Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Government showcased last 3 months accomplishments

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Waxqabadkeedii Boqolkii Cisho Ee La Soo Dhaafay

April 9th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay waxqabadkeedii sadexdii bilood ee la soo dhaafay Janaury illaa March u qabsoomay Wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawliga ah ee xukuumaddan cusub.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta shir saxaafadeed uu ku qabtay xarunta madaxtooyada waxa uu halkaasi ka akhriyay qoraal ka kooban labaatameeye bog oo la xidhiidhay waxqabadkii xukuumadda ee boqolkii labaad ee xukuumaddani xilka haysay. Waxaanu si faah faahsan uga waramay waxyaabo badan oo u qabsoomay xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Waxaanu halkan si joogto ah idiinku soo gudbinaynaa waxqabadka wasaaradaha iyo Ha’yadaha madaxa banaan oo qoraal ah. Waxaanse maanta ku bilaabaynaa Wasaarada Arrimaha Gudaha. Waxaanu waxqabadka wasaaradaasi u dhignaa sidan:-

 

Ø Nabadgelyada:

 

Xukuumadu waxay ku guulaysatay iyada oo la kaashanaysa shacbiga, waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo odayaada xiisadii Kalshaale, waxa kale oo suurto-gashay in ay inta badan shacbiga Buuhoodle dareen wanaagsan ka muujiyeen talaabadii xukuumadu ku soo afjartay xiisadii Kalshaale waxa aanu uga mahad naqaynaa Odayaasha, Madaxdhaqameedka, Ganacsatada, iyo Waxgarka dhan walba ee Gacan ka gaystay in Xasilooni iyo Nabad gelyo lagu soo Dabaalo Deegaamadaasi sidaasi si la mida waxa aanu u mahad naqaynaa Beesha widh-wdh oo si muuqata Dedaalkaa Qayb ku lahaa waxa aanu ku rajo waynahay inta inta ka dhiman ama Hadhsan hawshaa nabad-doonimo in ay iyaduna ku soo afjarmi doonto Gogoshii nabada ee uu madaxweynuhu fidiyey.

 

Ø Booliska

 

1- waxa Dugsiga Tababarka Booliska ee Mandheera ka soo baxay 7 Dufcadood oo ay mid waliba ka kooban tahay saddex boqol oo askari (300) oo ka kala yimid gobolada dalka Ciidankaasi waxa Hubaala in uu Xooojinta Nabad gelyada wax wayn ka tari doono.

 

2- Waxa kale oo tababar gaara (special training) heerkiisu sareeyo looga furay dugsiga Mandheera ciidanka SPU-da (Ciidanka Ilaalada Hay’adaha caalamiga ah, wufuuda iyo wakiilada dalalka aynu saaxiibka nahay u jooga Somaliland ,Huteelada waaweyn,Jaamacadaha).

 

a- waxa la dhisay Guddiyadii Ilaalinta Nabadgelyada ee xaafadaha magaalooyinka dalka oo wada Shaqayn.

 

b- Waxa la diyaariyay mashruuc ay nala wado Hay’ada UNDP oo lagu dhisayo guddiyada nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka (Peace Building and Conflict Management Committees) ee heer qaran/gobol iyo degmo,

 

wada shaqeyna la yeelanaya wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada/Degmooyinka, muddo dhowna la heli doono dhaqaalihii lagu dhaqaajin lahaa hawshaasi.

 

3- Waxay Wasaaradda Arrimaha Guduhu qabatay shir-hawleed heer qaran ah (National Convention of the Police Reform) oo ay kasoo qayb galeen wakiilada wadamo badan oo ka mid ah kuwa loo yaqaan Deeq-Bixiyayaasha iyadoo ay fulinayso Hay’ada UNDP, midhaha ka dhasheyna noqdeen in sideg dega isbedel laxaad leh loogu sameeyo dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidanka Booliska, lana dhaqan geliyo Sharciga Booliska (Somaliland Police Law), Qaab dhismeedka iyo Darajooyinka Ciidanka, Tababar saameeya dhamaan qaybaha kala gedisan ee ciidanka, Unifoomka ciidanka, Qaabka qorista oo siddii hore ee ciidanka loo qori jiray laga guuro iyadoo laga qayb galinayo ardayda dhameysata dugsiyada sare, Dhisme cusub oo ay leedahay xarunta booliska iyo in laga haqab tiro agabka hawl-galka ciidanka amniga.

 

4- Waxa si aan nasasho lahayn ay ciidamada Boolisku u wadaan hawl- galo ay kula jiraan tuugta, murano ka dhasha dhulka,biyaha iyo daaqsinka,argagixisada iyo fashilinta tabaha cadowgu ku doonayo inay ku khalkhaliyaan xasiloonida iyo dhaqaalaha dalka,sida gubistii guryaha, daabacaada lacagaha faalsada ah,kootarabaanka,tahriibka,ugaadha loo dhoofiyo sida sharci darada ah iyo la dagaalanka dhaqan xumida sida khamriga iyo mukhaadaraadka, waxaana xusid mudan sida laxaadka leh ee ciidamada boolisku uga qayb qaateen difaaca qaranka iyagoo buuxiyay kaalintii ka banaanaatay ilaalinta haamaha shidaalka iyo Dekedda Berbera,

 

sugayna amniga magaalada Laascaanood mudadii ciidanka milatarigu ku jiray dagaalka.

 

1- Waxa deeqdii waxbrasho ee ugu weyneyd taariikhda Somaliland saraakiisha laanta socdaalku ka heleen (25 sarkaal) safaaradda Mareykanka ee Nairobi, kuwaas oo dufcado isdaba joog ah ugu bixi doona Nairobi.

 

2- Waxa ciidanka Laanta Socdaalka laga haqab tiray gaadiid isugu jira kuwo cusub iyo qaar la dayac tiray kuwaasoo ay baahi u qabeen, wax weyna ka bedeli doona tayada hawl maalmeedkooda.

 

3- Waxa la kordhiyay tirada ciidanka Laanta Socdaalka (67) oo lagu daray miisaaniyada sanadkan 2011 si goob kasta oo ka mid ah xuduudaha, madaarada iyo dekedaha,huteelada la seexdo, IWM, ay uga hawl galaan.

 

4- Iyadoo la hubinayo sugnaanshaha dhalasho iyo dembi la’aaneed,waxa muwaadiniinta loo fududeeyay xaqa ay u leeyihiin inay helaan baasaboorka JSL wakhti kooban oo munaasib ah.

 

Ø Ciidanka Ilaalada Xeebaha

 

1- Waxa dib-u-habeyn lagu sameeeyay qaab dhismeedkii ciidanka Ilaalada Xeebaha lana asteeyay fadhiisimihii ciidanku ka hawl galayay oo ka kooban baro ilaalo oo ku teedsan xeebta dheer ee ciidamadu ka hawl galaan, xarumaha waaweyna ay yihiin saldhigga galbeed (Saylac), saldhiga dhexe (Berbera) iyo saldhigga bari (Maydh) lana sameeyay xarunta Taliska Guud (Hargeysa) oo la qalabeeyay.

 

2- Waxa dayactir lagu sameeyay haddana hawl gala gaadiidka badda (8 laashash) iyo dekedda dabaalata ee saldhiga dhexe ee Berbera oo ay kusoo xidhaan raxanta maraakiibta iyo doonyaha ciidanka.

 

3- Waxa dhisme cusub oo fooq ah laga dhisay saldhiga galbeed xaruntiisa Saylac,iyadoo dayactir laxaad leh lagu sameeyay xarunta saldhiga dhexe ee Berbera iyo ka bari ee Maydh.

 

4- Waxa Ciidanka Ilaalada Xeebaha u yimid gawaadhi (14) iyo qalab isgaadhsiineed oo isku xidhaya dhamaan laba iyo tobanka (12) barood ee ku teedsan xeebta.

 

5- Waxay madaxda Ciidamada Ilaalada Xeebuhu ka qayb galeen shirar caalami ah iyo Siminaaro lagaga hadlayay arrimaha Budhcad Baddeeda iyo guud ahaanba tayaynta ciidamada Ilaalada Xeebaha.

 

6- Waxa la qabtay 52 doonyood oo si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaheena kuwaasoo la hor- geeyay sharciga.

 

7- Waxay ciidanku qabteen 14 xubnood oo ka mid ah budhcadbadeeda kuwaasoo haatan ku xidhan jeelasha dalka, taasoo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen nin ka mid ah raga ugu caansan budhcad baddeeda Puntland oo magaciisa la yidhaa, Cumar C/laahi Cabdi, fashiliyeena 11 iskuday budhcad baddeed saldhiga bari, dhinaca saldhiga galbeed waxa la qabtay 8 doonyood iyo 3 baabuur oo siday tahriibayaal.

 

8- Waxa ciidanka ilaalada Xeebaha muddo dhow u imanaya 19 engine-da doonyaha oo cusub,3 raadaal oo casri ah oo isku xidhan, waxaana laga bedelayaa dekedda dabaalata (floating jetty), waxana loo dhisayaa xarun taliska guud oo saddex dabaq ah.

 

Ø Hay’adda Miino –Saarka Qaranka (NDA)

 

1- Waxay Hay’adu si joogto ah u wadaa dadaalka ay ugu jirto siddii Somaliland looga sifeyn lahaa walxaha qarxa sida miinada,khasharka baaruuda,rasaasta IWM.

 

2- Waxa kale oo Hay’da NDA wadaa wacyigelin bulshada qaybaheeda kala duwan si ay u noqdaan kuwo ka feejigan walxaha qarxa.

 

Ø Dhismaha 12 Saldhig

 

Waxaa la dhisay 12 saldhig Boolis oo loogu talo galay inay Shaqeeyaan 2011-ka Horaantiisa waana la Dhamaystiray

 

Waxaanay kala yihiin

 

1. Gobolka Selal Hal Saldhig – Garbo-dadar

 

2. Gobolka Awdal Hal Saldhig – Cali Xaydh

 

3. Gobolka Maroodi-jeex Laba Saldhig – Ex. Badhka, Sal. Cali Rooble

 

4. Gobolka Saaxil laba Saldhig –Bulaxaar, iyo Laasciidle

 

5. Gobolka Togdheer 3 Saldhig – B/dhiig,khaatumo, iyo Kalbare

 

6. Gobolka Saraar Hal Saldhig – War-idaad.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaarada Duulista iyo Hawada

 

 

1. Waxa laga Hirgeliyey Madaarka Caasimada Dhismayaal Cusub oo badna iyo Dib u habayn badan kuwaas oo looga golleeyahay in korlooqaado tayada adeegyadiisa iyo in la Buuxiyo Shuruudaha Madaarada Caalamiga ah.

 

2. Sidoo kale wax Dib u habayn lagu sameeyey Madaarka Magaalada Berbera Adeegyadiisa kala duwan tusaale ahaan Barxada wayn ee u dhaxaysa dhismaha Madaarka iyo dhabada Diyaaradaha oo Ciid ahaan jirtay waxa loo dhalan gediyey Wado laamiya iyo Marmar Bilic leh oo lagu dhex beeray Geedowaxa kale oo Madaarka lagu Qalbeeyey Kamaradaha (Camera ) ee loo adeegsado Nabad-gelyada iyo Agab Casriya oo isugu jira kuwo wax lagu baadho iyo kuwo lagu wada hadlo, waxa kale oo Dhirgoyn lagu sameeyey Ranway-ga dheer ee 5-ta Km ah talaabdan oo xoojin u ah Abniga Diyaaradaha

 

3. Waxa la ansixiyey Lacagtii 3-da Dollar ahayd ee adeegyada Madaarada lagu Filin jiray iyadoo aan marka hore laga qaadi jiray aanay Ansax ahayn.

 

4. Waxa la suurto geliyey in la Bilaabo Hordhici Mashruucii ay Dawlada Kuwayt inoogu deeqday, iyada oo la hawl geliyey Shirkad talo bixineed oo heer caalami ah oo hada gacanta ku ahaysa Qiimaynta, Nashqadaynta iyo Diyaarinta qandaraasyada dib u dhiska madaarada Hargeisa iyo berbera

 

Wasaaradda Maaliyada:

 

 

 

Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Qaranka Somaliland ugu xil saaran tahay kobcinta dhaqaalaha oo ku fadhiya ururinta dakhliga kuwaas oo ku salaysan tacriifadaha dakhliyeed ee Golaha sharcigu ansixiyaan.

 

Wasaaradda Maaliyaddu iyadoo shan bilood oo hawl adag 2010 ka soo gudubtey ayay hadana ka dhabaysay inay Miisaaniyaddii 2011, hor geyso Golaha wakiiladda waqtigeedii. Miisaaniyaddaas oo xambaarsanayd dhamaan balan-qaadyadii xukuumada ee waqtigii ololaha Doorashada:-

 

a) Kordhinta Mushaarooyinka Shaqaalaha Dawladda, Ciidamada iyo Golayaasha Qaranka.

 

b) Jaangoynta Mushaharka Golayaasha Qaranka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

 

c) Ka dhaafida fiiga iskuuladda Hoose/Dhexe ee dugsiyada Dawladda.

 

d) Soo xarayn Dakhliyadii aan hore ugu dhici jirin Khasnada Dawladda Dhexe, sida Dekedda, Maxjarka iyo Haamaha Shidaalka Berbera.

 

e) Ku darida Miisaaniyadda ee Mashaariicda Horumarineed, sida dhamaystirka Brigka Hargeisa oo 5 sano qabyo ahaa, bilawga waddada Dila, Idaacad cusub oo dalka ku baahda, mashruuca wajaale/Aburiin, Qaboojiyaha Berbera I.W.M.

 

f) Bixinta kharashka daabacaada lacagta som.lnd.sh. ee bangiga dhexe.

 

g) Qorshaha 11 xafiis oo cusub laga dhisayo gobolada dalka iyo xafiiska dhexe (main office) oo Hargeisa ah, waxa qayb ka mid ah naga taakuleeyey USAID.

 

 

 

 

 

W. Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah:

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxa u suuro galay sadexdii bilood ee sanadkan ugu horeeyey wax-qabad kor u qaaday Xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Bulshada Caalamka.

 

Meeqaamka iyo xurmada ay Somaliland ku lahayd aduunka ayaa gaadhay heerkiisii ugu sareeyey sadexdii bilood ee ugu dambeeyey Sanadkan, waxaana sare u kacay wada shaqaynta iyo is-dhexgalka ka dhaxeeya Somaliland iyo Bulshadda Caalamka, taas oo ku soo kordhisay Qadiyada Siyaasadeed iyo Himiladda Shacabka Somaliland ididiilo hor leh.

 

 

 

Ø Waxaa bishii Koowaad ee sanadkan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ka qayb gashay shir-goboleed ay IGAD ku qabatay Adis-ababa oo lagaga hadlay Arimaha mandaqada Geeska Afrika. Waa markii ugu horeeysay ee ay Xukuumad Somaliland ka qayb gasho Shir-goboleed, waxaanay Somaliland madashaasi ka soo jeedisay Qorshayaasha iyo Himilooyinka Qaran ee Somaliland ee dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Nabadgalyada.

 

 

 

Ø Isla Bishii Koowaad ee Sanadkan, waxaa u suurogashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland in ay si dadban aragtideeda siyaasadeed u gudbiso shirwaynihii ururka Midowga Afrika uu ku yeeshay Sanadkan Magaalada Adis-abeba. Somaliland waxay fariinteeda siyaasadeed iyo nabadgalyo ee ku wajahan Geeska Afrika iyo Himiladeeda Siyaasadeedba u marisay shirwaynaha Masuuliyiinta Urur Goboleedka IGAD oo madasha Shirwaynaha ka dhex-akhriyey, arintaas oo uu ka unkamay xidhiidh cusub oo hor leh.

 

 

 

Ø Bishii Labaad ee Sanadkan waxaa Somaliland Booqasho rasmi ah ku yimid wafti ka socda Urur Goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee fulinta IGAD. Waxay masuuliyiinta IGAD iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ay ku heshiiyeen nidaam iskaashi oo ay Somaliland iyo Urur Goboleedka IGAD ka yeelan doonaan talo-wadaag, iskaashi, iyo xidhiidh dhexmara labada geesood. Waa markii koowaad ee wafti meeqaamkaa leh oo ka socda Urur Goboleedka IGAD uu ku yimaado Somaliland. Waana markii ugu horeysay ee iskaashi iyo wada-shaqayni dhex marto Dawlada Somaliland iyo Urur Goboleedka IGAD.

 

 

 

 

 

Ø Bishii Labaad ee Sanadkan waxaa Somaliland booqasho hawleed oo rasmi ah ku yimid 17 danjire oo ka kala socda wadamo ka tirsan Yurub, Aasiya iyo Afrika. Dalalka Safiiradan ay ka socdeen waxaa ka mid ahaa wadamada Japan, brazil, Turkiga, Spain, Holland, Belgium, Finland, oo dhamaantood ahayd markii ugu horeysay ee ay wadamadaasi booqasho rasmi ah ku yimaadaan Somaliland. Waxay booqashadani dhalisay xidhiidh ugub ah oo u bilawda Somaliland iyo wadamada ay ka socdeen Danjirayaashaasi.

 

 

 

Ø Dabayaaqadii Bishii labaad ee Sanadkan waxaa ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland marti-galisay oo booqasho rasmi ah oo shaqo ku yimid wafti sare oo ka socda Dawlada Norway oo uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Norway oo ay weheliyaan Masuuliyiinkale oo ka socda Dawlada Norway. Booqashada waftigani ay abuurtay xiiso horleh oo ay Qadiyadda Somaliland ka heshay Wadanka Norway, oo ay ugu horayso iskaashiyo la xidhiidha la dagaalanka Budhcad-badeeda, horumarinta caafimaadka, iyo Nabadgalyada.

 

 

 

Ø Bilawgii Bishii sadexaad ee Sanadkan waxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku guulaysatay codsi ay u jeedisay in Ingiriisku u soo diro Wafti sare Somaliland, waxaana Dalka booqasho rasmi ah ku yimid Wasiirka Wasaaradda Mucaawinada Dibada iyo Iskaashiga ee Dawladda Ingiriiska. Intii uu wasiirku joogay Somaliland waxaa uu *****lka ka qaaday in ay Dawladiisu ay Sadex-jibaartay Mucaawinadii ay siin jirtay Somaliland oo lagu soo daray Dalalka ay Dawlada Ingiriisku sida rasmiga ah u taageerto, waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in ay samayn doonaan Sanduuq Dhaqaale oo ay si wada jir ah Dawlada Ingiriiska iyo Somaliland u wada maamulaan, oo lagu shubo qayb ka mid ah mucaawinada Ingiriiska. Waa masuulkii ugu darajada sareeyey ee abid yimaada Dalka tan iyo intii ay Somaliland xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.

 

 

 

Ø Isla bishii sadexaad ee sanadkan waxaa Somaliland si rasmi ah loogu casuumay oo ay ka qayb gashay shirwayne caalami ah oo ka dhacay Dalka Ingiriiska kana soo qayb galeen wadamo tiradoodu kor u dhaafayso 16 dal, oo lagaga hadlayay nabadgalyo darada ka jirta Geeska Afrika ee ka soo unkamaysa Soomaaliya iyo sidii loo yarayn lahaa Saamaynta ay Nabadgalyo-daradaasi ku leedahay Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamkaba. Waftigii ka socday Somaliland wuxuu shirka ka soo jeediyey Khudbad nuxurkeedu taabanayay Aragtida Xukuumadda Somaliland ee ku wajahan wax ka qabashada Xasilooni Darada ka aloosan Mandaqada Geeska Afrika.

 

 

 

Ø Dhinacakale waxay wasaaradda Arrimaha Dibaddu horaantii sanadkan Ashkato ka dhan ah Shirkadda SARACEN INTERNATIONAL u gudbisay Golaha Amaanka ee Jumciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyada oo la kaashanaysa Xafiiska uu Golahaasi u wakiishay xakamaynta Hubka ee Geeska Afrika. Shirkadda Saracen waxa ay ka bilawday Gobolka Puntland hawlgalo la xidhiidha tababar iyo qalabayn Milatari oo laxaad leh. Waxayna Dawlada Somaliland qabatay Diyaarad Saanad milatari u siday puntland oo ay lahayd Shirkaddani, Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Somaliland iyadoo adeegsanaysa Diyaaradaasi iyo saanadii ay siday ayay u yeedhay Khubaro ka tirsan xafiiska xakamaynta Hubka ee Golaha Amaanka. Dhamaadkii bisha sadexaad ee sanadkan wuxuu Golaha Amaanka ee Quruumaha ka dhaxaysaa ku amray Shirkadda Saracen in ay Gabi-ahaanba joojiso hawlgaladii ay ka waday Puntland kana daad-guraysato Hawl-wadeenadeeda. Shirkadda SARACEN INTERNATIONAL waxay cadaysay inay u hogaansantay Go’aankaa ka soo baxay Golaha Amaanka.

 

 

 

Ø Waxaa kale oo ka mid ah Hawl-galada fulay Wasaaradda in ay dib u soo celisay xidhiidhkii Diplomaasiyadeed ee wadanka Jabuuti, waxaana dib loo furay xafiiska wakiilka Somaliland ee Jabuuti oo hadda si buuxda u shaqeeya. Waxaa kale oo ay Somaliland markii ugu horeysay taariikhda ay xafiis ku yeelatay Dalka Kenya oo isna dhawaan la furay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

W. Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga:

 

- Iyada oo laga duulayo Balan-qaadkii Madaxweynaha waxa gobollada iyo degmooyinka dalka loo kala diray 30 kooxood oo ka tirsan Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Dhakhaatiir madaxbanaan oo iska kaashanaya daawaynta iyo daryeelka xoolaha, kooxahaas oo ka kala hawl-galay Afar gobol ee xuduudka la leeyahay Itoobiya (Sool, Togdheer, Maroodi-jeex, Awdal iyo Gobolka Saaxil oo ah marinka Xoolaha ee ugu wayn Geeska Afrika. Kooxahaas gurmadku waxay u kala hawl-galeen Saddex weji oo kala duwan, iyada oo weji kastana ay goboladaasi uga hawl-galayeen min 10 kooxood.

 

- Dawooyinka ay kooxuhu ku hawl-galeen ka sokow waxa gobolka Sanaag loo diray dawooyin badan si loola tacaalo cudurada ka dhashay abaaraha, iyada oo ay u qorshaysan tahay weliba in laba kooxood xarunta lagaga daro si loo xoojiyo hawlaha gobolkaasi.

 

- Intii lagu guda-jiray gurmadka iyo daawaynta xoolaha Somaliland, waxa lagu guulaystay inay ka soo baxdo natiijo wax ku ool ah,kuwaasoo u kala dhignaa sidan hoos ku xusan:

 

 

 

 

 

D. Natiijada Mashruuca Gurmadka Deg dega ah ee Daaweynta

 

 

 

No

Wajiga

Mudada

Gobolka

Adhi

Geel

Lo

Dameero

H/H

 

1

1AAD

25 Dec -12 Jan (17 days)

Sool, Saxil, Awdal, tog, M/jeex

270025

8831

1285

285

 

 

2

2aad

24 Feb – 10 March (15 days)

Sool, Saxil, Awdal, tog, M/jeex

204805

9337

1225

126

 

 

3

3 aad

15march -31 March(15days)

Sool, Saxil, Awdal, tog, M/jeex

203915

9045

1263

182

12374

 

TOTAL

418745

27213

3773

593

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

- 3 bilood ee sanadkan waxa Dekedda Berbera ka dhoofay xoolo caafimaadkooda Xukuumadu hubisay oo tiradoodu dhan tahay Geel, 22274, Adhi 227670, Lo 22857.

 

 

 

- iyada oo la ogsoon muhiimada ay xooluhu bulshadeena u leeyihiin oo ah laf-dhabarta dhaqaalaheena waxa ilaa hada lagu guulaystay in xoolaha laga daweeyo cuduradan hoos ku xusan:-

 

- - Caalka, Dhukatada Geela, Raaf-dilaaca, Dhukaanka Geela, Cadhada, Sangaalaha, Sanbabka Riyaha, Hiinkaarka iyo furuqa adhiga.

 

- Sidoo kale iyada oo la fulinayo balanqaadkii Madaxweynaha ee daryeelka deegaanka, waxa la abuuray deegaan ilaaliyaal si loo badbaadiyo deegaanka, loona ilaaliyo seerayaasha.

 

- Deegaan ilaaliyaasha iyo dhiryaqaanada shaqaaleysan:-

 

-

 

- 1. Gobolka Awdal 7 xubnood

 

- 2. Gobolka Maroodi jeex 25 xubnood

 

- 3. Gobolka Saaxil 4 xubnood

 

- 4. Gobolka Togdheer 11 xubnood

 

- 5. Gobolka Sool 13 xubnood

 

- 6. Gobolka Sanaag 41 xubnood

Share this post


Link to post
Share on other sites

W. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare:

 

 

· Dal kasta oo Caalamka ka tirsan waxa umadiisa lagu qiimeeyaa heerkooda aqooneed, hadaba si loo kobciyo heerka aqooneed ee bulshadeena ayaa waxa lagu talaabsaday sidii loo horumarin lahaa waxbarashada iyo tacliinta Sare ee umadeena. Hadaba 3-bilood ee u dambeeyay waxa la shaqaaleeyay 2233 macalin oo 1500 oo ka mid ah ay dawladu bixinayso mushaharkooda, halka ay 733 ka mid ahna ay naga caawisay dawlada Denmark.

 

· Iyada oo la fulinayo balanqaadkii Madaxweynaha ee la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul-wanaaga, waxay Wasaarada Waxbarashadu ku guulaystay in la sameeyo Sanduuqyo (Accounts) u gaar ah macalin kasta oo mushaharkiisa loogu shubo, taasoo meesha ka saaraysa caaglihii iyo lacagihii la lunsan jiray.

 

· Wasaaradda Waxbarashadu waxay 300 oo Arday oo ka baxay Dugsiyada Sare ee dalka u fidisay deeq-waxbarasho (Scholarships).

 

· Waxa markii u horaysay la dhisay Studio loogu talo-galay in lagu duubo barnaamijyo loo diyaarayo waxbarashada Radio-ga.

 

· Waxa la dhamaystiray.

 

· Madbacadii Buugaagta ee Wasaarada Waxbarashada oo la keenay 2008 ayaa markii u horaysay laga shaqaysiiyay oo hawl-gashay.

 

· Waxa la dhisay Hool wayn oo lagu saxo Imtixaanada laguna kaydiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaaradda Warfaafinta:-

 

Warfaafintu waxay door muhiim ah ka qaadataa isku-xidhka xukuumada iyo dadweynaha, barbaarinta dareenka wadaniga ah, kobcinta dimuqraadiyada, xoojinta amniga iyo horumarka bulshada. Inkasta oo aanay jirin idaacad wayn oo dalka oo dhan wada gaadha, hadana waxa ay xukuumada cusubi xooga saartay sidii looga bixi lahaa baahida umadu u qabto helitaanka Idaacad ku filan oo dalka oo dhan wada gaadha, hadaba iyada oo laga duuliyo balanqaadkii Madaxweynaha ee uu ku soo qaatay khudbad-sanadeedkii Goleyaasha Qaranka, ee uu ku sheegay in sanadkan gudihiisa la keenayo Idaacad awood leh, waxay ku jirtaa miisaaniyada sanadkan, iyada oo lagu rajo-wayn yahay in sida ugu dhakhsaha badani Idaacadaasi u soo gaadho dalkeena.

 

- Warfaafintu waxay la gashay Heshiis sanad iyo badh mudadiisu tahay Hay’ada BBC World Trust Service, taasoo lagu tababari doono shaqaalaha barnaamijyada Idaacada, iyada oo sidoo kalena qalab ku soo kordhin doonta Studio-yada Idaacada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wsaaradda Caafimaadka :

Wasaaradda caafimaadku iyadoo ka duulaysa Nidaam tayo leh oo ay u dhigtay ha’yadaha samafalka ee caawimada ka gaysta adeegyada caafimaadka waxay heshiisyo ay ku kafaala-qaadayan cisbitaalada waaweyn ee xrumaha caafimaadka bobolada,iyo magaalooyinka bueco,oodweyne,saaxil.

 

Wasaaraddu iyadoo ka duulaysa siyaasada qaran oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka waxay dib-u habayn balaadhan ku samaysay nidaamka xogta caafimaadka ee dalka(Health Management information system) kaas oo suuta galinaya in la helo xog sugan oo wax ka tarta adeegyada caafimaad ee bulshada.

 

· Wasaaraddu waxa dalbatay khabiiro ku takhakhusay siyaasadda

 

caafimaadka, qorshaynta adeegyada caafimaadka iyo tababaradakhuburadaas

 

oo farsamo ahaan wasaaradda ka caawin doona sidii

 

loo heli lahaa siyaasad hufan iyo qorshe sugan oo haga hawl-galada

 

caafiamadka dalka. Khabiiradan waxay dalka imanayaan bisha May

 

2011. Waxaa khabiiradan ku caawiyay wasaaradda hay’adda DfID.

 

 

 

Ø MAAL-GELINTA IYO BAAHINTA ADEEGYADA CAAFIMAADKA:

 

Waxaa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland hirgelisay saddex-biloodkan

 

baahinta adeegyada caafimaad ee hoos ku qoran:

 

· Waxaa la ballaadhiyay barnaamijka xakamaynta cudurka qaaxada oo

 

lagu kordhiyay 2 xarumood oo cusub oo ka dhigaysa tirade guud ee

 

xarumaha lagu daaweeyo cudurka qaaxada 14 dhamaan waddankoo

 

dhan.

 

· Waxaa wasaaraddu heshiis la gashay hay’adaha MSF Belgium oo

 

gabi ahaanba kafaalaqaaday baahida cusbitaalka Burco

 

· Wasaaraddu waxay heshiis la-gashay hay’adda UNDP kaas oo lagu

 

qalabaynayo cusbitaalka Oodweyne.

 

· Wasaaraddu waxay heshiis la gashay hay’adda Health-un-limited oo

 

gabi ahaanba la wareegaysa adeegyada caafimaadka ee gobolka

 

Saaxil oo ka kooban 12 rugo caafimaad, 6 xannaano, 2 xarun

 

caafimaad ama cusbitaal degmo (Goda iyo Sheikh Abdaal) iyo

 

cubitaalka guud ee Berbera. Mashruucan wuxuu socon doonaa

 

muddo 30 bilood ah waxaana maal-gelisay DfI

 

 

 

Ø DAAWADA IYO QALABKA CAAFIMAADKA

 

Si loo *****lo baahida daawo ee dalka, isla markaa loo xakameeyo soo

 

dejinta iyo iibka daawada, wasaaraddu waxay soo saartay siyaasad qaran

 

oo ku wajahan daawada oo wadata dhamaan xeerarka aasaasiga ee

 

nidaaminta, isticmaalka, soo-dejinta, keydinta iyo ka-ganacsiga

 

daawooyinka iyo agabka caafimaadka sida hoos ku cad:

 

1. (Somaliland National Drug Policy Document) oo qeexaysa habka

 

daawo keenista, keydinta, qaybinta iyo isticmaalka. Siyaasadda

 

waxaa ku qeexan hirgelinta shirkad u xilsaaran daawo keenista,

 

keydinta iyo qaybinta

 

2. National Pharmacy Regulatory Authority, hay’addaas oo u

 

xilsaarnaan doonta xakamaynta suuqa daawada, hay’addaas oo

 

xeerkeedii la dhamaystiray lana horkeeni doono golaha.

 

3. Liiska Daawada Muhiimka ah ee Qaranka (National Essential Drug

 

List). Siyaasaddu waxay sidoo kale qeexaysaa liiska daawada

 

muhiimka ah ee qaranka oo wadanka la keeni karo daawada ku

 

qeexan liiskan oo cilmiyan ku salaysan daaweynta curudarada ka jira

 

Somaliland.

 

4. Xeerka daawooyinka deeqaha loo keeno

 

5. Xeerka diiwaan-gelinta daawooyinka

 

Dhamaan xeerarkan, waxaa la horkeeni doonaa golayaasha si loo

 

ansixiyo.

 

· Wasaaraddu waxay wadaa tiro koobka iyo tayaynta goobaha

 

caafimaad ee gaarka loo leeyahay

 

· Wasaaraddu waxay heshii la gashay ururka soo dejiyayaasha

 

daawada, heshiiskaas oo si wada jir ah layskaga kaashanayo sidii loo

 

ilaalin lahaa tayada daawada dalka soo galaysa.

 

· Wasaaradda caafimaadku waxay si rasmi ah uga mamnuucday iibka

 

daawada qaaxada ee goobaha gaarka loo leeyahay, taas oo ka hortegaysa

 

adkeysiga jeermiska qaaxada.

 

Ø TABABARKA HAWL-WADEENADA CAAFIMAADKA

 

Shaqada caafimaadku waa mid ku xidhan farsamda dad (Labour based

 

technology), waxaana hawsha caafimaadka wada 90% xirfadlayaasha

 

caafimaadka ee kala duwan. Lix iyo tobankii sano ee u dambeeyey ma soo

 

bixin xirfadlayaal caafimaad oo tababaran, waxaana machadyadii

 

tababarka caafimaadka intooda badani ku yaaleen koonfur. Dugsiyadii

 

tababarka caafimaadka ee Hargeysa iyo Burco iyo goobihii ay ardaydu

 

seexanaysay waxay ku burbureen dagaalkii dib-u-xoreynta Somaliland.

 

Haddaba:

 

· Wasaaraddu waxay dadaal u u gashay sidii loo heli lahaa xoog cusub

 

oo u tababaran xirfadaha caafimaadka ee kala duwan. Waxaana

 

sannadkan la shaqaaleeyey 443 hawl-wadeen oo isugu jira

 

dhakhatiir, kalkaaliyaal caafimaad iyo farsamayaqaanada kala duwan

 

ee caafimaadka, kuwaas oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal

 

cusub oo ka soo qalin jabiyay dugsiyada caafimaadka iyo jaamadaha

 

dalka iyo shaqaale hore oo caafimaad oon ku jirin liiska shaqaalaha .

 

· Wasaaraddu waxay heshiis la gashay hay’adda UNFPA kaas oo lagu

 

tababri doono 80 umulisooyin muddo 18 bilood ah kuwaas oo laga

 

soo xulay tuulooyinka lixda gobol ee Somaliland.

 

· Waxaa bishan March ka qalin jabiyay machadka tababrka

 

caafimaadka ee Hargeysa sodon gabdhood oo ah umuliso sare oo

 

wax weyn ka tari doona adeegyada caafimaad ee loo qabto hooyada

 

uurka leh iyo ilmaheeda. Umulisooyinka sare waxay leeyihiin aqoon

 

kalkaaliso iyo mid umuliso.

 

· Wasaaraddu waxay ku dadaashay 3 bilood ee u dambeeyey sidii kor

 

loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda hawl-wadeenada caafimaad

 

ee kala duwan sida koorsooyin wax-barasho dibadda ah, seminaro

 

joogto, iyo dhiiri-gelinta cilmi-baadhista caafimaadka.

 

Ø BARNAAMIJYADA XAKAMAYNTA CUDURADA FAAFA

 

 

 

· Wasaaraddu iyadoo ka duuliyasa Siyaasadda Caafimaadka Qaranka

 

oo xoogga saaraysa ka hortagga iyo xakamaynta cudurada faafa,

 

waxay hirgeliyasay barnaamijyada hoos ku qoran si loo yareeyo

 

khatarta cudur dilaaca iyo saameynta ay cudurada faafaa ku leeyihiin

 

mujtamaca Somaliland.

 

· Wasaaraddu waxay heshiis la gashay IGAD oo inaga caawinaysa

 

mashruuc lagu xakamaynayo isugudubka cudurka HIV/AIDS ee

 

wadamada aynu jaarka nahay ee Ethiopia iyo Djibouti. Mashruucan

 

oo socon doona shan sanno waxaa maal-gelisay World Bank waana

 

markii u horeysay sannadkan aynu heshiis iskaashi oo toos ah aynu

 

la galno IGAD.

 

· Waxaa taageero caalami ah loo helay xakamaynta cudurka duumada

 

faafa (Global Fund round 10)

 

· Waxaa Somaliland ku guulaysatay cidhib-tirka cudurka dabaysha oo

 

aan afartii sanno ee u dambeeyey lagu arag dalkeena. Waxaanay

 

bishan March 2011 la soo gebo-gebeeyey wareegii kowaad oo lagu

 

tallaalay caruur ka badan nus milyan. Olalahan qaran sannadkii laba

 

jeer ayaa la qabtaa si looga hortago khatar ka iman karta wadama

 

jaarka sida Ethiopia iyo Yemen.

 

· Wasaardu waxay go,aansatey in la sameeyo kormeer xoogan, si

 

adeega caafimaad loo dardar geliyo. Goob-kasta oo caafimaad oo

 

dalku leeyahay waxay xarunta dhexe kormeertaa ugu yaraan

 

sadexdii bilood ba hal mar.Isuduwayaasha goboladuna waxay

 

kormeeraan goobaha caafimaad ee goboladooda ugu yaraan bishiiba

 

hal mar.Goob kastoo caafimaad waxa yaala diiwaanka kormeerka

 

(Visitors register) oo uu saxeexo kormeere kastaa

 

Wasaaradda Qorshaynta:

 

Waxa maanta la dhamaystiray qorshaha 5 sanadood ee nuqulka koowaad. Kaasoo noqonaya kii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato intii ay jirtay.

 

Waxa bilaw ah qorshe cadna loo sameeyay gudiyada horumarinta gobollada.

 

Waxa la dhamaystiray tira-koobka iyo diiwaan-gelinta Hay’adaha iyo Ururada ka shaqeeya Sama-falka ee maxaliga iyo kuwa caalamiga ahba. Waxa la sameeyay xeerka lagu dhaqayo Hay’adahaas.

 

Waxa la diyaariyay oo la dhamaystiray siyaasada lagu maamulayo deeqaha iyo kaalmada uu dalku helo. Kuwaas oo aan hore u jirin.

 

Wasaaradda Qorshaynta ayaa markii u horaysay loo sahamiyay qorshe loogu daadajinayo gobolada dalka.

 

Iyada oo kor loo qaadayo tayada wasaarada qorshaynta Qaranka oo muhiim u ah siyaasada cusub ee horumarinta ee xukuumada waxa laga shaqaalaysiiyay 34 xirfadlayaal ah, 12 qof oo isugu jira 3 khabiir iyo 9 ka mid ah Ardayda Jaamacadaha dalka ka qalin-jebisay

Share this post


Link to post
Share on other sites

W. Cadaalada iyo garsoorka

 

 

Sida laga wada warqabo cadaaladu waa saldhiga koowaad ee mushtamac doonaya inuu unko ama dhidibka u taago dawladnimo uu dadkeedu haakah yidhaahdo ,xukuumadu iyadoo taa ka duulaysa horena u soo bandhigtay siyaasada cad ee ay ka leedahay cadaadalada iyo garsoorka waxaa muuqtay baahida loo qabo in daraasad mug leh laga sameeyo xudunya yabashada garsoorka ee shacabka isla markaana la miisaamo kaalinta ay hay’adaha garsoorku kaga jiraan qarinamdeena iyo duruufaha ay ku soo shaqyanayeen mudadadii ay 20-sanoadood ahay ee ay Somaliland jirtay.

 

 

 

Waxaa dalka ka qabsoomi doona shir qaran oo lagu naaqishayo cadaalada iyo garsoorka kaasi oo noqon doona kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalka ka qabsooma waxaana laga filayaa in ay shirakaa ka soo bixi doonaan talooyin dhaxal gal ah oo ku dhisan aqoon iyo waayo aragnimo iyo qiimayn dhaba oo run ku dhisan lagana amba qaadi karo talooyin dawo u noqda tabashada jirta.

 

Waxa la bilaabay, haatana dhamaad ku dhow qorshihii istiraatijiyada cadaalada iyo garsoorka 2011-2015, kaasoo qeexaya jidka mustaqbalka dhow loo qaadayo isbedelka iyo horumarinta cadaalada iyo garsoorka.

 

Waxa boodhka laga tumay oo la nooleeyay shuruuc ay hore u ansixiyeen goleyaasha sharci-dejintu loona baahnaa balse aan hawl-gelin. Sida sharciga qareenada iyo xeer-nimiyeyaashiisa, sharciga caruurta.

 

Waxa la diyaariyay shuruucdii lagu dhaqi lahaa xarumaha caruuraha Somaliland, kaasoo wax ka taraya nolosha caruurta ku nool xarumaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn.

 

Si loo dardar-geliyo, loona sugo xogta Hay’adaha Garsoorka iyo Cadaalada, waxa ay guddiga cadaaladu dhamaystireen warbixin ay ka diyaariyeen kormeer muddo bil ku dhow qaatay oo ay ku soo mareen gobollada iyo degmooyinka oo dhan., iyaga oo u kuur-galayay duruufta hay’adaha garsoorka ee degmooyinka, magaalooyinka iyo gobollada dalka oo dhan, islamarkaana aan ku koobnayn garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale ee Maxkamada oo kaliya, balse shacbiga deegaamadaasna waraysanayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaardda Gaashaandhigga:

 

waxa la dhamaystiray Dhisme 2 dabaq ah oo ay leedahay Wasaaradda Gaashaan-dhiggu.

 

Waxa la dhamaystiray dugsiga tababarada ciidamada Dararweyne iyo guryihiisa. Waxa dayactir lagu sameeyay cisbitaalka ciidanka Qaranka ee Caasimada Hargeysa

 

Ø Abaabul-ka-saarka iyo Jihaynta Qaranka:

 

- Waxa lagu guulaystay in la diiwaan-geliyo ciidamada kala duwan ee dalka, sida Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta.

 

_- Tirakoobkaas ayaa ujeedadiisu ahayd sidii Askari kasta oo ka tirsan ciidamada dalku uu u yeelan lahaa aqoonsi u gaar ah iyo File lagu ururiyo macluumaadkiisa, si ay u fududaato tirada saxda ah ee ciidamadu, waxaana arrintaas iska kaashaday Gudiga abaabul ka saarka iyo JIhaynta Qaranka (NDRC), Wasaaradaha Maaliyada, Arrimaha Gudaha, Gaashaan-dhiga iyo Saddexda Ciidan Qaranka

Share this post


Link to post
Share on other sites

W. Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka:

 

Somaliland waxay markii u horaysay ka qayb-gashay tartan heer caalamiya oo orodada ah, kaasoo 14 march sanadkan ka qabsoomay Jamhuuriyada Jabuuti.

 

Sidoo kale, waxa ay Somaliland markii ugu horaysay ka qayb-galaysaa tartanka ciyaaraha kubada kolayga ee bariga iyo badhtamaha afrika oo bishan gudaheeda ka dhici doona magaalada Nairobi ee wadanka Kiiniya.

 

Waxa kale oo ay Somaliland ka qayb-gashay bandhig-faneedkii Bariga Afrika ee sanadkan oo isna lagu qabtay Jabuuti.

 

3-dan bilood ee sanadkan waxa ka dhacan magaalada Hargeysa lagu qabtay tartanka ciyaaraha fudud gaar ahaan orodada oo lagu magacaabo Hargeisa Half Maraton, tartankaas oo ahaa mid aad u xiiso badan.

 

Inkasta oo Wasaaradani ka mid ahayd kuwii hore u jiray, hadana waxa la dhamaystiray dhismaha xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha.

 

Gobolada Togdheer iyo Saaxil waxaanu ka qabanay tartanada ciyaaraha kubada cagta ee naadiyada heerka koowaad iyo heerka labaad.

 

Sidoo kale, waxa hada socda tartan kubada cagta ah oo loo qabtay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Hargeysa, kaasoo ka socda garoonka labaad ee caasimada, waxaana loo yaqaanaa The Cultural Week of the Hargeisa University.

 

Waxay Wasaaradu diyaarisay warbixin mug leh oo laga soo minguuriyay daraasad laga sameeyay dhalinyarada oo bar-bilaw u noqon doonta hawlaha loo qaban doono dhalinyarada sida awoodooda shaqo, xirafadeed IWM.

 

Daraasadan waxa Wasaaradu la kaashatay Dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada:-

 

 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxay u xil-saaran tahay, masuuliyad qiimo wayn ugu fadhida nolosha mujtamaca.

 

Wasaaradu waxay ka kooban tahay;-

 

Wasaaradii hore ee Qoyska oo lagu daray agaasinkii shaqaalaha ee hore u hoos iman jirtay Wasaarada Caafimaadka.

 

Sida muuqatana xilkaa culus ee ay wasaaradu haysaa wuxuu u baahan yahay dhaqan-gelin cidhiidhyoon, maadaama aanay bulshadeenu u bislayn imkaaniyaad badan oo ay hawshaasi u baahan tahayna gacanta lagu hayn.

 

3-dii bilood ee u dambeeyay Wasaaradan oo ka mid ah wasaaradaha cusub marka dhinac laga eego waxa ay door-biday inay hawsha ka bilawdo diyaarinta siyaasada, xeerarka iyo qawaaniinta kale ee kaabaya xilkeeda, nolosha qoyskeeda iyo ta shaqada iyo shaqaalahaba, sidaa awgeed 3-dii bilood ee u dambeeyay waxay Wasaaradu qabatay;-

 

1- Dhamaystirka nuqulka 1-aad ee xeerka Qoyska oo gebi ahaanba laga soo dheegay shareecada Islaamka.

 

2- Siyaasada Qaranka ee ku wajahan gudniinka fircooniga ah, diiwaan-gelinta shaqaalaha aan dawliga ahayn oo bilaw ah.

 

3- Hir-gelinta xarunta lagu dhaqan-celinayo laguna xanaanaynayo caruurta darbi-jiifka ah, taas oo dhismaheeda oo ay Wasaaradu gacan ka gaysatay, lana kaashatay ganacsatada Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahba gacanta lagu hayo.

 

4- Wasaaradu waxay bilawday fulinta siyaasada Qaran ee lamaanaha (National Gender Policy)

 

5- Hubinta u sinaanshaha muwaadiniinta ee fursadaha shaqo;

 

Wasaaradu waxay 3-dii bilood ka qayb-gashay xulashada 39 jago oo ka banaanaaday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah oo ahaa fursado shaqo oo banaanaaday loona qaatay muwaadiniin reer Somaliland.

 

Wasaarada waxa ilaa iminka ku adag ka qayb-galka nidaamka shaqaalaynta ee goobaha ganacsiga, taasoo ay sabab u yihiin ganacsatada meheradaas iyo shirkadaha iska leh oo aad moodo in aanay fahmin ama ay ka dhego-adaygayaan muhiimada ay leedahay in lala ogaado muwaadinka ay shaqaalaysanayaan habka ay u shaqaalaysanayaan.

 

6- Hogaaminta iyo garab-siinta farsamo-baradka;

 

Wasaaradu iyadu oo maanka ku haysa heerka shaqo-la’aaneed ee dalka waxay xooga saartaa sidii farsamo baradka loogu xidhi lahaa goobaha shaqo ee ku haboon, si ay tababar-shaqo ugu qaataan shaqaalayna ugu noqoto.

 

3-dii bilood ee u dambeeyay waxa goobaha shaqada lagu xidhay 475 muwaadiniin ah oo bartay xirfado kala duwan, magaalooyina Hargeysa, Berbera iyo Boorama.

 

Waxa la aasaasay qaybta badbaada shaqaalaha ee waaxda shaqada, iyada oo loo go’leeyahay in la kormeero goobaha shaqo si loo xaqiijiyo xaalada shaqo ee shaqaalaha.

 

Ø Qorshaha 3-da Bilood ee soo socda:-

 

1- Dhamaystirka waxyaabaha hada socda ee kor ku xusan.

 

2- Dib-u-eegis iyo wax ka bedelida xeerka shaqaalaha rayidka ah, si loo suurto-geliyo jawi ku haboon shaqaalaha ajaanibka ah iyo kuwa wadaniga ah,lana jaanqaadi kara diinta Islaamka, dhaqanka dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Iyada oo la xayaysiinayo qof khabiir oo hawsha qabta, dhawaana hawsha bilaabi doono.

 

3- Isku-duba-ridka, xidhiidhinta iyo hogaaminta Hay’adaha iyo ururada ka shaqeeya arrimaha hoos yimaada masuuliyada hawlaha arrimaha bulshada iyo shaqada.

 

4- Meelaynta 150 arday oo ka baxay Jaamacada Hargeysa, qaatayna tababar xirfadeed, kuwaasoo lagu xidhi doono Wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah Somaliland si ay waayo-aragnimo shaqo uga helaan, dawladuna aqoontooda uga faa’iidaysato.

 

5- U abuurida fursado shaqo 160 arday oo ka baxay jaamacadaha kala duwan ee dalka iyada oo loo abuurayo ganacsiyo yar-yar (youth entrepreneurship program).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaaradda Isgaadhsiinta Boosaha

 

 

v Isku-xidhka shirkadaha Isgaadhsiintu waa ahmiyada ugu wayn ee ay xukuumadani ku taamayso, si loogu adeego dadweynaha macaamiisha shirkadaha, loogana baxo kala qoqobnaanta shirkadaha, isla-markaana looga maarmo adeegsiga telefoonada kala duwan, si uu qof kastaaba ugu koobnaado Hal Telefoon, isla-markaana uu kula xidhiidhi karo dhamaan shirkadaha kala duwan ee Telefoonada, ayaa waxa lagu dhaqaaqay sidii loo meel-marin lahaa isku xidhka adeegsida isgaadhsiin tayo leh oo qiimo jaban.

 

 

 

v Hawl-galka isku-xidhkaas oo bilaabmay 21-kii December 2010-kii, xililgaas oo qalabka la rakibay, tijaabadaasi la sameeyay waxay soo jarantay 25 March 2011 markii si mug leh loogu guulaystay isku xidhka shirkadaha Telesom iyo Somtel, waxaana haatan lagu guda jiraa sidii loo dhamaystiri lahaa shirkadaha hadhsan iyagana in lagu soo xidhiidhiyo isku xidhkaa hore ee tijaabada ku fulay.

 

v Xeerka Isgaadhsiinta ee imika Horyaala Golaha Wakiilada oo ay doodiisu socoto waxa loo qabaa Baahi badan waayo Xeerkani Muhiimada uu leeyahay ka sakow wuxuu qayb ka yahay misaaniyada Sanadka oo ay isgaadhsiintu ka mid tahay Illaha ugu mudan ee Dakhliga lag Sugaayo sidaa awgeed anaga oo ixtiraam u hayna Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xil gudashadooda distuuriga ah ee ay ka gudanayaan Xeerka waxa aanu ku dhiiri gelinaynaa oo aanu ka Codsanaynaa in ay Xeerka hore u sii daayaan.

 

Waxa ay xukuumadu u hawl-gashay sidii looga baraan-degi lahaa qalab lagu fulin karo xal u helida dakhliga cashuuraha isgaadhsiinta, sugidda ammaanka iyo kobcinta awoodda Qaranka ee isgaadhsiineed.

 

 

 

 

 

Waasaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

 

Jidadka iyo Biriijyada: -

 

 

 

Wadooyinku, gaar ahaan kuwa xidhiidhiya deegaamada kala durugsan ee dalka gudihiisa waxay muhiimad wayn u leeyihiin dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo xidhiidhka bulshada.

 

Hadaba, 3-dii bilood waxqabadka dhinacyada jidadka iyo biriijyada ee balanqaadkii Madaxweynuhu ee ku jiray khudbadii uu ka jeediyay labada gole sanadkan waxa uu fulay 90%,

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa xadhiga ka jiray 7-dii bisha 3-aad ee sanadkan Biriijka Maroodi-jeex ee caasimada Hargeysa, kaasoo bulshadu ay baahi wayn u qabtay, in badana naawilaysay.

 

Waxa meel wanaagsan maraysay oo haatan gebo-gabo ku dhaw, wadada Dila ilaa Boorama. Waxa kale oo la dhamaystiray dayactirka wadada isku xidha Dila ilaa Hargeysa oo dadku dhibaato badan kala kulmi jireen.

 

Sidoo kale, waxa dayactir laba qaybood ah, laba shirkadood lagu kala siiyay, haatana socda wadada Laascaanood, Gambadha iyo Laascaanood iyo Oog 75% ayaana dhamaystirmay.

 

Waxa socota oo gacanta lagu hayaa adkaynta Bariijka Burco oo dhismihiisa lagu ladhayo derbiyo iyo kaabado lagaga xidhayo daadka iyo weliba derbi ciid-celiye ah oo laga dhisayo bariijka agtiisa, dhinaca ay biyuhu u socdaan, si wanaagsan ayay hawshaasi u socotaa, waxaana lagu wadaa inay dhamaato bishan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxqabadka Berbera·

 

Sadexdii Bilood ee waxqabadka waxay Dawladda Hoose ee Berbera samaysay 8 wado oo Cusub, kuwaasi oo Halbawle u ah Magaalada Berbera.

 

· Waxa kale oo ay Olole wayn ku qaaday Bilicda iyo Wadooyinka Suuqyada Magaalada Berbera oo si wayn looga Dareemay Muuqaalka Quruxda badan ee ay hada leedahay.

 

· Dekedu waxay samaysay Waax Cusub oo la yidhaahdo Waaxda Doonyaha si ay ugu Fududaato Ganacsatada isticmaasha Doonyaha Raristooda iyo Dejintoodaba.

 

· Dekedu waxay Banaysay Meheradihii ka Agdhawaa Afaafka laga Galo dekada waxaanay Dayactir ku samaysay Dayrka weyn ee dekada iyo Nawaaxigiisa ee banaanka ku yaalay iyada oo ka Duulasya Ilaalinta Amaanka.

 

· Waxa Afar Mashquur oo Biyo Gelina laga Sameeyey Magaalooyinka Sheekh, Xagal iyo Beeyo Dhaadheer.

 

 

 

Hay’ada Shaqaalaha Dawlada:

 

Hay’adaha Shaqaalaha Dawladu waxay u xil-saaran tahay dhamaan shaqaalaha kala duwan iyo jaan-gooynta qaab-dhismeedka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada.

 

- Hay’ada Shaqaaluhu waxay ku guulaysatay dedaalkii ay ugu jirtay mushaharka shaqaalaha dawlada oo loo kordhiyay 100%.

 

- Waxa la diyaariyay dib-u-eegista iyo wax-ka-bedelka sharciga shaqaalaha dawlada.

 

- A- Waxa la sameeyay sharciga shaqaalaha dawlada (Civil Service law),

 

- B- Sharciga Shaqaalaha hawl-gabka ah (Pension law)

 

- C- habka iyo hanaanka qorista shaqaalaha (Requitment procedure).

 

- D- habka iyo hanaanka imtixaan iyo qiimaynta (Examination/Evaluation procedure)

 

- Waxa la fuliyay qiimaynta shaqaalaha iyada oo loo eegayo

 

- Waxa la imtixaamay shaqaalaha 4 Wasaaradood oo kala ah, Maaliyada, Cadaalada, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Qorshayta iyo Horumarinta Qaranka.

 

- Shaqaalihii imtixaanka laga qaaday aan gudbin waxa loo bilaabay waxbarasho Machadka tababarka shaqaalaha Dawlada (Civil Service Institute), iyada oo ay wakhtigan ku guda jiraan waxbarashadooda 63 qof oo qaadanaya waxbarasho 6 bilood ah, iyada oo magaalada Boorama ee gobolka Awdalna waxbarasho Hay’adaha Shaqaaluhu u furtay 16 qof, kuwaasoo dhamaantood mushaharkoodii qaadanaya iyada oo waxbarashaduna u socoto.

 

- Waxa la xulay 120 shaqaale oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ee madaxabanaan oo ka qayb-qaadanaya tababarada gaagaban iyo kuwa heer Diploma ah ee Machadka tababarka shaqaalaha dawladu bixiyo oo kala ah;

 

- A- Budgeting Course

 

- B- Supervision and Communication

 

- C- English Course

 

- D- ICT Course.

 

- Waxa la hir-geliyay saacada shaqada ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada.

 

- Waxa la qaybiyay, lana faafiyay nuqulka sharciga shaqaalaha dawlada Law No. 7, loona qaybiyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, Xoghayayaasha, Gudoomiyeyaasha Hay’adaha Dawlada ee madaxabanaan.

 

- Hay’ada Shaqaaluhu waxa ay 20 ka mid ah shaqaalaha Dawlada u dirtay waxbarasho wadanka Itoobiya inoogu deeqday Machadka tababarka shaqaalaha dawlada ee dalkaasi, kuwaasoo ah koorsooyin isugu jira Degree iyo Masters.

 

- Waxa la diyaariyay istiraatijiyada dib u habaynta arrimaha maamulka shaqaalaha dawlada (Somaliland Civil Service Reform Strategy).

 

 

 

Guddida Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa:

 

 

 

Xukuumada Somaliland iyada oo ka duulaysa rabitaanka shacbiga ee ku aadan helitaanka dawlad tayo leh, oo ka caagan musuq-maasuq iyo wax isdaba marin, waxay go’aansatay in la abuuro Ha’yada maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa, taasi oo jiritaankeeda iyo habsami u shaqaynteedu ay door muhiim ah ka qaadanayso toosinta maamulka.

 

Waxqabadka Hay’adan ugubka ah ee saddexdii bilood ee u danbaysay waxa uu koobanyahay dhismiha xafiiska guddiga iyo qorshaynta sidii loo taabo gallin lahaa waxqabad samayn ku yeesha nidaamka dawladeed ee xukumadeena.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ø Waxqabadka:

 

 

 

§ Diyaarinta siyaasada Gudidda oo aanu ugu magac darnay Documentiga bilaabista gudidda “Establishment Document”

 

§ Diyaarinta sharciga lagu aasaasayo gudidda oo qeexaya ujeedooyinka gudidda, charciyada loo cuskaday, awoodaha, qaab dhismeedka iwm – waxa soo diyaariyay sharci yaqaan madaxbanaan, waxa loo qabtay kulano talo urursi laba jeer cidaha ay khusayso oo dhan si ay uga talo bixiyaan.

 

§ Diyaarinta qorshaha shanta sano ee gudidda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

astaanta%20qaranka.gif

 

Ø Daraasad cilmi baadhis ah.

 

Guddigu waxay daraasad cilmi baadhis ah oo ku saabsan maamulwanaaga iyo sababaha keena ama dhaliya musuqmaasuqa ka samayn doonaa dhamaan gobolada dalka, waxaana kala qayb qaadan doona jamacadaha wadaniga ah sida Hargeisa, Camuud, iyo Burco. Waxaanu filaynaa in dhaqaali ahaana ay naga caawin doonto ha’yada UNDP oo naga dalbatay in aanu u gudbino mashruuc qeexaya qaabka iyo hanaanka aay u qabsoomayaan daraasadaha cilmi-baadhiseed.

 

 

 

Intii guddigani uu jiray, waxa uu kulamo la yeeshay haayadaha daawliga ah khaasatan kuwa shaqooyinku ka dhexeeyaan xafiiska guddiga sida, guddiga qandaraasyada qaranka, guddiga shaaqalah qarank iyo wassaaradda qorshaynta qaranka. Waxa kale oo kulano aanu la yeelanay haayadaha caalamiga ah ee IOM, UNDP and CARE. Dhamaan haayadani waxa aanu ka wada hadlnay sidii loo midayn lahaa dadaalada lagu dhisayo haayadaha dawliga.

 

 

 

Guddida ka soo talo Bixinta Furashada ururada.

 

 

 

Waxa la Bilaabay Furdaaminta Waxa alle wixii Caqabad ku noqon kara inay Doorashada Golayaasha Deegaanadu qabsoonto Sannadkan Gaar ahaan Suaasha ka Taagan Furashada Ururada Siyaasada.

 

 

 

Madaxweynuhu, Isaga oo Tixgelinaaya Rabitaanka inta Badan ee Shacbiga waxa uu Magacaabay Guddi 20 xubnood ka kooban oo ka kala yimid Qaybaha Bulshada Sida aqoon yahanada, Dhaqanka, ururada Bulshada, Culimada, haweenka Dhalinyarada iyo Xisbiyada Siyaasada iyo Golayaasha Guurtida iyo Baarlamaanka.

 

Guddidaaas waxa uu madaxweynuhu u xilsaaray inay Rayi ururin buuxda ka soo qaadaan Qaybaha Bulashada oo Dhan Gobolada Dalka ooo Dhan.

 

 

 

Gudidaasina waxay ku guda Jirtaa Hawshii loo Igmada iyada oo imika in badan aragtay waxaana la sugayaa talada ka soo baxda Gudidaas iyo Codbixinta ay Qaadeen oo uu Madaxweynuhu Tixgelinaayo kuna go’aan qaadanaayo markaa Ka dibna uu gudbin doono Golaha Sharci dejinta.

 

 

 

 

 

Xukuumadu waxay ay Shacabiga Somaliland uga mahad-naqaysaa taageerada ay la Garab jooogan waxaany u baaln qaadaysaa Hogaamin Daacada iyo Waxa qabad Dhaba.

 

 

 

Sidan oo kale ayaanay xukuumadu Saddexdii Biloodba mar u soo ban dhigaysaa Waxay qabatay.

 

 

 

Abaaraha

 

 

 

Waxaynu ognahay inay Dalka ka Dheceen Abaaro Baahsan iyo biyo la’aan Saamaysay Dadka iyo Xooolahaba Xukuumadu waxay samaysay Dedaal balaadhan oo ay Ganacsatada iyo Qaybaha Qaybaha kale ee Bulshada ku abaabushay inay Gacan ka gaystaan Samata Bixinta Dadkeeda iyo Xoolaha ay abaartu saamaysay waxa aanu uga maahd celinaynaa intii gacan ka gaystay, Xukuumaduna waxay bixsay in ka badan 700 oo lawdh oo biyo ah, waxa dadka loo qaybiyey Raashin Kaalmadaas abaaraha laga gaysanaayey oo gaadhay Gobolada oo dhan waxa loogu qaybinaayey sida ay u kala Daran yihiin.

 

 

 

 

 

ALLAA MAAHD LEH.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mansha Alla

 

Qodobo badan oo aad u mihiina ka muuqda waxqabadkan:

 

Arimaha lagu guulaystay

*Waxbarashada qorista macalimiin 2300 ah iyo in iskuuladii hoose oo bilaashlaga dhigo.

*Samaynta qorshaha shanta sano ee wasarad qorshayta .

*miisaniyada cusub iyo xeerarka miisaniya

*tababarada shaqaalaha iyo ciidanka

*diiwan galinta ciidanka

*La dagalanka musuqmasuqa iyo dib u habaynta sharciyada.

* Kordhinta dhakhaatirta iyo shaqaalaha caafimadka 400 cusub. iyo dib u habayta iyo soo dajinta shuruucda dawoyinka.

*Isku xidhka shirkadaha telefoonada.

* Wasarada Duulista oo shaqooyin firfircooni dheerada muujiyay

* Magaalada berbera iyo dakadeeda oo noqday meesha isbadalka ugu wayni ka muuqdo

 

Meelaha gaabisku ka jiro

Wali waxa dhaliil ka taagantahay Cadaalada iyo maxkamadahii.

Waxa dhutiyaysa wasaarada hawlaha guud oo wasiirkeedii inuu dalka ka maqanyahay la moodo,

Hawlaha guud waxay ku guul daraysatay ka qabashada wadooyinka liita iyo muranka hantidii dawlada iyo dhulka danta guud

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this