General Duke Posted April 7, 2011 Lampedusa (Allpuntland)-War soo baxay ayaa sheegaya in Dooni ay saarnayaaeen dad Afrikaan Tahriibayaal ah ay la degtay doonida oo ka baxay dalka Liibiya misana ku socotay wadanka Talyaaniga. Warbaahinta Dalka Talyaaniga ayaa ku warameeysa in Doonida degtay ay saarnaayeen 300 oo Afrikaan Muhaajiriin ah hasayeeshee qatar ay galeen ka dib markii ay doonida meel dhaxe oo ku dhow Xeebaha talyaaniga ay soo gaartay, waxa ayna garaacdeen taleefanka Satelite-ka , waxana gurmad ahaan ugu yimid Markab kuwa dagaalka ah oo ay Dowladda Talyaaniga leedahay. Afhayeen u hadlay Ciidamada Bada ee Mareeykanka ayaa sheegay in nasiib dari intii ay u soo socdeen ay degtay Doonta ee ay sheegeen in si xad dhaaf ah urarneeyd, waxa ayna shegeen in ay badbaadiyeen 50 qof oo ka mid ah hasa haatee inta kale ay liqday Badda. Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in dadka la badbaadiyey la geeyey Lambaduusa iyagoonaa durbo goobo caafimad la geeyey, waxa ayna shegeen in muhaajiriinta ay u dhasheen dalalka Soomaali, Nigerian, Ivory Coast, Sudan, Bangladesh iyo Chad Xafiiska Warraka Allpunland Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites