Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Sheekh shariif: waxaan arki jirnay madaxweyne kaligii taliye ah laakin maxaan ku tilmaana Shariif H

Recommended Posts

MUQDISHO: -Madaxweyne Sharif oo qudbad ka jeediyey kulan uu maanta madaxtooyada kula qaatay qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa marka hore amaanay xildhibaanada.

 

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in sababta ay go'aanka u qaateen Xildhibaanada ay tahay dan Soomaaliyed, isagoo xusay in dhankooda aanay diidaneyn wada hadal, balse wada hadalada ay tahay inuu ka yimaado Soomaalida, isagoo ka codsaday Beesha caalamka inay ixtiraamaan talada shacaba Soomaaliyed sida uu hadalka u dhigay.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lahjad kulul u adeegsaday shirka Nairobi, isagoo ku tilmaamay inuu yahay mid lagu bur burinayo waxqabadkii ay Dowladda ay sameysay, isagoo cadeeyay in Dowladda in lagu soo dhisay Dib u heshisiin, isla markaana waxyaabaha ay u taagan tahay ay tahay wada hadal iyo dib u heshiisiin.

 

Waxa hadaladiisa laga dhadhansan karay eedeymo uu si dadban ugu jeediyey gudoomiyaha baarlamaanka isaga oo ku sifeeyey shaqsi shabaha kaligiis taliye.

 

"Waxaan aragnay madaxweyne ama hogaamiye kaligiis taliye ah, laakin adinka ayaan idin weydiyey ee maxaan ku tilmaami karnaa afhayeenka baarlamaanka"

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday xilliga kala guurka, isagoo xusay in muhiim tahay in xilli dheeraad ah lagu dhameystiro Dowladda KMG, si howlaha hor yaala lagu qabto, waxaana sidoo kale uu ka dalbaday in Baarlamaanka uu go'aan ka qaato halka sano loo baahan yahay inay ka fiirsadaan.

 

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo hadal qaaday safaradii uu ku soo maray dalalka Uganda, Rwanda iyo Brundi, isagoo u sheegay Xildhibaanada in shirkiisa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.

 

Waxaa uu kaloo sheegay in shirka uu ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka aanu xaqu u laheyn, balse qorshaha uu yahay in Xukuumad ka qeyb gasho, balse ay qaadacday, waxaana uu ugu dambeyn uu si kulul u weeraray Beesha Caalamka inay wado Maamul xumo, hase ahaatee waxaa uu xusay in Beesha Caalamka ay kula dhaqmeyso si kelis talinimo ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this