Sign in to follow this  
General Duke

Farmaajo makes his move- Calls for a Reconciliation Conference in June, time wasting or ?

Recommended Posts

Warsaxaafadeed

 

(Muqdisho – Khamiis, 14 April 2011)—–Shirkii caadiga ahaa ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin shirkii ka dhacay Nairobi iyo marxaladda kala guurka ah.

 

Golahu waxey dib-u-eegid ku sameeyeen kulankii wadatashiga ‘heerka sare’ ee ka dhacay Nairobi 12kii iyo 13kii April 2011. Kulankan ma noqon mid miro dhal ah oo buuxiya waxii laga filayey, mana aheyn mid matala danaha shacabka soomaaliyeed.

 

Ka dib Golahu markii ay ka hadleen mustaqbalka iyo xilliga kala guurka ah iyo sida ugu habboon ee loo raadin karo nabad, wadatashi iyo dib-u-heshiisiin dhameystiran, isla markaana ka doodeen ayey waxey Golahu isku raaceen arrimaha soo socda:

 

In Dowladda FKMG ah ay diyaar u tahay in wadatashi, isla xisaabtan iyo dib-uheshiisiin dhab ah ay dhex marto dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, ha noqdaan Maamuladda Gobolada, Ahlu Sunna WalJameeca, ururada bulshada, madaxda dhaqanka iyo kuwa diinta iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda.

Guddiga siyaasadda ee heer wasiir ah inay ka soo talo bixiyaan habka ugu habboon ee shir Somalida isagu timaado waddanka gudihiisa isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan Golaha Wasiiradda.

In shir wadatashi iyo dib-u-heshiisiin heer sare ah lagu qabto dalka gudihiisa bisha June 11keeda ilaa 16-ka, shirkan oo ah mid ay Dowladda FKMG ah horseed ka tahay iyadoo la tashaneysa isla markaana kaashaneysa beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey.

In agendaha, macluumaadka iyo qorshaha shirkan uu noqdo mid dhammaan ka qeybgalayaasha lagala tashto si uu u noqdo mid ay dhammaan ka qebygalayaasha isku raaceen. Golahu waxuu isku raacay in dhammaan qeybaha bulshada la gaaro oo lagala tashto ajendaha iyo waxa la filayo inay ka soo baxaan shirka. Shirkan ayaa noqon doona mid wadatashi siyaasadeed isla markaana looga hadlayo habka loo wajahayo mustaqbalka shacabka soomaaliyeed.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

 

media@opm.gov.so

 

 

-DHAMAAD-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda KMG ah oo sheegtay inay dalka gudihiisa ku qabanayso shir dib u heshiisiineed

 

Khamiis, Abriil 14, 2011 (HOL) – Kulan ay golaha wasiirrada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya maanta ku yeesheen xafiiska ra'iisul wasaaraha ee Muqdisho ayay kasoo saareen qodobbo ay ka mid yihiin in Muqdisho lagu qabto 11-ka illaa 16-ka bisha June ee sannadkan shir dib u heshiisiineed oo ay kasoo qaybgalaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo ay ku jiro Xarrakatul Shabaab.

 

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga dooday xilliga kala guurka ah ee dowaldda DKMG ah iyo shirkii wadatashiga ahaa ee xalay lagu soo gabgabeeyay magaalada Nairobi kaasoo ay ku sheegeen inaysan kasoo bixin qodobbo miro-dhal ah sidoo kalena uu ahaa mid aan ka tarjumaya danaha dadka Soomaaliyeed.

 

Qodobbada kasoo baxay gabagabadii shirka ay wasiirrada DKMG ah ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa in dowladdu ay diyaar u tahay in wadatashi, isla xisaabtan iyo dib u heshisiiin dhab ah ay la yeelato dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida: maamul goboleedyada dalka ka jira, ururrada bulshada rayidka, kooxaha dowladda kasoo horjeeda, madaxda dhaqanka iyo culummaa'udiinka.

 

Sidoo kale, qodobbada ayaa waxaa ka mid ahaa in la saaro guddi heer wasiir ah oo kasoo talo-bixiya habka ugu habboon ee lagu qaban karo shirka ka dhacaya dalka, kuwaasoo sida ugu dhaqsiyaha qorshahooda ugu soo gudbiya golaha wasiirrada.

 

Xukuumadda KMG ah ayaa sheegtay in ajnadayaasha iyo macluumaadka shirka ay kala tashanayso dhammaan qaybaha uu quseeyo oo ay ku jiraan shacabku uu ku jiro, sidoo kalena ay qabashadiisa la kaashan doono beesha caalamka iyo Qarammada Midoobay.

 

Go'aanka ay xukuumadda KMG ah ku gaartay inay ku qabanayso shir watashi ah gudaha dalka ayaa imaanaya xilli xalay lagu soo gabgabeeyay dalka Kenya shir ay horay u qaadacday oo qodobadii kasoo baxay ay ka mid ahaayeen in lasoo doorto madaxweyne iyo guddoomiye baarlamaanka oo cusub inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan oo uu xilliga dowladdu ku ekaa.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

shir dib u heshisiin waa inuu gudaha dalka ka dhacaa oo laga hadlo aayaha dalka, sheekada Mahiga ha leyska dhaafo, hadii for example shirka ka dhaco Gaalkacyo, Xamar ama Garowe oo laisku raaco in doorasho la qabto, waala qabanaaya, Muuse suudi, Faroole, Caalin, Awliyo and Shariif sakiin ma metelaan shacabka soomaliyeed..

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba good point dalka la nabadaynayo wa Somalia , dadka la nabadaynayo wa Somali dadka la isku so dhaweynayo wa somali marka wa caqli gal in shirka dalka gudihisa lugu qabto faarmaajo si fiican bu yeelay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho, April 14 - Golaha xukuumadda federkaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa diiday baaqii iyo natiijooyinkii ka soo baxay shirkii wada-tashiga heerka sare ee qaar ka mida hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya shalay ugu soo dhamaaday Nairobi. Taa baddalkeeda ayay xukuumaddu ku baaqday shir kale oo wada-tashi, kaasoo ka dhici doona Muqdihso bisha June ee sannadkan.

 

Kadib shir ay golaha xukuumadda federaalka KGM ah ee Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho, uuna guddoominayay ra'iisul-wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa looga dooday natiijooyinkii shirkii wada-tashiga heerka sare ee xalay ku soo dhamaaday magaalada Nairobi. Afhayeen u hadlay xukuumadda ayaa sheegay in natiijooyinkii ka soo baxay shirka ayan gaarsiisnayn halkii laga filayay, isla markaana ayan wax dan ah ugu jirin ummadda Soomaaliyeed. Goluhu waxa uu soo jeediyay in shir wada-tashi iyo dib-u-heshiineed lagu qabto magaalada Muqdisho bisha June ee sannadkan 2011-ka.

 

Dhinaca kale, xukuumaddu waxa ay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wada-xaajood la gasho maamullada iyo ururada ka jira Soomaaliya.

 

Madaxtooyada iyo golaha xukuumadda ayaa qaadacay shirkii wada-tashiga heerka sare ee xafiiska QM ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya uu ku casumay dhammaan dhinacyada ay ka go'do siyaasadda Soomaaliya. Shirkaas oo shalay soo gaba-gaboobay ayaa waxa ka soo baxay go'aanno ay ka mid yihiin in laba sano loo kordhiyo barlamaanka federaalka ah iyo in la soo af-jaro xaaladda ku-meel-gaarnimo ee Soomaaliya, taasoo loo marayo doorasho madaxwayen iyo mid guddoon baarlamaan oo la qabto inta ka horeeysa bisha August ee sannadka 2011-ka.

 

Tallaabadan ay golaha xukuumaddu ku qaadaceen natiijooyinka shirka iyo baaqa shirka kale ee cusub ayaa la filayaa in uu sii fogeeyo qotoda khilaafka iyo farqiga u dhexeeya madaxtooyada iyo xukuumadda oo dhinac ah iyo dhinacyadii ka qayb-galay shirki wada-tashiga oo dhinaca kale ah.

 

Diiwaanka Wararka,

Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oba, a National Reconciliation Conference, should be held inside Somalia. Sharif should not use it as a ploy, but let the people come together and decide.

 

Even in Villa Somalia as long as everyone can come.

 

Its late but not bad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

they don't need another reconciliation meeting that results another transitional whatever, they need to hold elections where ever possible for the all the branches and an independent supreme court that insures the constitution (whichever one) is followed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Wabbish!!, kii Cali Mahdi oo kale ayuu iska noqonayaa!. Shariif waa kii lahaa Shirka Nairobi Shabaab baa ka maqane kan Somalia lagu qaban doono tolow Shabaab ma keeni doonaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabaab & Sharif are both irrelevent. Whats needed is a Somali National Council to create a new governemnt or hold elections for this one with clear guidelines for Parliment reform.

 

Reduce parliment

Extend the power of the central government to all the stable regions.

 

Bari,

Mudug,

Sanaag,

Sool,

Galgaduud

Nugaal

....................

Capture Hiiraan

Banadir

Middle Shabelle

and keep the pressure on these clowns.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

It is not the first time Farmajo has said "lets hold a meeting inside Somalia". Not sure why it is a news, but hey, to each his own.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Its the first time he has said it. Its the first time he has put a date in, if you have anything old, kindly provide it.

Also while I agree, I think saving ones position should not be the motivation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. Lost for words I guess. Next time dont just make things up, also Mahiga was a lovely bloke untill he told Sharif we[ic] wont elect you again. Now all the tears.

 

Anyhow I applaud this shir, so long as Sharif AHmed is not the center but just a participent after his term ends.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this