Liqaye Posted April 12, 2011 Waxaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shirkii uu dhawaan ku baaqay wakiilka QM uqaabilsan arimaha somaliya Augustine Mahiga, iyadoo ay goob joog yihiin qaar kamid ah xubnihii la marti qaaday, inkastoo intii ugu muhiimsaneyd aysan goobta joogin. Shirka ayaa waxaa shir gudoominaya Wakiilka QM u qaabilsan somaliya Mahiga, isaga ayaana shirka ku furay qudbad u badneyd u mahadcelin xubnihii kasoo qeyb. Isagoo shegay in shirka uu yahay wadatashi looga arinsanayo Aayaha Somaliya waa sida uu kasoo qeyb galayaasha u shegay Mr Mahigee. Mahiga kadib ayaa waxaa hadalka qaatay c/raxmaan faroole oo ah madaxweynahay maamulka puntland isagoo edeyn u soo jeediyaay Dowlada Somaliya kuna eedeyaya wax qabad la’aan, xili uu goobta fadhiyay Gudomiyaha Baarlamanka somaliya Sharif Xasan. Shirka oo saacado soconayo hadana wax la isla meel dhigay majiro waxa uuna marayaa isbarasho iyo iska warqaadasho oo kaliyah, in kastoo xiliyada qaar saxaaafada banaan jooga ah ayaa dhagahooda waxaa soo gaaraya buuq iyo hadalo iska soo horjeedo. Sidoo kale waxaa hadala ka jeediaya sida ay ilo hoose somaliweyn ugu warameen xubno kale oo dowlada katirsan iyo mamulada lagu macsuumay. Saxafadu waa dibad joog balsa wariyayaasha Somaliweyn ay xooransaneysaa qaabka wax lowada iayadoo ila wareed shirka ka qeyb galayana ay u xog waramayaan daqiiqad waliba. Wali shirka wuu socdaa ee la soco wixii soo kordha. Axmed Muse Gure Somaliweyn Nairobi Kenya Waqaca4@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted April 12, 2011 Mahiga kadib ayaa waxaa hadalka qaatay c/raxmaan faroole oo ah madaxweynahay maamulka puntland isagoo edeyn u soo jeediyaay Dowlada Somaliya kuna eedeyaya wax qabad la’aan, xili uu goobta fadhiyay Gudomiyaha Baarlamanka somaliya Sharif Xasan. Kuwaas oo kale: Surah al-Falaq Bismillah Ar-Rahman Ar-Raheem Qul-a'udhu bi Rabb il-falaq Min sharri ma khalaq Wa min sharri ghasiqin 'idha waqab Wa min sharr-in-naffathati fi-l-'uqad Wa min sharri hasidin idha hasad Quote Share this post Link to post Share on other sites