Sign in to follow this  
oba hiloowlow

G/kuxigeenka Ahlusuna Awlibaax Cudur madaxtinimo ayaa ku dhacay Prof,Gaandi.

Recommended Posts

Guddoomiye kuxigeenka guud ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Maxamed Maxamuud Yusuf "Awlibaax" oo maanta wareysi dheer uga hadlay xiisadihii dagaal ee ugu danbeeyey ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo,kuwaasi oo ay qeyb ku leeyihiin Ciidanka Ahlusuna Waljameeca oo uu hogaaminayo Shiikha.

 

@Shiikh Maxamed Awlibaax ayaa waxaa uu sheegay inuu dagaalka Gedo iyo Jubbooyinka ka socday ay yihiin kuwa ay ku cirib-tirayaan kooxda Alshabaab ee gacanta ku heysa goboladaasi,isagoona intaasi ku daray inay ciidanka Ahlusuna iyo kuwa Dowlada ay horumar weyn ka sameeyeen dagaalada ay kawadaan goboladaasi.

 

Shiikha oo mar wax laga weydiiyey waxa iska badelay dagaalkoodii xooga ku socday oo ay maalmo isku xiga ku qabsadeen dhowr magaalo,hadana aysan ilaa hada ugu dhaqaaqin magaalooyinka kale ee Gobolka Gedo ee ku jira gacanta Al-Shabaab ayuu sheegay inay arintaasi tahay xeelad dagaal oo aysan jirin wax kale oo is badal ah.

 

Mar la weydiiyey waxa ay ku sameynayaan haddii ay gacanta usoo wada gasho Gobolada ay dagaalka ku qabsanayaan ayaa waxa uu sheegay inay u sameyn doonan maamul ka imaanaya degmo kasta iyo dadkeena,taasi oo lagu dhawaaqi doono hadba marka ay gacanta kusoo dhigaan magaalo ama gobol cusub.

 

@Sidoo kale waxa uu sheegay inay ciidamo ka tirsan Ahlusuna inay ku sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka,inkastoo hadana uu sheegay inaysan ciidamada qabsaday Dhoobleey aysan ku jirin kuwa Ahlusuna,waxana uu ku sheegay ciidankaasi inay yihiin kuwa dowlada iyo Raaskambooni oo ah kuwa ay wada leeyihiin hal cadow. waa sida uu hadalka u dhigaye Shiikh Maxamed Awlibaax.

 

Dhinaca kale Guddoomiye kuxigeenka guud ee Ahlusuna Shiikh Maxamed Maxamuud "Awlibaax" ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mowqifka Ahlusuna waljameeca ee Maamul dhawaan looga dhawaaqay Kenya,kaasi oo la sheegay in madaxweyne loogu doortay Prof,Maxamed Abdi Gaandi,iyadoo maamulkaasi loo bixiyey Azaniya State of Somalia isla markaana ka talin doona Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

 

Shiikh Awlibaax ayaa gaashaanka u daruuray Maamulkaasi,waxaana uu sheegay inuu yahay mid aan socon karin,isagoo arintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri :

 

"... Siyaasiyiinta Somaliyeed baryahanba waxaa ku dhacay hal Cudur,kaasi oo ah inay madaxweyne noqdaan,Hade Somaliya miyey madaxweyne u wada noqon karaan.Waxa kenya lagu soo dhisay iyo Prof,Gaandi waxaan u arkaa nin uu kusoo dhacay cudurkasi,mana jiro meel uu ka shaqeyn doono.waxaana uu iska noqonayaa mid aan soo dhaafin fadhi ku dirirka iyo meelaha shaaha lagu cabo,wax dadka deegaanka ah oo Maamul uu Madaxweyne ka yahay Gaandi dhistayna ma jiro" ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka guud ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Maxamed Maxamuud "Awlibaax"

 

Hadalka Mas'uulkan ka tirsan Ahlusuna Waljameeca oo ka mid ah xoogaga ka dagaalamaya gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa uu noqonayaa mucaaradad kale oo xoogbadan oo soo wajahda Maamulka Azaaniya iyo Prof,Gaandi,waana garabkii ugu horeeyey xoogaga ka dagaalamaya Jubbooyinka iyo Gedo oo kasoo horjeestay Maamulka Azaaniya.

 

@Shiikh Maxamed Awlibaax waxaa dhinaca kale cadeeyey inay Ahlusuna Waljameeca si rasmi ah uga qeybgeli doonto Shirka lagu wado inuu ka dhaco Magaallada Nairobi ee Dalka Kenya,kaasi oo horaanta bishan furmi doona,isagoona sheegay inaysan ka hordhaceyn ilaa ay arkaan waxa kasoo baxa marka la isugu tago.

 

Mas'uulkan oo ahaa midka shaaciyey khilaafka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa eeda kala jabkaasi u saariyey Macalin Maxamuud,waxaana uu sheegay in macalinka iyo nin ku fikir ah oo uusan sheegin magaciisa ay shir isaga qabsadeen Dhuusamareeb,kadibna ay isaga sameysteen maamul u gaar ah iyaga oo aysan la qabin Ahlusuna kale,taasi oo uu sabab uga dhigay in isaga oo xitaa ah Guddoomiye Kuxigeenkii Maamulkaasi Ahlusuna uu ka maqlay idaacadaha isbadelka iyo magacaabista lagu sameeyey Dhuusamareeb,kadibna ay taasi muujisay in wixii la isku ogaa laga leexday.waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

@Ugu danbeyntiina waxaa uu si weyn u taageeray maamulka u gaarka ah oo ay sameysteen Ahlusunada Cabudwaaq,waxaana uu taasi ku sheegay inay timid,kadib markii la sii wadi waayey howshii guud ee dadka ka dhexeysay,waxaana taasi ay keentay buu yiri in dantu ay bado inay sameystaan maamul ay iyaga u gaar ah.

 

@@Cali Dahir Ciid

 

Delft,Holland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this