A_Khadar Posted April 8, 2011 Buuhoodle(Jidbaale):- Koox dhalinyaro ah oo watay labo gaadhi oo ka mid ahaa ciidanka qaran waxa loogu yeedho ee maamulka hargaysa ayaa goor casar liiqii ahaa la soo goostey labo gaadhi kana soo tagay maleeshiyadii ay ka mid ahaayeen. Ciidanka caawa usoo galay SSC ayaa waxay tiro ahaan yihiin 9 askari, si aad ayaa ciidankaas loo soo dhaweeyey waxayna hada ku sugan yihiin xeryaha ciidamada. Askartan markii saraakiisha ciidanka buuhoodle waraysateen,waxay u sheegeen in meesha qabiil lagu dagaalamayo, oo ciidanka ay la joogaan muusanow qabiil iyo reer hebel ay meesha ku hayaan wax qaran ama dawlad ah oo u muuqata aysan ku dhex arkin xeryaha ay ku sugnaayeen. Askari ka mid ahaa ciidankii usoo wareegay Ciidanka buuhoodle ayaa yidhi Maadaama aanu aragnay in aanan ahayn labada qabiil ee meesha isku dilaya ayaanu waxaanu go'aan sanay in aanu iska soo tagno oo u wareegno dhinaca buuhoodle oo taariikh ahaan wax xumaan ah aynan na dhex marin hadalkaas waxaa yidhi nin dhalinyaro ah oo sheegay in uu ahaa ninkii horjoogay ciiidankan soo goostey magaciisana noogu sheegay Maxamed Cumar Maydhane. Saraakiisha Buuhoodle ayaa u balanqaaday ciidanka caawa usoo Galay Xeryaha ku teedsan Cayn in wax kasta oo waajibaakooda ciidan ahaan ay heli doonaan baabuurta ay la yimaadeena abaalgud weyn laga siin doono, Sarkaal Ciidanka u hadlay ayaa u sheegay in dhalinyaradan reer Awdal ay yimaadeen dhulkooda isla fiidkii ayaa askartaas loo gudbiyey hotelada waa weyn ee ku yaal magaalada buuhoodle. Quote Share this post Link to post Share on other sites