Al-Miskiin Posted April 15, 2011 Assalamu Alaikum meeshan waxaan u furay inaan soo galiyo sheekooyin, ama qiyoosin yaryaroo qosol ah! Waxaana qaar qisooyinka ka soo guurin, kitaab la dhaho "Akhbaarul Xamqaa wal Muqafiliin" oo u quray ibn jawzi. Waa kitaab sheekooyin qosol ah ka buuxaan, a whole kitab just for jokes lol. Waxaan kaloo ku soo qori sheekooyin, qisooyin soo galayo mawduuca "islamic ila qosol", ama culimadda laga maqlay, masaajidda, ama meelo kale. Insha Allah waxaan isku dayi inaan dhowr xabo soo galiyo, mida kale, kuwo haday jiraan aad idinku taqaaniin/maqasheen soo qora Insha Allah, ana sidoo kalaan samayn. Waxaa laga yaabaa inay qisooyinka qaar qosolba aynaan u inagu, waayo dadkii qoray baa inaga duwanaa. Sidoo kale, qisooyinku qaar baa sanad sax ah leh(yacni waa saxiix), qaarna lama oga. Qisada koobaad: Imaam Maalik ibnu Anas ayaa waxuu yidhi, maalin ayaa nin baa isagoo dad tujinaya , baa markuu suuratul faataxa dhameeyey, ayaa waxaa ku dhagay wixii uu akhrin lahaa, markaasu ku soo celceliyey, "Acuudubillaahi samiicil caliimi Mina sheydaani rajiim" dhowr jeer! Xoogaa markuu sidaas ku celceliyay, ayaa mid kamid ah dadkii ku daba tukanayay baa qayliyey oo yidhi, "war sheydaanku denbi malahan ee adaan waxba akhrin aqoonin" lol Qiso kale: Ninbaa u yimid Abii Khaazim al Qaadhi!. Markaasuu yidhi : Heedhee shaydaan baa ii yimaada oo igu yidhaahda Xaaskaadii ayaad furtay (yacni wuu i waswaasiyaa/wareeriyaa). Qhaadigii(Garsoorihii) ayaa yidhi: Oo maadan furin miyaa? Ninkii ayaa yidhi: Mayya(marnaba) Qhaadigii ayaa yidhi: Soodigii shalay ii yimid eed agtayda ku furtay(xaaska)? Ninkii ayaa yidhi: Wallaahay maanta unbaan kuu imid, xaaskaygana waji aan ku furay inuusan jirin Qhaadigii ayaa yidhi: Hadaba sidaad aniga hadda iigu dhaaratay ugu dhaaro sheydaanka! Lool! Qiso kale: Nin baa masjid Imaam ka ahaa, markaasuu maalin maalmaha ka mid ah, asagoo salaada tujinaya wuxuu ku khushuucay suurad ka hadlaysa, qiyaamaha, siiba aayada: فَأَينَ تَذهَبُونَ ( So where are you going?) Aad buu ugu soo celceliyey aayadii, markaasaa mid dadkii ka mid ah baa salaadii ka baxay oo yidhi intuu kabihiisii qaatay"Agah! kolay anigu gurgaan aadi, ma ogi kuwan kale dantooda" Quote Share this post Link to post Share on other sites