Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Wasaaradda haweenka oo maanta deeq u qaybisay ku dhawaad 200 qoys

Recommended Posts

Wasaradda Haweenka iyo daryeelka Qoyska ee Xukuumadda soomaaliya ayaa maanta deeq raashin ah oo kasoo gaaray Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan u qeybisay 200 Qoys oo ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Deeqdaan raashinka oo ay hay’adda Bisha cas ee dalka Iiraan usoo marsiisay shacbiga Soomaaliyeed Wasaaradda Haweenka iyo daryeelka qoyska ayaa waxa ay ahayd 60 tan taa oo ka kooban Bur, Bariis iyo Sonkor iyadoo isla maanta ay Wasaaraddu ku wareejisay qeybtii ugu horreysay 200 Qoys oo ku nool qaybo ka mid ah degmooyinka Gobolkan banaadir.

 

Munaasabadii lagu qeybinayay deeqdaasi raashinka ah ayaa waxa ugu horreyntii ka hadashay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo daryeelka Qoyska Marwo Maryam Qaasim Axmed.

“Raashikaan waxaa qaybintiisa gacan naga siiyay Ururuka haweenka Qaranka Soomaaliyee, waxaana aad ugu rajo weynahay in wixii deeq ah oo na soo gaara aan si caddaalad ah ugu qaybin doono bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

Sidoo kale waxaa munasaabadaas hadal ka jeedisay guddoomiye kuxigeenka Ururka haweenak Qaranka Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay inay ururkooda uu u fududeyn doono waxka oo wasaaraddu soo gaarsiiya u qaybinta shacabka Soomaaliyeed, waxaana deeqdaasai maanta lagu qaybiyey xafiiska Ururka Haweenka Qaranka halkaasi oo la isugu keenay 200, qoys oo ku nool qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi hadalo mahad celin u badan ka jeedisay mid ka mid ah dadkii maanta deeqdaasi raashinka ah loo qaybiyey, iyadoo ugu baaqday wadamada kale islmaamka ah in ay gar gaar la soo gaaran shacabka Soomaaliyeed ee ay abaarta iyo colaadugu saameeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this