Sign in to follow this  
Liqaye

Ciidamadii Kiniya Lagu Soo Tababarey Oo La Wareegey Tuulooyin Hoostaga Dhoobley Saaka...

Recommended Posts

Liqaye   

Ciidamadii Soomaaliyeed ee dhawaan la wareegey degmada Dhoobley ee gobolka Jubadda hoose ayaa la sheegey inay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan oo u sahlay inay tuulooyin hoos yimaada magaalada Dhoobley inay gacan ku haynteeda la wareegaan,waxaana la sheegey inay ciidamadaasi la wareegeen tuulooyin muhiim ah oo lagu kala magacaabo Haawina & Jaldayste.

 

Labadan tuulo ayaa la sheegey inay dhinaca bari kaga beegan yihiin degmada Dhoobley,waxaana ay qiyaas ahaan u jiraan 50 Km,waxaana la xaqiijiyey inay tuulooyinkaasi hadda gacanta ku hayaan ciidamadii dhawaan ka soo gudbay xaduudka dalka kiiniya isla markaasna tababarka ku soo qaatey gudaha dalka Kiiniya.

 

Ciidamadan la wareegey tuulooyinkaasi ayaa la sheegey inay u hanqal taagayaan inay la wareegaan degmooyinka Afmadaw iyo kismaayo oo ay awood badan ku leeyihiin Xarakada Alshabaab ee ay dhawaan kala wareegeen magaalada Dhoobley,waxaana la xaqiijiyey inay ciidamada huwanta ah ee degmada Dhoobley la wareegey doonayaan inay dulaano cusub qaadaan.

 

Goob jooge ku sugan Tuulada Haawina ayaa Gedonet u u xaqiijiyey inay ciidamadaasi saaka arroortii hore la wareegeen Labadaasi tuulo,waxaana uu sheegey inaan wax dagaal ahi ka dhicin isla markaansa aanay jirin wax maamul ah oo tuulooyiinkaasi markoodii hore gacanta ku hayey,waxaana uu sheegey inay fariisimo ciidan ka sameysteen duleedada tuulooyinkaas.

 

Dhanka kale goob jooge ku sugan magaalada Dhoobley ayaa Gedonet u xaqiijiyey in Xarakada Alshabaab ay cunto qabateyn ku soo rogeen degmada Dhoobley isla markaasna ay diideen in gaadiidka xamuulka ee ka yimaada magaalada Kismaayo amase gobollada kale ee dalka ay wax raashin & shidaal ah geeyaan magaalada Dhoobley iyagoo ku amaraya inay dib ugu laabtan magaalada Kismaayo ama alaabta ka iibiyaan dadka tuulooyinka degan.

 

Sidoo kale ciidamada Alshabaab ayaa iyana la xaqiijiyey inay ku sugan yihiin Tuulada lagu magacaabo Taabto ee dhinaca bari kaga beegan magaalada Dhoobley iska markaasna u jirta qiyaas ahaan 65 Km,waxaana laga cabsi qabaa inay labada dhinac mar kale ku dagaalamaan degaano badan ka tirsan gobolka Jubadda hoose iyagoo bishii la soo dhaafey dhamaadkeedii dagaalo culusi ku dhexmarene gudaha degmada dhoobley iyadoo dagaalkaas looga awood roonaadey Xarakada Alshabaab.

 

Si kastey ahaataba Ciidamada Soomaalida ah ee lagu soo tababarey gudaha dalka kiiniya ayaa la sheegey inay doonayaan inay dagaalo hor leh ku qaadan farisiimaha Xarakada Alshabaab iyadoo ay Xarakada Alshabaabna dadaal dheer ugu jirto sidii ay awood ugu maquunin lahayd ciidamadaasi dibna uga qabsan lahayd degaanada ay la wareegeen,lamana sadaalin karro sida jawigu isu bedeli karo madaama ay gurmadyo badan maalmahan kala gaareyeen labada dhinac.

 

Ahmed Aadam Gacal

 

Muqdisho-Gedo-News

 

Gedonet.com@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this