Saalax Posted April 11, 2011 Barlamaanka Sweden oo lagu soo dhaweeyay saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland (Hadhwanaagnews) Monday, April 11, 2011 Sweden (HWN) Waxa manta oo bishu tahay 11 abriil 2011 lagu soo dhaweeyey Baarlamaanka Sweden Xildhibaan Mohamed Nur Arale (Duur), Xildhibaan Cali Hassan Mohamed (Cali *********) iyo Xildhibaan Mohamed H Yusuf Ahmed (Waabeeyo). Sweden (HWN) Waxa maanta oo bishu tahay 11 abriil 2011 lagu soo dhaweeyey Baarlamaanka Sweden Xildhibaan Mohamed Nur Arale (Duur), Xildhibaan Cali Hassan Mohamed (Cali *********) iyo Xildhibaan Mohamed H Yusuf Ahmed (Waabeeyo).Waxa shirkaas xildhibaanada ku weheliyey Wakiilka Somaliland ee Sweden Eidarus Sh Adan iyo Mohamed Abdillahi Haji Hassan. Waxa halkaas ku dhaweeyey Xildhibaan Amir Adan oo ku jira Baarlamaanka Sweden, kana socda Xisbiga Muxaafidka ee dawladda (Conservative Party). Asal ahaana ka soo jeeda reer Somaliland. Xildhbaanada waxa la siiyey warbixin ku saabsan sida uu Baarlamaanka Sweden u shaqeeyo. Xildhibaanaduna waxa ay ka warameen Xaalada Somalilaned ku sugan tahay iyo sida Baarlamaanka Somaliland u shaqeeyo. Xildhibaan Amir Adan ayaa u sheegay wefdiga in diyaar u yahay in qadiyada Somaliland uu wax ka qabto Baarlamaanka Swedena soo dhigo. Waxa kale oo uu Amir Adan sheegay in wefdi xildhibaano iyo dadkale iskugu jira ay tegi doonan Somaliland muddo dhaw. Ujeedada safarkooduna u yahay in ay soo arkaan horumarka fiican ee ka socoda Somaliland iyo sida labada Baarlamaan ay wax uwada qabsan lahaayeen. Kadibna waxa qado sharaf leh lugu siiyey wefdiga Baarlamaanka Sweden. Isla Golaha Baarlamaanka waxa ay xildhibaanadu kula kulmeey madax ka socota Xisbiga Liberaalka Sweden(Liberal Party). Kulankaas waxa ka qeyb galey Xoghayaha Guud ee Hayadda Liberaalka Sweden (General Secretary, Swedish Liberal Centre) iyo Fredrik Svensson oo ah Xoghayhaa Caalamiga ee Xisbiga Liberaalka Sweden(International Secretary Liberal Party Sweden). Xisbiga Liberaalku waxa ay Somaliland ku caawiyeen sida Dimuqraadiyada loo horumariyo. Waxa kale oo ay tababaro siiyey axsaabta Somaliland khaasatan Xisbiga Kulmiye oo ay u arkaan in uu yahay Xisbi liberal ah. Waxa uu Xoghayaha Caalamigu u sheegay in ay aad ula dhacsan yihiin horumarka fiican ee ka socda Somaliland, diyaarna u yihiin in ay caawimo u fidiyaan. Shirarkaas barlamaanka Sweden ka dhacay si fiican ayey ku dhamaadeen. Wariye-Najax Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted April 11, 2011 http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=6186 Quote Share this post Link to post Share on other sites