Sign in to follow this  
A_Khadar

Severe Droughts - Qaylo Dhaan Abaaraha Oo Ay Soo Saareen Culimada Gobolka Sool(Vedio)

Recommended Posts

A_Khadar   

Laascaanood,(Lasanod Online)- Waxaan Alla ku mahadinaynaa nimcooyinkiisa, waxaana ka magan gelaynaa masiibooyinka kala duwan,

 

nabad gelyo iyo naxariisna Nebi Muxamed (SWC) kor kiisa ha ahaato.Waxaan baaqan u jeedinaynaa cid kasta oo leh damiir danqada & qalbi dabacsan, guud ahaan dadka soomaaliyeed ee walaalaha muslimka ah meel kasta ay joogaan, gaar ahaan dadka ka soo jeeda gobolka sool & degaanada ki xidhan dibada iyo gudahaba.

Marka hore: xaalada abaaraha gobolka waxay gaadhay meel adag oo dadkii iyo duunyadaiiba halis u yihiin inay u geeriyoodaan, taas oo ay sabab tay raxmaadkii alla oo ka raagey deegaanada oo weli wax roob ah helin.

Ka dib xoolihii ay tamar dhigeen meelaha qaar aysan gaadhi karin ceelka biyaha leh xataa haduu u dhow yahay, gaadiidkii ay biyaha ku dhaansanayeen uu ka fadhiistay, iyadoo godod baco la geliyey loogu shubo biyo wixii loo helo, iyadoo meelaha qaar biyuhu aad ugu fog yihiin, meelaha qaar waxay xooluhu dul tubnaadaan maalmo baraago madhan iyagoo sugayo biyo booyad lagaga soo qaaday in kabadan 100 km.

Waxaa hada dhamaaday deeqihii hore ee soo gaarayey gudiga abaaraha taas oo qayb weyn ka ahayd biyo dhaamiska ka jirey gobolka.

Hadaba culimadu waxay soo jeedinayaan arimahan muhiimka ah:

1. In dhamaanteen alla u toobad keeno si dhab ah oo ficil iyo qawlba leh.

2. In la sameeyo islaax cidii colaad ama xumaan dhextaalo, la isna cafiyo.

3. In aan baryada allaah laga daalin, naxariistiisana laga quusan.

4. In roobdoon ta iyo alla bariga lagu celceliyo ilaa inta raxmaadkiisa rabbi inooga shubayo oo maalinta isniinta ee taariikhdu tahay 18/04/2011 dadweynaha gobolka, degmooyinka iyo tuulooyinkuba dhamaan loo wada baxo roob doon oo aan loo kala hadhin, iskoolada madaarista iyo dhamaan meheradaha la wada xidho.

5. Culimadu waxay dhawaan aasaaseen jamciyada salaama ee horumarka iyo samafalka oo iyadu ka furtay xawaalada Amal bank akoon tabarucaadka loogu aruurinayo, sidoo kale waxay akoono lacag aruurin ah ka furtay shirkadaha telsom iyo golis nambaro lagu shubayo qofkasta wixii uu heli karayo.

Account no ee Amal bank : 00613-04-4791901.

Shirkada Telsom: Zaad 4918860

Merchant 403916

Shirkada Golis: Sahal 507862

Merchant 402633

Culimada baaqa soo jeedisay:

1. Sh Axmed Maxamed Saleebaan

2. Sh C/naasir Maxamed Xaji Maxamed

3. Sh Maxamuud Maxamed Maxamuud (xaliike)

4. Sh Aadan weli C/raxmaan xuseen

5. Sh Xasan Maxamed bootaan

6. Sh Siciid Axmed cadare

7. Sh Abshir Cabdi Axmed

Alla mahad leh.

Xoghaya jamcida salaama

Abshir Axmed cabdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this