Saalax Posted April 11, 2011 Maxkamad Degmada Hargeysa Oo Maanta Markii Ugu Horeysay Taariikhda Bilowday Dhageysiga Dacwada Nin Nebinimo Sheegtay Oo La Horkeenay. Hargeysa (Ramaas)Apr. 11, 2011- Maxkamada degmada Hargeysa, ayaa maanta si rasmi ah u bilowday dacwad ka dhan ah nin dhawaan sheegay in uu yahay Nebi ilaahay soo diray, kaasoo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanku. Ninkan ayaa magaciisa la yidhaahdaa Shariif Axmed Cabdi kana soo jeeda dalka Soomaaliya, isaga oo Somaliland ku sugnaa muddo sannado ah sida ay xaqijiyeen dad u aqoon u leh, ninkan oo muuqaal wadaad leh, ayaa sida oo kale la sheegay inuu sannadihii u dambeeyay ahaa macalin diinta bara carrurta. Waxa ay saaka ay markii ay furantay maxkamadu uu garsoorihii dacwada qaadayay sheegay in kiiska wadaadkan loo cuskan doono xeerka ciqaabta iyo shareecada Islaamka, maadaama oo uu ku xadgudbay diinta oo ah muqadas ka fog xumaan ka sheegid ahna caqiidada ay aaminsanyihiin shacabka Somaliland, iyada oo maalinta bari ah go’aan laga gaadhi doono dacwadan. Kiiskan oo ah kii uga layaabka badnaa oo soo mara taariikhda dacwadaha maxkamadaha dalka, iyada oo ay arrintan noqotay mid amakaag ku riday guud ahaan dadweynaha reer Somaliland oo u dhagtaagaya sida loo maarayn doono kiiskan ninkan. Ramaasnews Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted April 11, 2011 lol @ taking crazy people to court. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted April 11, 2011 Saalaxoow, dadka Soomaaliland ka buuxa ee illaahay, diinda iyo nabigaba caaya. goorma iyagana maxkamad la soo saari? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 11, 2011 Meeshaa Nebiyana ma ka soo daahireen ?? ,,,,,,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted April 11, 2011 JB, ninkani kii dadka suuqa maraya bomka gacanta ku dhufanayey waxba ma dhamee maa Soomaalida cayda iyo dacaayada laga daayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 11, 2011 Adigu goormaad xukunka gaadhay bal sug maxkamad baa kiiska gacanta ku haysee .............. Agah ! ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted April 11, 2011 Dee kii kaleba isaga oo aan maxkamadii gaadhin sowdigii Waalidiisii qiray, oo dhakhtarka u diray maaha Jow!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 11, 2011 Waar kaa anaa lafahiisoo cadcad aqaanaye bal sug ............ ama dee sheeg waan aqaanaa dheh Quote Share this post Link to post Share on other sites
Al-Miskiin Posted April 11, 2011 Acuudubillah, kuwaasna soomaaliya ma soo gaadheen, qaaradda Asia bay ku badnaayeen dadka nabinimo sheegtee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qaranki Posted April 11, 2011 LOL here he is - http://oodweynenews.com/news/63512-own-halkan-ka-dhegaysta-dacwada-nin-sheegtay-nebi-iyo-mahdi-oo-maanta-mar-labaad-la-soo-taagay-maxkamada-degmada-hargeysa-dhegaysi-sawiro.html Reminds me of this clown - Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 11, 2011 acuudi bilahi ninkaan ma fayoobo ee ilaahay caafimaad ha siiyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted April 11, 2011 A fair court would let this man go free without the need for a long process or questions. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 11, 2011 Ninkaan court maxaa laga geeyaa u can clearly see that he needs quraan akhris Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted April 11, 2011 Nimankanu waa yaqaanaan ninka waalan ayagoon dhakhtar gayn,,,, ee dulucda sheekadu waa intan hoose Ninkan ayaa magaciisa la yidhaahdaa Shariif Axmed Cabdi kana soo jeeda dalka Soomaaliya, isaga oo Somaliland ku sugnaa muddo sannado Quote Share this post Link to post Share on other sites