Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

It rains in many parts of Somaliland Mashallah

Recommended Posts

Roobkii Guga ayaa ka Curtay Magaalada Borama Iyo Nawaaxigeeda08/04/11-Borama-(Bnn) Waxaa goor Dhawayd Magaalada Borama iyo Nawaaxigeeda ka curtay Roobabkii in dhawaalaba la sugayay ee* Guga, roobkan ayaa si habsami ah oo Qabow uga Da'aya Magaalada isaga oo ay dadku ku Qabawsadeen.Roobkan ayaa ah mid Si degan u da'aya taas oo aan lahayn dabaylo, iyo onkod toona waxaana ay dadku isku hanbalyeynayaan Curashada Waqtigan Guga.Si kastaba ha ahaatee Roobkan ayaa imanaya xili ay Maalmihii u danbeeyay Dadwaynaha reer Borama ay illaahay Baryayeen in uu roob u keeno, kaas oo ay kaga baxaan Abaarta iyo Haraadka Ba'an ee soo fool saaray dadka intooda Badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobabka Gu’ga Oo Ka Curtay Meelo Ka Mid ah Somaliland.

 

iyada oo Maanta galinkii danbe uu roob aan badnayn oo lagu qabawsaday ka da’ay meelo ka mid ah Gobolka..............

 

Hargaysa(GNS):- Roobka Gu’ga ayaa ka curtay meelo badan oo ka mid ah Gobolada dalkan Somaliland,iyada oo Maanta galinkii danbe uu roob aan badnayn oo lagu qabawsaday ka da’ay meelo ka mid ah Gobolka maroodi-jeex,gaar ahaan caasimada Hargaysa,kaasi oo markii danbe uga sii gudbay dhinaca galbeedka.

Cirka ayaa maalmahan danbe si aad ah ay uga muuqdaan daruuraha roobka lagu yaqaano,iyada oo ay Maalmihii la soo dhaafay roobab ka da’een Deegaano ka tirsan Gobolada Gabiley iyo Awdal, waxaana la sheegay in Gobolka Gabiley uu khamiistii todobaadkii hore ka da’ay roob biyo dhigay deegaanada Kala-baydh, Wajaale,Alaybaday, iyo Gabiley, Roobabka ka da’ay jiidahaas ayaa la sheegay in ay si weyn ugu diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool deegaanadaasi.

 

Sidoo kale wararka laga helayo magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Maalintii shalay magaaladdaasi Borama uu helay Roob shuux ah oo qaboojiyay dadka magaaladaasi,waxa a kale oo roob weyn oo biyo dhigay ka da’ay tuuladda Magaalo cad oo qiyaastii 30 km dhinaca Koonfureed kaga began Magaalada Boorama.

 

Dadwaynaha ku dhaqan deegaanadaasi ay roobabku ka curteen ayaa si weyn ugu farxay roobabka ka da’ay deegaanadaasi, kuwaasi oo ay saamaysay Abaaro iyo Biyo la’aan baahsan oo dalka soo food saartay kadib markii roobabkii gu’gu ay dib uga dhaceen wakhtigoodii.

 

 

Curashada roobabkan ka da’ay meelo ka mid ah dalka ayaa ididiilo wayn ku abuuraysa dadka ku nool meelaha miyiga ah,kuwaasi oo ay bilihii u danbeeyay soo food saartay xaalad adag oo biyo la,aan iyo abaar is biirsday ah,waxaana ay roobabkani curteen iyada oo uu dib u dhacay xiligii la filayay gu’ga.

 

 

 

 

 

 

Guud ahaanba Geyiga ay somalidu degto waxaa sanadkan ka jirta abaar baahsan oo si wayn u wada saamaysay dadka reer miyiga ah gaar ahaana kuwa xoolo dhaqatada ah,iyada oo ay meelaha qaar kood ka jirto biyo iyo caws la’aan haysata xoolaha nool taasi oo sababatay in ay xoolo tiro badan u dhintaan,halka ay meelaha qaar koodna ak jirto biyo la’aan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadhwanaagnews) Saturday, April 09, 2011

Ceerigabo (HWN(roobabka guga ayaa waxaa ay si toosa maanta uga curteen magaalada ceerigabo iyadoo waqtigana uu roobku hayo magaalada ceerigaabo

 

Ceerigabo (HWN(roobabka guga ayaa waxaa ay si toosa maanta uga curteen magaalada ceerigabo iyadoo waqtigana uu roobku hayo magaalada ceerigaabo

 

5f2d9cajijm63wfrjw3q.jpg

 

 

waxaa muddo sadex cashoba ah ka da´ayay gobolka sanaag roobab kawaasoo markii ugu horaysay ka da´ay degaanada cal haleena ee degaanka ceerigaabo

 

u4126sdqvu6y7ygclo7e.jpg

 

sidoo kale maraan shalay la xidhiidhay miyaga dhinaca xeebta oo u dhow degmada xiis ayaa waxaa la ii sheegay in roobab ay ka curteen buurta lashiidhe oo qiyasti 20 yee KM u jirta magalada xiis

 

waxaana uu maanta roobku ka da´ayaa meelo ay ka mid yihiin siraadley iyo gudhmaan iyadoo ay ii xaqiijiyeen dad reer miyi ah oo gobahaa ka ag dhowaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;710346 wrote:
That is also political ?? ,,,,,,,
:D

Don't rain on his threads, just let him be.

 

 

 

Ps. Beautiful Erigavo :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa magaaladda Hargeysa badhkeed galabta ka da’ay roob kooban oo meelaha qaarkood biyo dhigayHargeysa

(Waaheen) waxa magaaladda Hargeysa galabta ka da’ay roob kooban oo magaaladda badhkeed biyo dhigay, kaasoo yididiilo galiyay dadweynaha oo kulayl badani haystay maalmahan.

 

Roobkan oo da’ay salaadii Casar kadib ayaa biyo dhigay xaafadaha Jig-jiga yar iyo Xero Awr, halka xaafada shacabkana uu shuux yari helay.

 

Waa gobolkii sadexaad ee uu ka da’o roob yar oo koobani waxaana la filayaa inuu cirku si rasmi ah u curto maalmaha soo socda

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Haha..this topic hit home..Now y'all know I don't have immediate family member in Somaliland (only extended family) but I happen to get a phone call once in awhile from close family members asking for money to drill a borehole (Sometimes I wonder if they just taking my money )...Now story lately has been there is a bad bad drought in the miygaa...Now that you said its raining I think I'll tell them they are "Winning!" its raining (charlie Sheen style)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roob Lagu Qabowsaday Oo Ka Da’ay Magaalada Hargeysa

April 10th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Roob lagu qabowsaday oo biyo dhigay wadooyinka ayaa galabta ka da’ay magaalada Hargeysa. Roobkaasi oo dadweynuhu aad ugu farxeen ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee curashada xiliga gu’ga ee ka da’a caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ay ka jirtay biyo yaraan sababtay in xaafadaha qaarkood biyo dhaamis loo sameeyo.

 

Roobkan galabta ka da’ay Hargeysa ayaa dhalinyarada iyo carruurtu qadar isku dhigayeen, waxaana daad ka dhashay roobkan uu qul qulay wadooyinka magaalada Hargeysa.

 

Xaafadaha ay qasadaha wakaaladda biyuhu ugu jiraan guryaha iyo kaalmaha biyaha ee dadweynaha ayaa inta badan xiliga gu’ga biyo ku filan hela. Halka xiliga jilaalkana ay biyuhu adkaadaan.

 

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa dhawaan shir jaraa’id oo ku qabtay xafiiskiisa wuxuu ku sheegay in abaaraha kulul ee ka jira dalka ay saamayn ku yeelatay caasimada Hargeysa, isagoo ku dooday in booyadihii biyaha u dhaamin jiray xaafadaha cidhifyada magaalada ay u wareegeen miyiga si ay uga helaan macaash ka badan kii ay ka heli jireen gudaha Magaalada Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this