Liqaye Posted April 12, 2011 April 11, 2011 - QOL - Kulan isugu yimaadeen Qurba joogta Soomaaliyeed ee magaalada Toronto baa shirweeyne lagu taageereayo barnaamijka nabadeenta oo u degsan Dawladda Federaalka ee Soomaliya Shirkaas waxaa lagu qabtay Hotel Holiday Inn ee Magaalada Toronto. Waxaana isku soo duba riday ururka Somali Canadian National Council halkaasoo tageero buuxda u muujiyeen Culumaaudiinka, Aqoonyahanada, Ganaxcasatada Toronto, Madaxda Ururada Bulshada Rayidka, Ururada haweenka, Ururada dhalinyaradda iyo marti sharaf ka socoto Golaha Barlamaanka Canada. Waxaa la isla soo qaday ee falanqeeye shirka Mahiiga ee Nairoobi danta laga leeyahay. Guud ahaan waxaa dhamaan la ilsa gartay in uu yahay shir u horseeday dumistaka nafsiga yare e TFG ku talaabsatay . For your Information , sida aan wada ogsoonahay. Ummadda Soomaaliyeed burburkii ka dib waxeey wax ku qeeybsadaan oo eey dan moodeen in kastoo eeyan xal eheen 4.5. Taasoo ka soo hadhay wax allaale waxii inoo jiri jiray oo wax lagu qeeybsan jiray. Sida hadda jirta oo aan ogsoonahay. Dawladaan Jirta iyo intii ka horeeysay, Baarlamanka jira iyo hayadaha dawliga ee dhisan, waxaa lagu soo dhisay 4.5. Hadaba, habkaas la isku raacay ee noqotay aasaaska dawladeed baa Mahiiga iska indha -tiray, waxuu door-biday waxii danitiisa uga jirto inuu yeelo. Bulshada qorba joogta Canada waxaanu taageersanahay oo aan Caalamka u sheegeenaa in Ummadda Soomaaliyeed taladeedu ka godo Madaxweeynaha Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Raisulwasaarha Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Formaajo) oo u xilsaaran fulinta siyaasadda iyo maamulka Dalka oo dhan. Waxaa shirkaa ka hadlay oo oo taagerrey dadweeyne farabadan oo eey ka mid yihiin madaxda Qorbajoogta Kanada oo wax walba leh, eeyna ka mid yihiin: 1. Mudane Sheikh Xirsi Sahal 2. General Maxamed Farax Ali 3. Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi 4. Qareen Xareedo Ibraahim Boolis 5. Governatore Ali Xaashi 6. Gancsade Liban Gabeyre 7. Batuulo Gaballe 8. Fadumo Nakruumo 9. Malaaq Hilowle Maxamed Shiino 10. Ing Maxmed Cali Aden 11. Mudane Cabdixaashi Seed Quote Share this post Link to post Share on other sites