Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice president opens new airport terminal In hargeysa

Recommended Posts

M/Ku-Xigeenka Oo Furay Terminaal Iyo Dhismeyaal Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Madaarka Hargeysa

April 13th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha Terminaal cusub oo dhismeyaal kale oo lagu soo kordhiyay madaarka Magaalada Hargeysa.

 

Xaflad loo sameeyay furitaanka dhismeyaashaasi waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiiro, Marwada koowaad ee Madaxweynaha, Xubno ka tirsan xisbiga tallada haya ee KULMIYE iyo masuuliyiin kale.

 

Ugu horayn badhasaabka gobolka Maroodi jeex Axmed Cumar Xaaji C/llaahi (Xamarji) oo hadal kooban ka jeediyay, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaan mahad gaar ah usoo jeedinayaa bah-weynta wasaarada duulista hawada oo uu hormuud u yahay Maxamuud Xaashi, oo runtii wax qabad ku dayasho mudan leh in looga mahad celiyo mudan oo in shahaado sharaf lagu siiyo mutaystay inuu halkan inoogu soo bandhigayo wax qabad muddo kooban gudaheed uu ku qabtay, aad baad ugu mahadsan tuhiin.”

 

“Anigoo magaca gobolkayga ku hadlaya mashrucani waa kii ugu balaadhanaa ee laga fuliyo gobolka, kolay guud ahaana ay ka muuqato, isla markaana waxay ka turjumaysaa waxqabadkii madaxweynaha JSL hormuudka ka yahay, in aanu ka midho dhalinay durtaba wakhti yar oo kooban inteedi badnayd. Waxaan leeyahay inna way inooga dhiman tahay , waxaan ka bala nqaadaynaa inta naga dhiman inaanu dhamaystiri doono,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex

 

Wasiirka wasaarada duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, oo halkaasi ka jeediyay hadal kooban, wuxuu yidhi “Hawshan aynu u nimid maanta inaad goob joog ka noqtaan waxay hordhac u tahay isbedalka ay maagan tahay xukuumaddan cusub ee shacabku soo doortay, kalsoonida siiyay waana himillooyinii iyo ididiilooyinkii aanu maanka iyo ishaba ku haynay, waxa run ah inay wax badani ay iska badali doonaan qarankan Somaliland muddada xukuumaddani gacanta ku hayso, madaarkan oo ah mid adeegiisu maanta weyn yahay oo dayuurado badani yimadaan, oo hore adeegiisa tayadiisu hoosaysay, dhismihiisu gaabnaayeen, anigoo qiraya in wax badan runtii laga soo qabtay oo aan qarin karaynin halkii uu taagnaa markii hore.”

 

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Mudadii gaabnayd waxa ay wasaaaradani isku dayday, iyada oo xukuumada uga wakiil ah iyo madaxweynaha inay wax badan ka badasho adeegiisa, xikmada ugu wayni waxa weeye madaarkan oo ah madaarkii caasimada, waa muraayadii qarankan, qof kasta oo ajinabi ah ama reer Somaliland ahi marka uu soo cago dhigto halka ugu horaysa ee uu eegayaa siduu maamulkeenu yahay, sida ay tahay bilicdeenu, sida ay tahay nadaafadeenu , xilkasnimadeenu halkanu ka qaadanayaa, dhismaha oo kaliya maaha waxa aanu isha ku haynaa inaanu wax ka badalo, waxa weeye habkii maamulka oo dhan ayaanu doonaynaa inaanu badalo oo maamul wanaag ku badalo.”

 

Md. Maxamuud Xaashi waxa uu uga mahad celiyay taageerada ay ka gaysteen madaarka shirkado iyo ururo wadaniya oo gacan ka gaystay dib u dhiska madaarka Hargeysa.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna madashaasi khudbad ka jeediyay, wuxuu yidhi “Runtii waxa farxad weyn ii ah maanta, in horumar la taaban karo oo laga mujiyey isbadal wayna lagu sameeyay madaarkii caalamiga ahaa ee Egal International Airport ee ku yaal caasimadeena Somaliland, runtii wax qabad muuqda oo muddadii yarayd waxaan odhan karaa muddo laba bilood ah baan ka maqnaa maalintii madaxweynuhu ka soo guryo noqday Ingiriiska isbedal muuqda ayaa labadaa bilood ka muuqda, waxaanan qabaa taasi waxay ku timid dedaalka xukuumadu guud ahaan ugu jirto, in adeega bulshada wax laga bedalo la hagaajiyo, madaaradduna waxay yihiin marinka koowaad ee ummada laga dheehan karo horumarkeeda, cid kasta oo kuu imanaysaana albaabka ay kaaga soo gasho ay tahay, waana kuwa lagu dadaalayo in wax laga badalo, waxay Soomaalidu tidhaa, Hugaaguna wuu kula baryo tagaa.”

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu intaa ku daray “Xukuumadu waxay markii u horaysay ku talaabsatay in halkii la fadhiyey ee madaxtooyada dalka looga talinayay wax laga bedalo oo la qurxiyo oo isbedal weyn lagu sameeyo, madaaraduna waxa weeye albaabka labaad iyaga in wax laga bedelay waa taa ii muuqata, waxaanay ina tusaysaa runtii inagoo maanta aan kaalmooyin caalami ah haysan waxa aynu haysaa wali yar yahay, hadana isku tashiga aynu isku tashanay oo mar kastaba markuu qofku isku tashado ilaahayna la kaashado wax badan, isku tashigaasi wuxuu keenay maanta, in madaarkii noqdo madaar caalami a, in biriishkii shanta sanadood loo dhibaataysnaa shan bilood oo xukuumada cusubi talada haysay uu ku dhamaaday, taasi waxa inoo muujinaysaa dadaalka hadh iyo habeen xukuumadan cusubi ugu jirto sidii wax badan looga badali lahaa nolosha bulshada reer Somaliland.”

 

Dhinaca kale, waxa ka hadlay xafladaasi Wasiirkii hore ee Wasaarada arrimaha dibada Marwo Edna Aadan Ismaaciil, waxaanay ka warantay sidii uu madaarka Hargeysi ahaa xiligii dalka lagu soo noqday 1991-kii, waxaanay tilmaantay in xiligaasi uu ahaa gego cillo ah xiliganse uu ka jiro adeeg casri ahi waxaanay ammaantay masuuliyiinta wasaarada Duulista hawada oo ay sheegtay inay dedaal badan sameeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The current Somaliland government is working hard on development Cigaal international airport will be transformed totally in the next comming months not to forget the berbera aiport construction is almost finalized it already has 2 terminals a 3th is about to be add.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

^I doubt there will be much difference. Some pics of the actual new terminal (if it is a new terminal) would nice.

 

ps Saylici dresses worse than the former Vice President :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Jacaylbaro;711566 wrote:
Waar reer Borama maxaa kugu diray ?
:D

Reer Boorame ha igu dirin :D Ninkan Saylica bal usheega he is now the Vice President and should dress accordingly. Waaba bilaa shaadh :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this