Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Somalia: Kulan lagu taageerayey howlgallada ciidamada qalabka-sida oo Muqdisho lagu qabtay

Recommended Posts

kulan lagu taageerayo howlgallada isadaba joogga ah ee ay ciidamada Qaranku ka wadaan dalka iyo go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay ka qeybgalka shirka Qaramada Midoobey ee Nairobi ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho

kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah mas’uuliin ka tirsan labada Gole ee dowladda, odoyaal dhaqameed iyo waxgaradka ka soo jeeda beelaha wada degga deegaanada Jubooyinka iyo Gedo oo looga hadlayey arrimo ay ka mid ahaayeen maamul gobolleed dhawaan lagaga dhawaaqay Nairobi ayaa si kulul uga soo horjeestay talaabadaasi.

Dood dheer kadib ayaa xubnahasi kulanka isugu yimid waxa ay ka soo horjeesteen maamul Gobolleedkasi dhawaantan lagaga dhawaaqay dalka Kenya, iyagoo arrinkaasi ku tilmaamay in ay tahay mid la doonayo in shacabka halkaasi wada dega lagu marin habaabiyo.

Warsaxaadeed ay shirkooda kaga soo saareen ayaa lagu sheeegay in maamul Gobolleed oo aysan dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha quseeya aysan ka warqabin in aysan taageeri doonin.

Sidoo kale waxa ay taageereen howlgaladii dhawaan ay ciidamada qalanbka-sida ee Soomaaliya ay kula wareegeen degmooyin ka tirsan Gobollada Gedo iyo Jubada Hooses, waxayna hay’adaha samafalka ugu baaqeen in gar gaar beni aadanimo oo deg deg ah la gaarsiiyo dadka ku nool degmooyinka ay ciidamada Qaranku ka sifeeyeen Khawaarijta Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this