Jacaylbaro Posted April 11, 2011 Waar roobka siyaasada ka daa ...... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 16, 2011 Roobab Lagu Qabowsaday Oo Ka Curtay Deegaanadda Koonfureed Ee Gobolka Sool, Oo Ay Ka Jirtay Abaar Aad U Kululi. Qorriley (Ramaas) Apr. 16, 2011- Roobab lagu qabowsaday, ayaa la sheegay in ay galabta ka curteen deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Sool oo ay ka jireen abaaro ba’an oo saameeyay dad iyo duunyaba,iyada oo dadku nool goobahaas ay ka cabeen xareeda roobabkii oo aanay dhadhamin muddo ku dhaw sannad. Roobab lagu qabowsaday, ayaa la sheegay in ay galabta ka curteen deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Sool oo ay ka jireen abaaro ba’an oo saameeyay dad iyo duunyaba,iyada oo dadku nool goobahaas ay ka cabeen xareeda roobabkii oo aanay dhadhamin muddo ku dhaw sannad. Roobabka galabta hooray waxa ay ka curteen degmada Qorriley iyo dhul ballaadhan oo hoos yimaada oo ay dhawaan ku le’edeen xoolo tiro badan oo u dhintayn haraad ka dib markii ay baqdeen raxmaadkii gugu, waxaana ay dadku ku nool degmada Qorriley u sheegeen qalabka warbaahinta in ay deegaankaas ka da’een roobab wanaagsan oo lagu diirsaday oo ka soo jabiyay abaartii dabada dheeraatay. Gobolka Sool ayaa ka mid ah meelaha ay abaaruhu sida laxaadka leh u sameeyeen, isla markaana la soo calaamadiyay dad iyo xoolo u dhintay gaajo iyo haraad dartood, waxaana ay roobabka hada curtay ay hoos u dhigi doonaan dhibaatada ay sababtay abaarta jirta Quote Share this post Link to post Share on other sites