Sign in to follow this  
General Duke

Sh.Shariif Farmajo oo amrey in la xiro Shariif Xasan- The propganda war starts..

Recommended Posts

Sh.Shariif & Farmajo oo amrey in la xiro Shariif Xasan

12 Apr 12, 2011 - 7:53:32 AM

 

Warar hoose oo ay helayso Garowe Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Ra'iisul Wasaarihiisu ay amreen in lasoo xiro marka uu dib dalka ugu soo laabto Afhayeenka Shariif Xasan Sh. Aadan iyagoo ku eedeynaya inuu ka qaybgalay shirka Nairobi.

 

Shariif Xasan iyo Baarlamanaka ka tirsan ayaa ka qaybgalaya shirka maanta [Apr 12] ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu soo qabanqaabiyay Amb. Augustine Mahiga oo ah ergayga UN-ka ee Somalia, kaasoo loga hadlayo xaalada dalka Somalia.

 

"Waxaa taliyeyaasha ciidamada DF amar lagu siiyay in Shariif Xasan la xiro marka uu kasoo dago garoonka diyaaradaha ee Muqdisho" ayay yiraahden ilo wareedyada aan kasoo xiganay warka, kuwaasoo codsaday inaa magacyadooda qarino.

 

Ilo wareedyadan ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha Somalia iyo Ra'iisul was aruhu ay ka caroodeen go'aanka uu Shariif Xasan qaatay ee uu uga qaybgalayo shirka Nairobi, kadib markii ay dowladu diiday inay ka qaybgasho.

 

"Gudoomiyaha Baarlamaanka isagoo aan la tashan xubnaha baarlamaanka ayuu qaatay go'aanka uu uga qaybgalayo shirka Nairboi, waxaana arintaan uga hadli doonaa shirka ugu horeeya ee uu baarlamaanku yeelanayo" ayuu yiri gudoomiyaha gudiga warfaafinta ee baarlamaanka Somalia Cawad Axmed Casharo oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho.

 

Casharo ayaa sheegay in shirka Nairobi uu yahay mid lagu maja-xaabinayo DF ayna haboonayd in Shariif Xasan uusan ka qaybgelin, isagoo intaas ku daray inay horay u sheegeen inay kalsoonida kala laaban doonaan mas'uulkii ka qaybgala.

 

Madaxda DF ayaa shirka Nairoib ku sheegay inuu yahay mid lagu burburinayo DF sidaa daraadeedna waxay diideen inay ka qaybgalaan sida uu shir jaraa'id shalay ku sheegay Amb. Mahinga.

 

Shariif Xasan oo ahaa muddo dheer nin ay saaxiibo isku dhow yihiin Sh. Shariif ayaa u muuqda inay kala go'een waxaana khilaafkooda uu gaaray heer xal loo waayo iyadoo dhawaan la sheegay in khilaafkooda uu sabab u noqon karo burbur ku yimaada DF oo dhan.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

If this is true, then talo faraha waa ka baxdey.

 

 

Farmaajo, Shariifka, iyo Xasanba ummada Soomaaliyeed iyo wadankuba la heeste ayey ka dhigteen, oo u dhaxeeyo is qabqabsi dhaxdooda kaliya ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GD loool ar isbedel badanaa hadda dhow waxaad kaso horjeeday shirkii Mahiga, Farmaajo waad raacsanayd. Hala xiro Shariif sakiin tuug waaye waa ninkii badda gaday, wuxuu uu sameeyay lama arag asigo ciidamada booqanaaya amaa la arkay, madaxtooyadaas iyo hoteelada nairobi ayuu uu dhaxeeyaa. Anigu xiritaan mahee hala daldalo aan dhihi lahaa tuuga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oba, adeer I am against another national conference outside Somalia. This is not it, also Farmaajo has done some good things, this extension and fear of the end is troubling.

 

Dont get me wrong, I never liked Sharif Hotel and he reminded me why over this past week..

Also read the title, I belive this piece is just propoganda and nothing more.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lool nina reer mudug waala kasaaya ;).. joking..

 

GD horta shariif sakiin ayaa sal uu ah khilaafka, xildhibanaada sow iyagii kuwii ku darsadat 3 sano.. Yaqey farmaajo xaa laga rabaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this