Sign in to follow this  
General Duke

UN comes into line, an Election should be held in SOMALIA to end transition

Recommended Posts

QM oo xukuumada cadaadis ku saareysa shir lagu qabto Somaliya

 

Nairobi: (Sh. M. Network) Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Augostine Mahiga ayaa waxaa uu cadaadis ku saarayaa Xukuumadda KMG Soomaaliya inay bilaawdo ololo loogu gogol xaarayo sidii doorasho guud loogu qaban lahaa dalka Soomaaliya ka hor bisha August ee soo socota.

 

Mahiga ayaa waxaa uu sheegay in uu ka dalbanayo Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo Urarada Siyaasadeed inay ka qeyb qaataan Doorashadaasi oo uu tilmaamay inay taageero wayn u hayso Qaramada Midoobay.

 

“Waa in la hagaajiyaa xaaladaha amaan iyo tan siyaasadeed ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya ay dagaaladu aafeeyeen ka hor inta aan la gaarin bisha August si loo qabto doorasho ku dhacda nabad galyo” ayuu yiri Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Augostine Mahiga mar uu la hadlayay Wakaaladda Wararka ee Routers.

 

Waxaa jira qilaaf xoogan oo ka dhaxeeya Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay kaasi oo salka ku haya xiliga ay Xukuumadda ku kororsatay jiritaankeeda, iyadoo ilaa iyo iminka QM ay ka biya diidantahay muddo kororsigaasi, waxaana la’ogayn sida Xukuumadda ay ugu hogaansamayso baaqyada isdaba joog ah ee kasoo baxaya Qaramada Midoobay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii wadatashiga ee ka soconaayey magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa la soo gabagabeeyey,waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah.

 

Shirkaasi oo Nairobi ka soconaayey laba maalmood ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay,waxaana si qoto dheer looga hadlay xaaladda Soomaaliya ay mareyso.

 

Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay Dawladda Puntland,Baarlamaanka Dawladda KMG ah,Gal-mudug iyo Ahlusunna Waljameeca.

 

Gabagabadii kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ay ku qoranaayeen qodobo ay ugu muhiimsanaayeen:

 

In bisha Agoosto ee sanadkan la qabto doorasho,taasi oo lagu soo dooranayo Madaxweyne cusub iyo Guddoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigenadiisa

In baarlamaanka Dawladda KMG ah muddo laba sana ah loogu kordhiyo wakhtigiisa.

In dib u habayn lagu sameeyo baarlamaanka Dawladda KMG ah ayna ka qaybqaataan maamul goboleedyada ka dhisan gudaha Soomaaliya.

Si kastaba arrimaha ayaa kusoo beegmaya xili madaxda Dawladda KMG ah ee Soomaaliya aysan u dhameyn shirka lamana oga sida ay ku aqbali doonto xukuumada Dawladda KMG ah qodobada kasoo baxay shirka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this