Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Shariif Xasan iyo Mahiga ay kala qeybinayaan dowladda Somaliya

Recommended Posts

Dowladda kmg ee Soomaaliya ayaa waxay shaaca ay ka qaaday in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Dalka Soomaaliya ay kala qeybinayaan dowladda Somaliya.

 

Xidhibaan Cabdulle Xersi Cawooleey oo kamid ah Xubnaha Baarlamaanka ee Dowladda Somaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Dalka Soomaaliya Dr Augustine Mahiga ay kala qeybinayaan dowladda Soomaaliya.

 

Xildhibaanka ayaa wuxuu sheegay in qorshaha labadaan masuul uu yahay, sidii ay u burburin lahaayeen dowladda uu madaxweynaha ka yahay buu yiri madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed, isagoo intaasi ku daray intaasi ay tahay wax lala yaabo.

 

Wuxuu sheegay in wax-yaabaha ay doonayaan Shariif Xasan iyo Augustine Mahiga ay tahay wax aan socon kareyn, isla-markaana wuxuu ka dhiidhiyay burbur baahsan oo uu sheegay inay xudun u yihiin labadaasi masuul.

 

Sidoo kale Xildhibaan Cawooleey ayaa wuxuu sheegay inaysan marnaba ay ka yeelli doonin burburka ay damacsan yihiin buu yiri labadaasi xubnood, isagoo intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka tashan doonto amuurtaani cusub.

 

Iskusoo wada-duuboo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Dalka Soomaaliya Dr Augustine Mahiga ayaa waxaa lagu sifeeyaa inay yihiin laba xubnood oo iskaga dhaw madaxweyne Shariif iyo Raa-isal Wasaare Farmaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaanka ayaa wuxuu sheegay in qorshaha labadaan masuul uu yahay, sidii ay u
burburin
lahaayeen
dowladda
uu madaxweynaha ka yahay buu yiri madaxweynaha
Shariif Sheekh Axmed
, isagoo intaasi ku daray intaasi ay tahay wax lala yaabo.

Wakaas!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this