Liqaye Posted April 13, 2011 Sida ilo wareedyo Calanka ka heleen Kismayo sheegayaan magalada ayaa waxaa laga dareemaya xaalad kacsanaan oo ay ku dheehan tahay saan-saan dagaal . Ciidamada al-shabaab ayaa ku jira xaaalad foojignaan ah ,waxaana magalada laga dareemaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan . Deegaanada ku xeeran Kismayo ayay si weyn isugu xoomeen ciidamada al-shabaab . Noloshaan cabsida ah ee ku beerantay al-shabab ayaa timid ka dib markii ay isa soo tareen xog wareedyo tilmaamaya ciidamo dowlada taabacsan oo lagu soo tababaray Kenya jubooyinkana haatan soo gaaray ay qorsheynayaan in dharbaaxo ku dhuftaan al-shabaab Kismayo . Ilo madax banaan oo Calanka soo gaaraya ayaa xusay in dhowr kun oo ciidan oo lagu soo layliyay Kenya ay dhawaan ka soo talaabaan xuduuda Kenya iyo Somaliya qaarkood deegaano ku xeeran dhoobley saldhigteen . Qorshahaan ciidan ayaa soo baxaya xilli dhawaan maamul dalalka dariska la ah Somaliya iyo UN-ka taageerayaan lagaga dhawaaqay Nairobi ,iyadoo ciidamadaan iyo maamulkaan ay yihiin kuwa iska war haya. Al-shabaab si dhab ugama hadal xaaladaan cabsida ee Kismayo ka jirta iyo dhaq-dhaqaaqyada socda . Maryama(Umu Shureem) Seymuun@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted April 13, 2011 loool@qorsheynayaan in dharbaaxo ku dhuftaan al-shabaab Kismayo alla maxaa been laysku sheegay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 13, 2011 waligeen Somalia saan saan nabadeed cid ka hadlaysa ma jirto Quote Share this post Link to post Share on other sites