaalada abaaraha gobolka waxay gaadhay meel adag oo dadkii iyo duunyadaiiba halis u yihiin inay u geeriyoodaan, taas oo ay sabab tay raxmaadkii alla oo ka raagey deegaanada oo weli wax roob ah helin. Ka dib xoolihii ay tamar dhigeen meelaha qaar aysan gaadhi karin ceelka biyaha leh xataa haduu u dhow yahay, gaadiidkii ay biyaha ku dhaansanayeen uu ka fadhiistay, iyadoo godod baco la geliyey loogu shubo biyo wixii loo helo, iyadoo meelaha qaar biyuhu aad ugu fog yihiin, meelaha qaar waxay xooluhu dul tubnaadaan maalmo baraago madhan iyagoo sugayo biyo booyad lagaga soo qaaday in kabadan 100 km. Waxaa hada dhamaaday deeqihii hore ee soo gaarayey gudiga abaaraha taas oo qayb weyn ka ahayd biyo dhaamiska ka jirey gobolka. Hadaba culimadu waxay soo jeedinayaan arimahan muhiimka ah: 1. In dhamaanteen alla u toobad keeno si dhab ah oo ficil iyo qawlba leh. 2. In la sameeyo islaax cidii colaad ama xumaan dhextaalo, la isna cafiyo. 3. In aan baryada allaah laga daalin, naxariistiisana laga quusan. 4. In roobdoon ta iyo alla bariga lagu celceliyo ilaa inta raxmaadkiisa rabbi inooga shubayo oo maalinta isniinta ee taariikhdu tahay 18/04/2011 dadweynaha gobolka, degmooyinka iyo tuulooyinkuba dhamaan loo wada baxo roob doon oo aan loo kala hadhin, iskoolada madaarista iyo dhamaan meheradaha la wada xidho. 5. Culimadu waxay dhawaan aasaaseen jamciyada salaama ee horumarka iyo samafalka oo iyadu ka furtay xawaalada Amal bank akoon tabarucaadka loogu aruurinayo, sidoo kale waxay akoono lacag aruurin ah ka furtay shirkadaha telsom iyo golis nambaro lagu shubayo qofkasta wixii uu heli karayo. Account no ee Amal bank : 00613-04-4791901. Shirkada Telsom: Zaad 4918860 Merchant 403916 Shirkada Golis: Sahal 507862 Merchant 402633 Culimada baaqa soo jeedisay: 1. Sh Axmed Maxamed Saleebaan 2. Sh C/naasir Maxamed Xaji Maxamed 3. Sh Maxamuud Maxamed Maxamuud (xaliike) 4. Sh Aadan weli C/raxmaan xuseen 5. Sh Xasan Maxamed bootaan 6. Sh Siciid Axmed cadare 7. Sh Abshir Cabdi Axmed Alla mahad leh. Xoghaya jamcida salaama Abshir Axmed cabdi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 15, 2011 Inshallah ilahay dadkeena abaaraha wa ka saaari doona Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted April 16, 2011 Those of us who have relatives back home in drought stricken areas should double our support. Water is needed so much specially for livestock. Quote Share this post Link to post Share on other sites