Somalina Posted April 7, 2011 Xaflad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Iskuulka marwaas technology computer ayaa waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Arday gaareysa50-arday oo dhameysatay Course Computer isugu jiray Sorf ware and Hard ware. Xafladdani oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Culumaa'udiin, Waalidiin,odayaasha dhaqanka banaadiriga Maamulka Iskuulka, Arday fara badan iyo Marti Sharaf kale oo dhammaantooda lagu marti qaaday xarunta Xafladda marwaas computer lagu qabanayay oo aheyd degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir. Waxaa xafladda ugu horeyn aayado Qur'aan ah ku furay dr.ali omar abati binfaghi iyadoo uu ku xigsaday Sheekh Maxamuud Khaliif Mahdi oo kamid ah Culumaa'udiinka Soomaaliyeed ahna khadiibka Masjidka Marwaas ee Degmada Xamar weyne. Waxa uu halkaasi kasoo jeediyay kalimad baraarujin ah oo ku saabsan waxbarashada isaga oo ka codsaday dhalinyarada Soomaaliyeed in ay wax bartaan kuna dadaalaan waxbarashada maadaama ay yihiin mustaqbalka dalka. Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay waalidiinta dhankooda in aysan ka gaabin in ay caruurtooda iyo wiilashooda dhalinyarta ah u soo diraan goobaha waxbarashada, wuxuuna ammaan ballaaran u soo jeediyay maamulka Machadka marwaas technology iyo barashada Cilmiga Computerka isaga oo sheegay in ay si aad ah isugu xilsaareen wax ka badalka garaadka ardayda oo ay soo saareen arday fara badan isaga oo ka codsaday in ay dadaalkooda horey u sii wadaan Maamulka marwaas oo aysan marnaba tiira dhigin. Waxaa sidoo kale halkaasi khudbado kala duwan kasoo kala jeediyay waalidiintii lagu marti qaaday Xafladda, Ardaydii Qalin jebineysay iyo sidoo kale marti sharafta halkaasi u timid farxadda Xafladda in ay kala qeyb qaataan Ardaydii shahaadooyinka la guddoonsiinayay. Ugu dambeyntii khudbadaha ayaa waxaa soo afjaray cabdulqaadir siidow ibraahim oo kamid ah Mas'uuliyiinta ugu sareysa dhinaca Maamulka Iskuulka marwaas isaga oo ka hadlay arrimo badan isla markaasina sameeyay ballan qaadyo. ustaad cabdulqaadir ayaa sheegay ugu horeyn in xaalad waliba ay soo wajahday iskuulka marwaas computer lakin iyagu ay ku dadaaleen in iskuulka uu sii jiro waliba uu sii shaqeeyo arday fara badanna ay soo saaraan. Waxa uu xusay in ardayda maanta shahaadada qaadaneya ay ku jiraan odayaal da' ah iyo haween waaweyn oo lakin ay fursad u siiyeen in xilligani ay wax bartaan iyaguna ay ka faa'ideysteen. Dhinaca samafalka waxa uu sheegay maclin cabdulqaadir in iskuuka ay dhigtaan dad fara badan ayna ku dhigtaan si lacag la'aan ah taasina ay qeyb ka tahay tabarucaada iskuulka uu u sameynayo inta dooneysa in ay wax barato oo aysan tabarta u saamixin in ay dhaqaalaha wax lagu barto iska bixiyaan. Sidoo kale waxa uu ballan qaaday maclin abuukar in waalid waliba oo wiilashiisa diyaar u ah in ay wax u bartaan ay xaaladda noloshooda u qiimeyn doonaan xittaa lacag la'aan ay wax ku bari doonaan sida hadeerba iskuulka kajiro. Xafladda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay Barnaamij Nasiib Tijaabin ahaa kaasi oo loo qabtay Ardaydii Shahaadooyinka la guddoonsiinayay, waxaana suurageliyay Barnaamijkaasi Maamulka sare ee Machadka marwaas oo mar waliba kaalin buuxda ka qaata dhiiragelinta sidii jiilka soo koraya ay u soo saari lahaayeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted April 7, 2011 Mansha'allah...Ilaah ha'u siyaadiyo... Laba wax waan laqi la'ahay: 1. Maxaa waalidiinta wiilasha uun laagu adkeynayaa iney iskuul udirsadaan oo ay wax bartaan? 2. Sawirka afaraad cunuga shahaada heysto miyuu qalin jabinayay along with odayada da'da ah iyo hablaha waawey? :confused: Again, mansha'allah, it is always good to read anything, however big or little, coming from the South, as well as the rest of Somalia of course...Ilaahoow usahal dadkeena... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted April 7, 2011 Wiilka yar laga yaabo inuu SOL member yahay or one of the upcoming hackers. Waxbarashada age malaha. Waxbarashada gabdhahana dee waa sidii waagii hore, waxba isma bedelin. Aamiin to your du'a KK. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted April 7, 2011 Aqoon la'aani waa iftiin la'aan.... fadlan magiciin jirye ta niqaabka wadata ha la ii doono. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted April 7, 2011 Maasha Allah, that is a great achievement considering their circumstances. Thanks Najma Nasir Caraye. Taleexi, you’re 4 years, 7 months, 27 days and 14 hours late, she is already spoken for by the spokesperson of Al Shabab at Hamar Weyne branch. Peace, Love & Unity Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted April 7, 2011 Illaahay ballankii haddaa barqaan kacay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted April 7, 2011 BOB;709893 wrote: Maasha Allah, that is a great achievement considering their circumstances. Thanks Najma Nasir Caraye. Peace, Love & Unity lol...you welcome BOB. Xamar Weyne is AlShabaab free. Alxamdulilaah Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted April 7, 2011 Taleexi Sorry Bro inaan qalbiga kaa jabiyo, however, I did it out of love for you...Remember that! NNC...Is that a smile? Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted April 7, 2011 It is BOB. Yaa ku sheegey ma dhoolocadeeyo? ii sheeg aan sabaxaadeeyee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted April 7, 2011 I wish I could say what I really want to say...but waxaan ka cabsanaa in...in oo hadhoow...agggghhh never mind!!! Maya qofna ha sabaaxadeen kowdheh oo waxaaba jirin qof aan u baahnahay inuu Ina Nasir Caraye wax iiga sheego!!! Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted April 7, 2011 I can't smile. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites