Sign in to follow this  
General Duke

Nairboi meeting: TFG [Sharif Xasan], Puntland and Galmudug all send delegates-- the outcome?

Recommended Posts

Muqdisho(Allpuntland)-Gudoomiyaha Baarlmaanka KMG Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo u badnaa xildhibaano Baarlmaanka KMG Soomaaliya ka tirsan ayaa duhurnimadii maanta ka dhiifay magaalada Muqdisho.

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in Gudoomiyaha Baarlmaanka aaday magaalada Nairobi si uu uga soo qeyb galo shirka maalahamaha 12ka iyo 13ka bishaan ka dhici doona magaaladaasi.

 

Sidoo kale Xildhibaanadaani noo xaqiijiyey in Shariif Xasan uu aadan Kenya ayaa sheegay dhaliilay safarkiisa iyagoo sheegay in ay habooneeyd in uu diido ka qeyb galka shirka oo ay ku shegeen in Dowladda Soomalaiya aysan dani ugu jiri.

 

Sidaasi ay tahya ayaa waxaa jira xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlmaanka KMG Soomaaliya oo aad u daneeynaya in Gudoomiyaha Baarlmaanka uu ka qeyb galo shirka Qaramada Midoobay ay isu yeertay dhinacyada Soomaaliya ee Nairobi ka dhacaya.

 

Qaramada Midoobay ayaa ku adkeeysatay in kulanka uu furmi dooni maalmaha 13ka iyo 12ka bishan hasa ahatee waxaa diiday ka qeyb galka shirkaasi Xukuumada KMG Soomaaliya .

 

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in aysan ka qeyb geli doonin shirka Qaramada ay soo qaban qaabsan oo lagu sheegay wada tashiga, waxa uuna Ra'iisul Wasaaraha sheegay in ay uga qeyb geli karaan oo kaliyah haddii lagu qabto shirkaasi Dalka Soomaaliya islamarlkaana dowladda KMG ay shir gudoon ka noqoto halka Mahiiga uu ka gudoominayo.

 

 

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka duuley caasimadda Puntland ee Garowe. Wefdiga Madaxweynaha waxaa kamid aha Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Wasiiru dawlaha dastuurka iyo arrimaha Federaalka Dr. Jimcaale iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdi Farax Juxaa.

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole ayaa sheegay in safarkoodu ku saabsan yahay in ay ka qaybgalaan shirka wadatashiga ah ee Qaramada Midoobey ku baaqdey, shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalaya wufuud kalageddisan sida uu Madaxweynuhu sheegay, dhanka Xamar ayuu sheegay in ay hubaan in Baarlamaanka Dawladda Federaalku ka soo qaybgalayaan laakiin weli aan la hubin Xukuumadda iyo Madaxweynaha, waxaa sidoo kale ka soo qaybgalaya maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunnah waljamaacah.

 

Dhegayso Warsaxaafadeedkii Madaxweynaha ka hor inta aanu u duulin Kenya

 

 

 

Dr.Faroole ayaa sheegay in Dawladda kumeelgaarka ah waqtigeedi uu ku egyahay 20ka bisha August, shirkaas haddii la tagona wax la iska weydiin doono qaabka la yeeli doono, Puntland ahaan mawqifkayagu waa cadyahay horeyna beesha caalamka waan ugu gudbiney, hadde haddii la isugu yimaado shir Soomaali kuwada hadleysona waan ka sheegaynaa wixii aan maslaxo u aragno, ayuu yiri Madaxweynuhu

 

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadley shilkii foosha xumaa ee ka dhacay Arbacadii la soo dhaafey magaalada Garoowe, waxaana uu sheegay in ay aad uga xunyihiin, isla markaana uu ahaa wax aad looga argagaxo, wixiii dhacay waa dhaceen, in la is xakameeyo ayaana wanaagsan, fikriga qabaliga ah meel uu cid gaarsiinaayo ma jiro, waxaana waxa Soomaali bur-buriyey, ayuu yiri Dr.Faroole

 

Shirka wadatashiga qaybaha Soomaaliyeed ayaa laguwadaa in uu ka furmo magaalada Nairobi 12 bishan Agoosto, Xukuumadda kumeelgaarka ah ayaa shirka qaadacdey, waxaana socda dedaaladii u danbeeyey ee lagu doonaayo in xukuumaddu uga soo qaybgasho shirka wadatashiga ah ee heerkiisu sareeyo.

 

Maxamed Siciid Yusuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta si gooni gooni agu duulay Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo si ay ugu qeyb galaan shirka Qaramada Midoobay ay ku wado Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

 

 

 

Wafdi oo uu horkacayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee Max’ed Axmed Caalim ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Woqooyi bari ee Magaalada Gaalkacyo iyagoo kusii jeeda dalka Kenya si ay ugu qeyb galaan shirka wada tashiga ah ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

 

 

 

Safarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo wafdiga raacay ayaa ka dambeysay kadib markii Galmudug ay Casuumaad buuxda ka heshay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga oo shirkaasi garwadeen ka ah.

 

 

 

Max’ed Axmed Caalim oo saxaafadda kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Galmudug ay ka qeyb galayso kulankaasi maadaama sida uu tilmaamay looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

 

 

 

Dhinaca kale Magaalada Garoowe ee Caasimadda gobolka Nugaal ayaa waxaa ka ambabaxay wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’uud Faroole, iyagoo kusii jeeda Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka si ay ugu qayb galaan kulanka ay soo abaabushay Qaramada Midoobay.

 

 

 

Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay inay u amababaxayaan Magaalada Nairobi si ay ugu qeyb qaataan shirka Qaramada Midoobay oo ay ku wado inuu ka dhaco dalka Kenya kaasi oo ah shir wadi tashi islamarkaana looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

 

 

 

Faroole oo dhinacyo badan ka hadlay ayaa waxaa uu soo hadal qaaday dil 4-tii bishan Magalaada Garoowe ee Caasimadda gobolka Nugaal loogu gaystay Mas’uul u shaqaynayay Hay’ad ka howlgasha Magaaladaasi oo ay kooxo hubaysan ku toogteen Garoowe ee Caasimadda Maamulka Nugaal.

 

 

 

Wafdigaani ka ambabaxay Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa imaanaya xili dowladda KMG Soomaaliya iyo Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay ka biya diideen ka qeyb galka shirka maalmo kadib ka furmaya Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

what happened to gudaha ha lagu qabto shirka? Maxaa kaso baxaayo mar hadey fagaaraha ka maqan yihiin Ahlusunna, Ximan ii xeeb and TFG, Shieldka al shabaab waaye ee gobolada dhexe..

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

oba hiloowlow;710584 wrote:
what happened to gudaha ha lagu qabto shirka? Maxaa kaso baxaayo mar hadey fagaaraha ka maqan yihiin Ahlusunna, Ximan ii xeeb and TFG, Shieldka al shabaab waaye ee gobolada dhexe..

Waxaa kasoo baxayo a business case to get more money from the UN. Mahiga and his team will get richer LOL. Somalida labo beri kadib wey iska noqonayaan inta Hotelska laga baxsho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The news coming out of Nairobi is simple, the meeting is a two consultation and they will present suggestions and recommendations on the ending of the transition.

 

This is not a national conference or peace building one, but a high level consultation.

 

The Puntland admin want a Somali meeting held in Somalia to pave the way for a new national government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;710586 wrote:
Waxaa kasoo baxayo a business case to get more money from the UN. Mahiga and his team will get richer LOL. Somalida labo beri kadib wey iska noqonayaan inta Hotelska laga baxsho.

lool so true

Share this post


Link to post
Share on other sites

If the outcome of this meeting is another meeting abroad then its a waste. If they agree on a national conference inside Somalia then there are no excuses and this will be a good thing.

 

I hope those who support a conference inside Somalia. Don’t start differentiating the country if there is an agreement.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Faroole oo ka hadlay weerarkii 6-dii April ee Garoowe kadibna u dhoofay Nairobi.

Sun, 10 Apr 2011 13:18:52 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Garoowe, April 10 - Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa maanta markii ugu horeeysay ka hadlay weerarkii 6-dii bishan April ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe kaasoo ay ku dhinteen dhaq-dhaqaaqe Maxamed Yaasiin Ilkacase iyo laba nin oo ilaaladiisa ahaa, waxan uu ku tilmaamay mid uu aad uga murugooday oo ayaan darro ah.

 

Madaxwayne Cabdiraxamaan Maxamed Faroole ayaa hadalkan jeediyay mar uu maanta madaxtooyada kula hadlay saxafiyiinta ka hor inta uunan u ambabixin magaalada Nairobi oo uu uga qayb-galayo shirka wada-tashiga arrimaha Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa dhacdadaas ku tilmaamay mid aad looga murugooday shacab ahaan dawlad ahaanba, isaga oo alle uga baryay intii dhimatay in uu u naxariisto, intii uu ka tageenan sabir iyo iimaan ka siiyo. Madaxwayne Faroole ayaa ugu baaqay dadwaynaha in ay ixtiraamaan talooyinkii ay wax-garadka iyo culumaa'udiinku ka soo jeediyeen si loo xakameeyo saamaynta dhacdadaan. Madaxwayne Faroole waxa uu carabka ku adkeeyay in ayan masiirka ummadda ayan gacanta ku dhigin waxa uu ku tilmaamay wiilal xun-xun oo aanan wax-garad ahayn, wuxuuna sheegay in haddii ay taasi dhacdo laga mudan karo cawaaqib xuno adduun iyo aakhiro ah.

 

Dhinaca kalena, madaxwayne Faroole ayaa shirkan jar'aaid kadib u ambabaxay magaalada Nairobi halkaas oo uu uga qayb-galayo shirka heerka sare ee looga wada-tashanayo arrimaha Soomaaliya. Madaxwanaha oo arrintaas kala hadlay saxaafadda ayaa ku tilmaamay shirkan mid looga arrinsanayo masiirka dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wixii laga yeeli lahaa marka ay dhamaato muddadeeda sharciga ah oo ku eg 20-ka bisha August ee sannadkan 2011-ka.

 

Shirkan ayaa waxaa qaadacay madaxda sare ee dawladda federaalka inkasta oo ay jirto rajo laga qabo in ra'yigooda wax laga baddalo inta ay hogaamiyayaashaasi marayaan waddamo ku yaal geeska Afrika.

 

Maxamed Cabdullaahi Kooshin

Daljir, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

LOL@Narnia, nobody will take you serious until you start calling the state it's real name.

 

The Duke never stops being lost. There is a TRANSITIONAL FEDERAL GOVERNMENT already in place. There won't be any more "Dib u heshiisiin aka time wasting meetings" held waryaa. That is so 2000 and 2004. Dowladda taageer oo doorasha hala qabto dheh. Waaxay shirkan aad sheegi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You seem to be contradicting yourself adeer. Once you supported the Sharif Ahmed "Four more years baby" then you started to support Sharif Sakin "no extension" and now you are all over the place supporting what? This transition has to end, a new national conference inside Somalia can decide this. Also not sure how you can oppose a meeting in Nairobi, hosted by the UN, supported by, Igad, US, AU, EU and others. Whish has delegates from the TFG, Puntland & Galmudug participating. While supporting a local clan get together held by your sub clan and creation of a nonsense region. Adeer your hapless positioning is as laughable as Ghanid’s delusions.

Alas, if I use the name of the PAC, I might get into trouble, thus for a fictitious land what better name than Narnia or Agahia..lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^First of all stop copying what others has said to me specially girls, old man. If you admire some, seek them in other ways, your desperation is getting out hand these days.. As far as contradictions, unlike you, I base my stances on principles and not on individuals and entities.

 

Midda kale stick to the topic at hand, ALWAYS REMEMBER that. You can't discuss apples and oranges at the same time.

 

The conference being held in Nairobi has no clear intentions, there is a current government in Somalia, there shouldn't be meetings about 'dib u heshiisiin any more".

 

P.s. I repeat, nobody will discuss with you about the newly born Azania until you call it by its name, yaa pirate.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this