Saalax Posted April 11, 2011 Laascaanood: Ciidamadda Amaanka Oo Qaraxii Xalay Dhalinyaro Badan U Qab-Qabtay, Heegan Sarena Gallay Iyo Bandoodii Magaaladda Hore U Saarnayd Oo La Adkeeyay Sababo Amaan Daraadeed. Laascaanood (Ramaas) Apr 10,2011- Ciidamada amaanka ee ku sugan Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa hawl-gallo ay sameeyeen xalay ilaa saaka qaraxii xalay u qab-qabtay dhalinyaro faro badan oo reer Laascaanood ah. Ciidamadda amaanka oo hawlgalkan ay samaynayaan uu ka dambeeyay qaraxii xalay ka dhacay Saldhig boolis oo ku yaal dhinaca koonfureed ee Magaaladda Laascaanood oo uu ku dhaawacmay taliye ku xigeenkii saldhigaasi, hal askari oo boolis ah iyo qof saldhiga ku xidhnaa wakhtiga saldhiga weerarka qaraxa lagu qaaday, ayaa waxa ay dhalinyaradan ka qab-qabteen iyagga oo maanta ku qayilaya maqaaxiyo ku yaal guddaha Magaalada Laascaacood Wararka aanu ka helayno Magaaladda Laascaanood ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadda amaanku sii adkeeyeen bandoo hore u saarnayd Magaaladaas, isla-markaana ay ilaa hadda baadhitaan ka wadaan gudaha Magaaladda si gacanta loogu soo dhigo dadkii qaraxa saldhiga ka dambeeyay, ka sakow dhalinyaradda ay saaka qabteen oo la sheegay in tuhun ahaan loo qab-qabtay “Hawlo Badan ayaa ciidamada amaanku ka wadaan Magaaladda, laakiin ilaa hadda ma jiraan cid dhab ah loo qabtay qarixi xalay ka dhacay Magaaladda”Sidaa waxa yidhi wariye ku sugan Magaaladda Laascaanood oo shabakadda wararka ee RAMAASNEWS la xidhiidhay. Wariyahani waxa kale oo uu noo sheegay in ciidamadda amaanku qab-qabteen dhalinyaro reer Laascaanood ah oo lagu xidhiidhiyey qaraxii xalay ka dhacay Magaaladda Laascaanood “Ciidamadu boolisku waxay qab-qabteen maanta dhalinyaro faro badan oo laga shakiyey.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Taliyaha ciidanka booliska Laascaanood oo aanu isku daynay in aanu wax la waydiino hawlgalkooda iyo inay ilaa hadda qabteen dadkii ka dambeeyay qaraxa saldhiga iyo in kale wuu ka gaabsaday.” Wariyahani sidoo kale waxa uu u sheegay shabakadda Caalamiga ah ee RAMAASNEWS.COM “Bandoodii hore Magaaladda u saarnayd ayaa sare loo sii qaaday, oo guud ahaan ciidamada miatariga iyo kuwa booliskuba heegan ayay ku jiraan.”ayuu yidhi. Ramaasnews Desk Hargeisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted April 11, 2011 http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=6165 Quote Share this post Link to post Share on other sites