Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Beesha Sakiin '' ha dhaco Shariif sakiin''

Recommended Posts

Mogadishu waxa amanata kulan xasaasi ah ku yeeshay Odayaasha dhaqanka ee beelaha ******* kuwaasi oo cudsaday in xilka laga qaado Guddomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan .

 

Odayaasha maanta kulmay waxaa hogaaminayay oo u hadlay Guddoomiyaha Golaha dhaqanka ******** Siid Cumar oo si cara leh u weeraray Shariif Xasan .

 

War saxaafadeed ayaa ka soo baxay kulankaasi ee maanta iskugu imaadeen Odayaasha beesha Shariif Xassan kaasi oo lagu shegay in aysan raali ka ahayn go'aankii uu Shariif Xasan ku aaday shirka Nairobi oo ay xukuumada KMG horey u diiday.

 

Odayaashaasi ayaa fartiin u diray dhamaan qbeelaha ka soo jeeda Beeshaasi taa oo aheed in ay go'aan cad ka qataan Shariif Xasan isla markaana ay soo doortaan Guddomiye cusub .

 

Waxa ay ku baaqey in xildhibaanada beesha ka soo jeeda ay mooshin ka soo diyaariyaan gudoonka barlamaanka si daaqada looga tuuro madama uu ka shaqeenayo bur burka dalka waa sida ay hadalka u dhageyn .

 

Ugu danbeyntii Odayashaaasi waxa ay muujiyeen in ay garab taagan yihiin go’aankii xukuumada ee ku wajahnaa shirka Nairobi ka furmaya maalinta berito ee 12-ka April.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

SHARIIF XASAN OO LAGU EEDEYAY INUU BALAN KA BAX SAMEEYAY

 

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu balan ka bax sameeyay, iyagoo sheegay inuu shalay si iskiis ah uga dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ah Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta Baarlamaanka ayaa sheegay in balanta uu uga baxay Xildhibaanada ay aheyd in marka hore uu ugala tashto Shariif Xasan tallaabada uu qaaday iyo go'aanka uu ku gaaray inuu kaga qeyb galo shirka wada tashiga Magaalada Nairobio.

 

"Balan ka bax ayuu sameeyey Shariif Xasan, waad ogtihiin warbaahintiina in kulankii Baarlmaanka uu ku balan qaaday in shirkaasi go’aankiisa uu kala tashan doono baarlmaanka laakin shalay ayuu baxay isagoo aan cid la tashan xitaa aana ogeeysiin baarlmaanka taasina waa balan ka bax” ayuu yiri Xildhibaan Cashara.

 

Xildhibaan Cashara ayaa nasiib daro lu tilmaamay in Gudoomiyaha Baarlmaanka uu ka qeyb galo shir uusan ogeyn ajandaha looga hadli doono, waxaana uu sheegay in talaabada uu qaaday Gudoomiyaha baarlmaanka ay noqon doonto mid lagula xisaabtami doono.

 

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay tallaabada uu qaatay Shariif Xasan, iyadoo tani la sheegay in Shariifku u qaaday isagoo Xukuumada iyo Madaxweynaha uu ku xumeynayo go'aankooda ahaa in aysan ka qeyb gelin shirka wada tashiga Magaalada Nairobi berri ka furmaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this