Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi meeting the fear of Sharif Farmaajo..

Recommended Posts

Sida uu sheegay Ambassador Augustine Mahiga Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya, Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ayaa horey cudurdaar uga dhigtay inaysan shirka imaan doonin, balse markii danbe qiray inaysan ku qanacsaneyn habka shirka loo soo diyaariyey.

 

Ambassador Mahiiga oo markii ugu horeysay ka dhawaajiyey sababaha ay DFKMG xubnahaasi muhiimka ah u diideen in shirka ay kasoo qeyb galaan ay saldhig u ahayd oo doonayeen in loo fuliyo;

 

1- In shirka aan lagu casumin Maamulada ka jira Soomaaliya, qodobkan ayey Qaramada Midoobay ka diiday Madaxweynaha iyo Xukuumada DFKMG, ayadoo UNta sheegtay in loo baahan yahay dhamaan dhinacyada Soomaalida in ay wadahadlaan oo fikirka is dhaafsadaan.

 

2- In shirka waxa kasoo baxaya aysan u cadeyn DFKMG, ayadoo madaxda sare ee Dowlada Federaalka walaac ka muujiyeen waxa kasoo bixi kara shirkaasi.

 

Mahiga ayaa sheegay in Dowlada ay codsatay markii hore in shirka aan lagu casumin dhinacyada kale ee ka baxsan DFKMG, isla markaana shirka ay ka qeyb galaan dhinacyada ishayey ee Madaxweynaha, Xukuumada iyo Baarlamaanka DFKMG.

 

Sidoo kale dhanka shirka ka maqan ee Madaxweynaha iyo Xukuumada DFKMG ayaa sheegay in shirkan aysan aqoon waxa kasoo bixi kara, ayagoo walaac ka muujiyey in xilka looga xayuubiyo hadii ay shirka yimaadaan sida uu sheegay Ambassador Augustine Mahiiga oo yiri;

 

“…Qaarkood waxay yiraaheen hada kahor baa 2002dii Madaxweyne kumeel gaar ah uu ka qeyb galay shir ka dhacay Kenya, halkaas oo looga xayuubiyey xilkii uu hayey, mid taas lamid ah baanu diidanahay….” sidaa bay ku yiraaheen xubnaha DFKMG ee shirka maqan sida uu sheegay Mr.Mahiga.

 

Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha DFKMG ayaa horey u sheegay inay doonayeen in shirka aan lagu qaban Nairobi, balse Muqdisho lagu qabto isla markaana u madaxbanaanato qodobada shirkaasi DFKMG oo kaliya, balse xogtan kasoo baxday Ambassador Mahiiga ayaa muujineysa heerka la isla gaaray wadahadalkii dhexmartay Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Mas’uuliyiinta ugu sareysa DFKMG.

 

Xukuumada DFKMG oo shirkan diidan ayaa maanta markale warsaxafadeed (halka ka akhriso) ay ku dhaliiceynayso shirka Nairobi soo saartay, halkaasi oo lagu cambaareeyey Guddoomiyaha Baarlamaana inuu ka qeyb galay shirkaasi. Warsaxaafadeedkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in DFKMG ay tahay midda kaliya ee ah udub dhexaadka Wadajirka Soomaaliya, xukuumadana ay tahay midda qaabilsan siyaasadda dibada.

 

Warsaxafadeedkan ayey dadka falanqeeya siyaasada sheegayaan in ay sii xoojinayso cabsidii uu horey u sheegay Ambassador Mahiga ee ahayd in madaxda sare ee DFKMG ka cabsi qabaan in xilka laga wareejiyo wakhtigooda markuu dhamaado.

 

Hadaba waxaa la sugayaa shirka oo maalinta (Arbacada) ah dib la isugu soo noqon doono, qodobada ay dhinacyada is hayana soo bandhigi doonaan ayaa astaan u noqon doonto wax la filan karo inay yimaadaan marka la gaaro bisha Agoosto.

 

Ahmed Musse

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

LoooL what is there to fear?

if anything this has proven to be the most disorganised confrence for even those that bothered to paticipate.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidoo kale dhanka shirka ka maqan ee Madaxweynaha iyo Xukuumada DFKMG ayaa sheegay in shirkan aysan aqoon waxa kasoo bixi kara, ayagoo walaac ka muujiyey in xilka looga xayuubiyo hadii ay shirka yimaadaan sida uu sheegay Ambassador Augustine Mahiiga oo yiri;

 

“…Qaarkood waxay yiraaheen hada kahor baa 2002dii Madaxweyne kumeel gaar ah uu ka qeyb galay shir ka dhacay Kenya, halkaas oo looga xayuubiyey xilkii uu hayey, mid taas lamid ah baanu diidanahay….” sidaa bay ku yiraaheen xubnaha DFKMG ee shirka maqan sida uu sheegay Mr.Mahiga.

 

Sharif Ahmed finding his voice after all these years makes a great deal of sense now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Liqaye, the TFG cabinets rushed statements, its calls for the speaker to return. The PM meetings with MP's, and Yarisow press conference. Sharif rush to a few capitals to meet with Tutsi & Hutu leaders all point to one thing. There is fear, and they know the game is nearly up.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^So Liqaye are you telling us all those staged demo’s against Mahiga with cries of "down with the UN" and the recent hyper shuttle diplomacy of Sharif was all part of the usual TFG actions we have come accustomed to?

 

Come on lad, you can do better than that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafuuda Shirka Nairobi oo isla meel dhigey inaan wakhtiga loo kordhin Dowlada

Posted by Farxaan on April 13th, 2011

 

Nairobi(Puntlandi.com) Waftiga ka socda Dowlad Puntland ee uu horkacayo Madaxweyne Faroole ayaa ku adkeystey inaan sinaba wakhti loogu dareyn Dolwada Kumeel Gaarka aha iyo Baarlamaankaba, Inkastoo aan saxaafaa shirka loo ogoleyn ahadana Wakaalada Wararka ee Puntlandi.com ayaa si hoose u heshey qodobadii maanta laga doodey.

 

Waftiga Galmudug ayaa shegey ineysan marnaba dhaecyn in Dowlada kumeelgaarka ah wakhtigooda ay dhaafaan, Baarlamaanka waa in isna laka diraa, oo mid cusub oo tayo leh lasoo dhisaa, Arintaan waxaa Waftiga Puntlad ku raacey Wafuudii kale ee shirka joogtey marka laga reebo waftigii uu horkacayey Gudoonka Baarlamaanka shariif Xasan oo iyagu difaacey wakhti kororsigooda.

 

Sharaiif Xasan ayaa ku taageerey wafuuda kale inaan Dowlada wakhti loogu darin balse wuxuu difaacey wakhti kororsigii Baarlamaanka, Shariif Xasan wuxuu kaloo ogolaadey qorshihii Puntland soo jeedisey ee ahaa in Baarlamaanka tiro ahaan la yareeyo.

 

Waftiga Puntland,waftiga uu horkacayo Madaxweyne Caalim iyo waftiga Ehlu Suna ayaa isku mowqif ka istagey Qodobadii maanta laga Doodayey oo u badnaa Wakhtiga ay dhacayaan Dowlada kumeelgaarka ah iyo Baarlamaanku.

 

Hoolka Shirku ka socdo qololkiisa kale waxaa iyana si hoose ugu kala shiraya rag lakala socdey wafuuda shirka u jirta, kuwasoo iyana falanqeyn iyo shukaansi hoose kukala jira.

 

Faahfaahin buuxda kala soco Puntlandi.com

 

Puntlandi.com

 

Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan marka hore idin kugu hambalyeeynayaa mowqifka wanaagsan ee aad ka qaadateen shirka Nairobi, Soomaalida waxaa looga bartay haddii shir loogu yeero inay kala dhuuntaan xitaa haddii ay tahay meel lagu gowracayo," ayuu yiri Shariif.

 

"Sababta aad shirkaas u diiddeen oo mowqifkan aad uga qaadateen waa dan Soomaaliyeed, innaguna ma diidanin wadahadal balse waa in wadahadal walba uu ka yimaado Soomaalida, Adduunka waxaa laga rabaa inay ixtiraamaan taladaas ka timid shacabka Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa raaciyay.

 

Sharif Ahmed, today meeting MP's

 

Baarlamaanku waa hay'adda ugu muhiimsan dowladda iyaga ayaa hoggaanka dalka dooranaya, waxaa loo baahan yahay in laga ilaaliyo wax walba oo garaafo gaarsiin kara," ayuu yiri Sheekh Shariif.

lol...

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Waa muhiim in 90-maalmood ee aan horay u qabannay aan ku helno in hay'adaha gargaarka ee Qarammada Midoobay ay ugu soo guuraan Muqdisho si ay dalka uga howlgalaan," ayuu yiri Farmaajo oo maanta wareysi siinayay raadiyaha dowladda taageera, isagoo sheegay in Muqdisho aysan ka ammaan xumayn Afgaanistaan iyo Ciraaq.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intaas ku daray in dhankooda ay damaanad-qaadi doonaan ammaanka hay'adaha gargaarka, isagoo sheegay in baaqii ay horay u soo saareen uu yahay mid muqadas ah oo aan waxba laga badalayn.

 

"Haddii ay imaan waayaan waxaan u arkaynaa inay yihiin dad aysan ujeedadoodu ahayn inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, balse ay dano shaqsi ah leeyihiin, innagana nooma cuntamayso in si shaqsi ah magaca Soomaaliya wax loogu qaato," ayuu Farmaajo hadalkiisa daba-dhigay.

 

Farmaajo & his love of 90 days, remember he was going to defeat Shabaab in 90 days and so on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Dowlada Somalia ma diidayso in la wadahadlo balse waxaan doonaynaa in shirka lagu qabto Muqdisho" ayuu yiri Farmajo oo laba casho ka hor shir kula yeeshay Nairobi dhigiisa dalka Kenya

No problem mate, but you could not even hold talks between your President and Speaker who are room mates.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif oo ka dayriyay shisheeyaha iyo shirkii wada-tashiga oo maanta dhamaanaya; maxaa laga fili karaa?

 

Muqdisho, April 13 - Madaxwaynaha dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa si kulul ugu eedeeyay beesha caalamka in ayan raalli ka ahayn nabad iyo xasillooni ka islaaxda Soomaaliya. Shariif ayaa hadalkan jeediyay xilli uu ka baaqsaday in uu ka qayb-galo shirka wada-tashiga ee ay Qaramada Midoobay ku marti-galinayso magaalada Nairobi.

 

Madaxwayne Shariif Sh. Axmed ayaa isaga oo xalay ka hadlaya munaasabad loo sameeyay sannad-guuradii 51-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uu uga faa'idaystay in uu si aan horay looga baran madaxda Soomaalida, uu dhalleecayn aan leex-leexad lahayn dusha uga tuuro beesha caalamka, isaga oo bannaanka u soo saaray culayska shakhsiga ah ee ay ku hayaan, tusaalayaal badanna ka bixiyay.

 

Madaxwayne Shariif waxa uu aad ugu dheeraaday waxa uu ku tilmaamay talooyin badan, misana is-waydaarsan, oo ay dhinacyada danaha kaleh Soomaaliya ay siiyaan xafiiiska madaxwaynaha iyo guud ahaan hoggaanka siyaasadda isaga oo wax lala yaabo ku tilmaamay sheegashada diblumaasiyiinta ay sheegtaan in ay khabiir ku yihiin arrimaha Soomaaliya. Shariif ayaa isaga oo taa beeninaya, lidkeedana muujinaya waxa uu sheegay in isaga oo madaxwaynaha Soomaaliya ah uu haddana wax badan oo cusub ka ogaaday arrimaha Soomaaliya tan iyo markii uu caynaanka dalka la wareegay.

 

Madaxwayne Shariif waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in ay talada iyo go'aan-ka-gaarista masiirka ummadda u daayaan hoggaanka la doortay, halka uu shacabka Soomaaliyeedna u soo jeediyay in ay isku tashadaan. Waxa uu farta ku fiiqay in ay jiraan waddamo, sida Soomaaliya oo kale, soo maray dagaallo sokeeye balse haatan xasilloon sida Uganda, Rwanda iyo Burundi oo uu kulligood maalmo ka hor safar ku soo maray, waxana uu tilmaamay in ay haatan nabad iyo xasillooni ka jirto waayo waa ay isku tashadeen.

 

Hadalkan qayru-caadiga ah ee madaxwayne Shariif ayaa ku soo beegmay xilli isaga iyo xukuumadduba qaadaceen shirka wada-tashiga ee dhinacyada Soomaaliya uga socda magaalada Nairobi. Dadka wax falanqeeya ayaa ku tilmaamaya in madaxwayne Shariif uu hadalkan si kutala gal ah xilligan ugu soo beegay sifo uu shacbiyad ugu helo gulufka siyaasadeed ee uu kula jiro mucaaradkiisa hay'adaha federaalka.

 

Madaxwayne Shariif waxa bisha August ka sii dhamaanaya muddada sharciga ah ee wilaayaddiisa taasoo ku eg 20-ka bisha August, iyada oo hoggaankiisa loogu marti ahaa in ay ka hor muddadaas soo dhamaystiraan dastuurka federaalka isla markaana soo bandhigaan khidad cad oo uu dalku ugu gudbayo nidaam rasmi ah oo damaamanad-qaadaya siyaasad maamul iyo hoggaan ku yimid doorashooyin xor ah. Arintaas ayaa hadda u muuqata mid aan loo fadhiyin. Taa baddalkeeda ayuu madaxwayne Shariif waxa uu holliyay in uu muddo sannad ah ku darsado muddadiisa sharciga ah, taana waxa ka horyimid barlmaanka iyo maamullada ka jira Soomaaliya oo doonaya in doorasho madaxwayne la qabto ka hor bisha August ee sannadkan 2011-ka.

 

Waxa xusid mudan in hoggaanka barlamaanku uu isna markiisa saddex sano ku darsaday jiritaankiisa taasoo ay ku macneeyeen in barlamaanku yahay hay'adda kaliya ee sharciga ah ee dooran karta madaxwayne, sifo looga badbaado qulub siyaasadeed iyo hoggaan la'aan. Barlamaanku waxa kale oo ay ku doodayaan in sidoo kale la dooran doono guddoon barlamaan. Tallaabadaas ayaa sidoo kale waxa ka horyimid haykallada kale ee federaalka iyo dhammaan maamullada ka jira Soomaaliya oo ay ugu horeeyso dawladda Puntland,iyo waliba beesha caalamka.

 

Jahwareerka iyo tartanka loogu jiro xilli-kororsiga iyo ka gaashaamashada in ay burburaan hay'adaha federaalka ayaa waxa uu ka soo biloowday shirkii ay kal hore madaxda ku bohoowday urur-goboleedka IGAD ay Addis Ababa ka soo jeediyeen in xilliga loo kordhiyo barlamaanka, dabadeedna uu barlamaanku go'aan ka gaaro masiirka hay'adaha kale ee federaalka. Barlamaanka oo aan waqti badan lumin ayaa markiiba tallaabadaas ka macaashay in ay saddex sano kororsadaan cimriga, taasoo ay soo jeediyaashii iyo inta badan Soomaalidu u arkeen tallaabo fududay loo qaaday, wada-tashi ay mudneed laga gelin, isla markaana laga badbadiyay.

 

Waa jahwareerkaas kan keenay in ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Agustin Mahiga uu ku baaqo Shirka maanta (Arbaco) ku soo xirmaya Nairobi ee looga tashanayo halkii laga abbaari lahaa daawada marxaladda kala-gurka iyada oo aan la burburin hay'adaha maalka, nafta iyo waqtiga badan ku kacay ee federaalka. Inkasta oo aan la filayn in wax go'aamo ah ay ka soo baxaan shirkan, ayaa haddana waxa dhinacyada laga quud-daraynayaa in ay miiska soo saaraan talooyin u cuntami kara dhamaan saamilayda qadiyadda agoonka ah ee Soomaaliya kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo shisheeye.

 

Waaxda Tifaftirka,

Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this