Sign in to follow this  
General Duke

Somalia: Puntland hands over capture bandits and vehicle to Galmudug

Recommended Posts

Gaalkacyo, April 08 - Maamulada heer gobol ee Puntland iyo Galmudug oo ay waheliyeen xubno isugu jiray guddiyada nabad-galyada iyo odayaasha dhaqanka ee isla gobolka Mudug ayaa maanta la kala wareegay dad iyo gaadiid labada dhinac lagu kala hayay dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay.

 

Iswaydaarsiga ayaa yimid kadib Kulan aan horay loo sii shaacin, muddo koobanna socday kaasoo ay dhinacyadu ku yeesheen dugsiga Ummadda ee magaalada Gaalkacyo.

 

Maamulka Puntland ayaa Galmudug ku wareejiyay illaa 6 nin oo lagu soo qab-qabtay hawl-gal dhawaan ciidamada amnigu ay ka sameeyeen waddo u baxda dhinac waqooyi ee magaalada Galkacyo gaar ahaan tuulada Beyra, halkaasi oo la sheegay rag shufto ahi in ay dhigeen jid-gooyo gaadiid, dad safar ahna ay ku baarteen.

 

Dhinac kalena, maamulka Galmudug ayaa iyana soo wareejiyey gaari kuwa xamuulka qaada ah oo laga lahaa dhanka Puntland kaasi oo rag shufto ahi ay horay u dhaceen laguna haystay dhulka maamulka Galmudug uu maamulo.

 

Kulanka maanta oo (Jimce) ah waxaa kaloo la iskula soo qaaday arrimaha nabad-galyada gobolka gaar ahaanna midda magaalada Galkacyo oo dhawr jeer oo isku xig-xigay ay ka dhaceen falal liddi ku ah amniga iyo nabad-galyada, falalkaasi oo ay ku jireen kuwo lagu dilay dad magac iyo mansab ku dhex lahaa bulshada.

 

Guddoomiyaha gobolka Axmed Cali Salaad oo markii uu shirkaasi dhammaaday u warramay Daljir, ayaa sheegay in arrimahaani ay

qayb ka yihiin dhawrista iyo taabbo-galinta heshiiskii dhinacyada badnaa ee Garoowe, waxaana uu sheegay in labada dhinac isla qaateen ka wada-shaqaynta ammaanka iyo la dagaallanka dadka dhaqanka ka dhigtay burcadnimada.

 

Guddoomiyuhu waxaa kaluu sheegay in ay sii xoojinayaan wadahadalka iyo joogtaynta xiriirka labada maamul si looga guulaysto dadka wax u dhimaya amniga, waxaana uu carabka ku adkeeyey dhanka Galmudug xittaa in ay hadda sameeyeen hawl-gallo kuwoodoo kale ah laguna qab-qabtay dad badan.

 

Kulanka maanta iyo la kala wareegidda dadka iyo gaadiidka ayaa yimid xilli maalmihii ugu danbeeyey si weyn loo dhawrayey sida laga yeelayo dadkii lagu soo qab-qabtay hawl-galkii waddada Beyra, waxaana ay tani u eg-tahay mid albaabada u furaysa la kala wareegidda danbiilayaasha labada dhinac ku kala gabbada iyo hantida la kala dhaco taas oo ah qodob ka mid ah heshiiskii dhawaan lagu gaaray Garoowe.

 

C/fitaax C Geeddi,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Saraakiil katirsan maamulka gobolka Mudug ee dawlada Puntland & xubno katirsan maamulka galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa maanta kulan aan horey loo shaacin oo deg deg ah ku qaatay iskuulka Ummadda ee kuyaala meel aan waxbadan u jirin halka kala qeybisay dhinacyada Gaalkacyo,waxaana shirkan ka qeybgalay saraakiil katirsan gudiga amniga ee gobolka Mudug & xunbno kasocday dhanka maamulka Galmudug.

 

Kulankan oo waqti badan socday ayaa ay dhinacyadii ka qeybgalay gorfeeyeen xaalada amaan ee gobolka Mudug & dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee kadhacay magaalada Gaalkacyo & lawaaxigeeda kuwaas oo ay kamid ahaayeen isbaaro ay dhawaan meel u dhaxaysa Tuulada Beyra & Magaalada Gaalkacyo ay dhigteen malayshiyo kasoo jeeda dhanka Galmudug kuwaas oo ay Puntland gacanta kusoo dhigtay maalmihii lasoo dhaafay gacanta ku haysay.

 

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday falal kadhacay gudaha Magaalada Gaalkacyo,iyadoo markii danbena saraakiisha amaanka ee gobolka Mudug ay dhanka Galmudug ku wareejiyeen malayshiyadii ay dhawaan ciidanka Amaanku soo qabteen kadib markii ay Isbaarada dhigteen,iyadoo sidoo kalena dhanka Galmudug ay maamulka gobolka Mudug kusoo wareejiyeen gaari xamuul ah oo ay lahaayeen dad u dhashay dhanka Waqooyiga Gaalkacyo kaas oo ay dhawaan malayshiyo reer Galmudug ahi dhacday.

 

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dawlada Puntland Gol.Axmed Cali Salaad oo shirkan kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in ujeedada ugu muhiimsan ee shirkani ay ahayd in dhinacyadu ay ka xaajoodaan falal dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo & xaqiijinta amaanka oo ay dhinacyadu si wadar ah isaga kaashanayaan,waxaana dhanka kale uu gudoomiyuhu sheegey in shirkani uu ahaa xoojinta gudigii heerka gobol ee heshiiskii garoowe ay dhawaan ku gaareen madaxda Puntland & kuwa Galmudug.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this