Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Kulmiye Chairman Muj Musa bixi cabdi meets with the elders of berbera( Saaxil)

Recommended Posts

Berbera:- Muuse Biixi Oo Kulan Qarsoodi ah Hotel Maan-Soor Kula yeeshay Cuqaasha IYO ODayaasha Deegaanka Berbera.‏

 

 

MuseBiixi.jpg

 

Kulankan ayaa waxa uu qaatay mudo laba saacadooda waxaana ka qeyb qaatay Cuqaal iyo Odayaal Tiradoodu aheyd ilaa(25)shan iyo ....

 

Berbera(GNS): Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo markii ay doorashada ku guuleystay xisbigiisu bishii juun 2010 ayaa markii uhoreysay booqasho ku yimi magaalada berbera ee xarunta G/saaxil waxaanu ku sugnaa berbera labadii casho ee udanbeysay iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada berbera iyada oo aan si saxa loo ogeyn sababaha dhabta ah ee uu xiligan ku yimi magaalada berbera balse waxa laysla dhex maraayay ama ay dadka qaar dareenkooda ku muujinayeen usii golgol xaadhka shir wanaha xisbiga kulmiye ee dhawr jeer baaqday balse dhawaanta la mudeeyay waxa se cadaatay in uu gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi in uu xog ka helo degaanka berbera iyo arimaha warshadaha shamiitada ee is dhinac socda halka ay ka taagan yihiin bulshada reer berbera.

 

waxaanay taas xaqiiqadeedu soo ifbaxaday caawa markii uu kulan laba saacadood socday uu la kula qaatay Caaqilada iyo odayaasha berbera Hotel maansor halkaas oo uu casho sharaf ugu sameeyay

Haddaba sida ay saxaafada usheegeen ilo xogogaala kulankaa ka qeygalay oo ka gaabsaday in ay magacooda sheegan ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen kulankaasi iyo waxyaabaha lagaga wada hadlay iyaga oo ugu horeyn xubnahaasi sheegay in uu horeyn madashaa ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixii Cabdi isaga oo sheegay in uu safarkiisani aha mid shaqsi ah balse aan jecleystay i aan la kulmo odayaasha magaalada marhadii aan magaaladii soo gaadhay si aan isu barano ayuu yidhi Muuse biixi gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye maadaama oo aad thiin odayaashii magaalada anagu aanu nahay xisbigii cusbaa ee talada dalka qabtay xidhiidhkeenuna uu cusub yahay waxa kale oo uu intaa kudaray gudoomiyuhu in ay doonayaan xukumad ahaan in ay odayaasha deegaanka berberi si wanaagsan ula shaqeeyaan xukumada xisbiga kulmiye wixii hore ee tageyna layska ilaawo loona tafa xaytu sidii xukumada loola shaqeyn lahaa waxaanu odayaashaa uu la kulmay Gudoomiyuhu ka codsaday wada shaqeyn buuxda in ay xukumada la yeeshaan sida ay xubnahaa shirka ka qeyb galay saxaafada uxaqiijiyeen iyaga oo ka cudurdaaratay in magacooda la shaaciyo.

 

Dhinaca kale odayaasha iyo Caaqilada kulankaa ka qeyb galay oo iyaguna madashaa kulanka hadalo ka jeediyay ayaa waxay iyaguna dhinacooda aad ugu mahad naqeen booqashadaa uu Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi uu ku yimi Gobolka saaxil gaar ahaan magaalada berbera balse waxay odayaasha iyo Caaqiladu Gudoomiyaha iyana xagooda ka codsadeen in uu fariin ka gaadhsiiyo Madaxweynaha fariintaas oo ah amaba ku saabsan warshadaha sibidhka ee is dhinac socda ee muranka badanina ayaamahan danbe ka taagnaa waxaanay odayaasshaasi iyo Caaqiladaasi iska daba mareen oo ay madaxweynaha ufareen Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye in uu madaxweynuhu tixgalin siiyo cida ruqsada hore uhaysatay sameynta warashada sibidhka soosaarta waxaanay intaa ku dareen odayaashu in aanay sakaaro laba tun oo laka qalo laheyn ee cida hore ee ruqsada haysatay lagu daba feylo amaba saami laga dalbado si loogu biiro qoladaa ruqsada hore haysatay waxaa odayaasha qaar kamidi si adag uga hadleen in ay xaq uleeyihiin in lagala tashado arimaha sibidhka berbera dadka deegaanka ilaahay ku beeray

Waxaana caawa madashaa kulanka dhacay ka muuqatay in ay odayaasha iyo caaqilada madashaa isugu ay meel uga soo wada jeedeen ruqsada labaad ee la soo siiyay labada shirkadood ee dahabshiil iyo telsoom si ay warshada sibidh berbera uga sameystaan waxaanay odayaashaas iyo Caaqiladaasi mar labaad ka codsadeen Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi in uu Badheedhahooda Gaadhsiiyo Madaxtooyada Somaliland una badhiga madaxweynaha fariintaa.

 

Kulankan ayaa waxa uu qaatay mudo laba saacadooda waxaana ka qeyb qaatay Cuqaal iyo Odayaal Tiradoodu aheyd ilaa(25)shan iyo labaatan waxaana wehelinaayay ooo kulankaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirrir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ganacsatada Gobolka Saaxil Oo Qado-sharaf U Sammeeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE | |

 

 

Berbera, April, 09, 2011-(Berberanews)- Qaar ka mid ah ganacsatada Gobolka Saaxil, ayaa munaasibad qado-sharafeed u sammeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo dhawrkii maalmood ee u danbeeyay ku sugan magaalo-xeebeedda Berbera oo uu u joogay dano shakhsiyadeed.

 

 

Qado-sharafeedka loo sammeeyey Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu qabtay Hudheelka Xeebsoor waxa ka soo qaybgalay Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Maareeyaha Dekedda Axmed Y. Dirir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdiraxmaan Xasan Cawil, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Gadhweyne iyo ganacsato tiro badan.

 

 

Munaasibadan oo ka fogayd arrimo siyaasadeed waxa laysku weydaarsaday weedho kaftan iyo duurxul u badnaa oo dhexmaray Guddoomiyiyaha iyo qaar ka mid ah ganacsatada uu martida u ahaa oo ku saabsanaa dhacdooyin taariikhiya oo hore u dhacay iyo isdhexgalka xidhiidhka bulshada iyo xadaaradaha deegaannada Somaliland ku kala horeeyaan.

 

 

Guddoomiye Muuse, ayaa si weyn ugu mahadceliyay Ganacsatada Berbera ee casuummadda u sammasay iyo maamulka gobolka oo uu xusay inay waxqabad la taaban karo muujiyeen mudadii xukuumadda xisbiga KULMIYE talada haysay.

 

 

Goor dhow ayaanu idiin soo gudbn doonaa sawiradda warkan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this