Sign in to follow this  
General Duke

Ghandi's Narnia facing opposition before it even became a reality..

Recommended Posts

walala.jpg

 

Madaxweynaha Mamul Goboleedka Jubba Raas State ENG:Cabduqadir Maxamuud Yuusf ayaa waxa uu safaro ku kaa bixinayaa dhamaan wadamad africa Madaxweynaha ayaa sidoo waxaa uu kulamo hoose la lahaa odayaasha Haweenka iyo dhalinyarada degaanka maamulkiisa ka soo jeeda ayada oo kulamadaasi uga tashanayay sidii degaanada hormar iyo Maamul wanaag loo gaarsiin lahaa waxaana wali socda kulmadaasi ayada oo aanan ka soo bixin war bixin cad.

 

Wafdiga Madaxweynaha waxaa lafilayaa in ay kulamo kula yeshaan magaalada Adis ababa ka socda beesha Caalamka iyo Madaxda Dowlada Itoobiya sida u qorsheesan.

 

Madaxweyne Eng:Cabduqaadir maxamuud yuusuf ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waday kulamo xasaasi ah ayada oo lafilayo in uu gaari doono wadanka Ingiriiska iyo Kenya isbuucyada soo socda ayada oo dhawaana la filayo in maamulkiisu xafiisyo ka furo Qaar kamid ah dalalka Caalamka.

 

Beesha Reer Faqi Cumar ayaa si buuxda u taageertay maamulkan waxa ayna sheegeen in ay taageersan yihiin boqolkiiba boql Madxawyanaha

 

Wafdiga Madxwyanaha lam hubo in ay ka qayb galayaan shirka ak socda Nairobi balse waxa lagu la taliyay in uusan ka qayb galin

 

Onkod News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan looga soo Horjeedo Maamulka Azaaniya ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo ka dhacay Degmada Bu'aale

 

Arbaco, Abriil 13, 2011 (HOL) – kulan ay maanta isugu yimaadeen odoyaasha dhaqanka beelaha dega magaalada Bu'aale ee gobolka J/dhexe ayaa waxa looga soo horjeeday Maamul goboleedka Azaaniya Satate ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee magaalada Bu'aale ayaa waxa kasoo qeybgalay nabadoono, ugaasyo iyo salaadiin ka kala socotay beelaha ku dhaqan magaalada Bu'aale, waxaana guud ahaanba odoyaashii halkaasi ka hadlay ay cambaareen dusha kaga tuureen maamulka Azaaniya State iyagoona ku eedeeyay in maamulkaasi uusan wada shaqeyn la lahayn odoyaasha beelaha degan G/J/dhexe oo kamid ah gobollada loo dhisay maamulkaasi cusub.

 

Ugaas Xuseen Ugaas Max'uud Qorane oo kamid ahaa ugaasyadii halkaasi ka hadlayayaa isagu si kulul u cambaareeyay maamulka Azaaniya isagoona ku eedeeyay maamulkaasi in uu yahay maamul ay dhisteen dad aan u dhalan Jubooyinka, waa siduu hadalka u dhigaye.

 

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo ceynkan oo kale ah oo mudooyinkan danbe ay yeelanayeen odoyaasha beelaha ku dhaqan Jubooyinka iyo Gedo kuwaa oo looga soo horjeeday maamul goboleedka Azaaniya ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo kaa oo dhawaan looga dhawaaqay wadanka Kenya.

 

Xasan Nuur Max'ed, Hiiraan Online

hnur@hiiraan.com

Kismaayo, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this