Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Bannaanbax looga soo horjeedo dacwadda lagu soo oogay Max’ed Cali Samatar oo Galkacyo lagu qabtay

Recommended Posts

Dibadbax looga soo horjeeday dacwadda lagu soo oogay Wasiirkii hore ee Gaashandhiga Soomaaliya Janaraal Maxamed Cali Samatar oo xiligan ka socota dalka Mareykanka ayaa maanata ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

 

Bannaan baxaasi oo ay soo qaban qaabiyeen qaybaha kala duwan bulshada ku dahqan Gobolka Mudug ayaa waxa ay socod dheer ku soo mareen waqooyiga iyo koonfurta magaalada Galkacyo kuwaasi oo ku dhawaaqayey halku dhigyo ay kaga soo horjeedaan dacwadda loo haysto Max’ed Cali Samatar.

 

Qaar ka mid dadkii bannaan baxaasi ka qayb qaadanayey oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in isu soo baxooda uu ku saabsanyahay sida ay uga soo horjeedaan dacwada haatan ka soconaysa dalka Maraykanka ee lagu soo oogay Wasiirkii hore ee Gaasgaandhigga Janaraal Max’ed Cali Samatar, waxaana dacwadaasi ay ku tilmaameen mid been abuur ah.

 

Waa markii ugu horeysay bannaan bax lagu diidanyahay dacwadda ka dhanka ah Max’ed Calii Samatar ay ka dhacdo magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this