Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: 50 students graduate from Marwas TechComputer Hardware Software Institute

Recommended Posts

Somalina   

Xaflad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Iskuulka marwaas technology computer ayaa waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Arday gaareysa50-arday oo dhameysatay Course Computer isugu jiray Sorf ware and Hard ware.

 

Xafladdani oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Culumaa'udiin, Waalidiin,odayaasha dhaqanka banaadiriga Maamulka Iskuulka, Arday fara badan iyo Marti Sharaf kale oo dhammaantooda lagu marti qaaday xarunta Xafladda marwaas computer lagu qabanayay oo aheyd degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.

 

Waxaa xafladda ugu horeyn aayado Qur'aan ah ku furay dr.ali omar abati binfaghi iyadoo uu ku xigsaday Sheekh Maxamuud Khaliif Mahdi oo kamid ah Culumaa'udiinka Soomaaliyeed ahna khadiibka Masjidka Marwaas ee Degmada Xamar weyne.

 

Waxa uu halkaasi kasoo jeediyay kalimad baraarujin ah oo ku saabsan waxbarashada isaga oo ka codsaday dhalinyarada Soomaaliyeed in ay wax bartaan kuna dadaalaan waxbarashada maadaama ay yihiin mustaqbalka dalka.

 

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay waalidiinta dhankooda in aysan ka gaabin in ay caruurtooda iyo wiilashooda dhalinyarta ah u soo diraan goobaha waxbarashada, wuxuuna ammaan ballaaran u soo jeediyay maamulka Machadka marwaas technology iyo barashada Cilmiga Computerka isaga oo sheegay in ay si aad ah isugu xilsaareen wax ka badalka garaadka ardayda oo ay soo saareen arday fara badan isaga oo ka codsaday in ay dadaalkooda horey u sii wadaan Maamulka marwaas oo aysan marnaba tiira dhigin.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi khudbado kala duwan kasoo kala jeediyay waalidiintii lagu marti qaaday Xafladda, Ardaydii Qalin jebineysay iyo sidoo kale marti sharafta halkaasi u timid farxadda Xafladda in ay kala qeyb qaataan Ardaydii shahaadooyinka la guddoonsiinayay.

 

Ugu dambeyntii khudbadaha ayaa waxaa soo afjaray cabdulqaadir siidow ibraahim oo kamid ah Mas'uuliyiinta ugu sareysa dhinaca Maamulka Iskuulka marwaas isaga oo ka hadlay arrimo badan isla markaasina sameeyay ballan qaadyo.

 

ustaad cabdulqaadir ayaa sheegay ugu horeyn in xaalad waliba ay soo wajahday iskuulka marwaas computer lakin iyagu ay ku dadaaleen in iskuulka uu sii jiro waliba uu sii shaqeeyo arday fara badanna ay soo saaraan.

 

Waxa uu xusay in ardayda maanta shahaadada qaadaneya ay ku jiraan odayaal da' ah iyo haween waaweyn oo lakin ay fursad u siiyeen in xilligani ay wax bartaan iyaguna ay ka faa'ideysteen.

 

Dhinaca samafalka waxa uu sheegay maclin cabdulqaadir in iskuuka ay dhigtaan dad fara badan ayna ku dhigtaan si lacag la'aan ah taasina ay qeyb ka tahay tabarucaada iskuulka uu u sameynayo inta dooneysa in ay wax barato oo aysan tabarta u saamixin in ay dhaqaalaha wax lagu barto iska bixiyaan.

 

Sidoo kale waxa uu ballan qaaday maclin abuukar in waalid waliba oo wiilashiisa diyaar u ah in ay wax u bartaan ay xaaladda noloshooda u qiimeyn doonaan xittaa lacag la'aan ay wax ku bari doonaan sida hadeerba iskuulka kajiro.

 

Xafladda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay Barnaamij Nasiib Tijaabin ahaa kaasi oo loo qabtay Ardaydii Shahaadooyinka la guddoonsiinayay, waxaana suurageliyay Barnaamijkaasi Maamulka sare ee Machadka marwaas oo mar waliba kaalin buuxda ka qaata dhiiragelinta sidii jiilka soo koraya ay u soo saari lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Mansha'allah...Ilaah ha'u siyaadiyo...

 

Laba wax waan laqi la'ahay:

1. Maxaa waalidiinta wiilasha uun laagu adkeynayaa iney iskuul udirsadaan oo ay wax bartaan?

2. Sawirka afaraad cunuga shahaada heysto miyuu qalin jabinayay along with odayada da'da ah iyo hablaha waawey? :confused:

 

Again, mansha'allah, it is always good to read anything, however big or little, coming from the South, as well as the rest of Somalia of course...Ilaahoow usahal dadkeena...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wiilka yar laga yaabo inuu SOL member yahay or one of the upcoming hackers. :D

Waxbarashada age malaha. Waxbarashada gabdhahana dee waa sidii waagii hore, waxba isma bedelin.

 

Aamiin to your du'a KK.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Maasha Allah, that is a great achievement considering their circumstances. Thanks Najma Nasir Caraye.

 

 

Taleexi, you’re 4 years, 7 months, 27 days and 14 hours late, she is already spoken for by the spokesperson of Al Shabab at Hamar Weyne branch.

 

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

BOB;709893 wrote:
Maasha Allah, that is a great achievement considering their circumstances. Thanks Najma Nasir Caraye.

 

Peace, Love & Unity

lol...you welcome BOB.

 

Xamar Weyne is AlShabaab free. Alxamdulilaah

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Taleexi Sorry Bro inaan qalbiga kaa jabiyo, however, I did it out of love for you...Remember that!

 

 

 

NNC...Is that a smile?

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

I wish I could say what I really want to say...but waxaan ka cabsanaa in...in oo hadhoow...agggghhh never mind!!!

 

Maya qofna ha sabaaxadeen kowdheh oo waxaaba jirin qof aan u baahnahay inuu Ina Nasir Caraye wax iiga sheego!!!

 

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this