Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Kulmiye Party leadership elections to take place on six June 2011

Recommended Posts

Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo la Cayimay. Wednesday, 06 April 2011 Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa muddeeyey wakhtiga la qaban doono shirweynaha Golaha Dhexe ee xisbiga. Guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Ismaaciil Shabeel, ayaa ku dhawaaqay in shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga la qaban doono 6 June 2011-ka.War-murtiyeed Guddoomiyuhu soo saaray oo uu arrintaasi kaga hadlay, isla markaana ku wargeliyey xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, waxa isagoo dhammaystiran uu u qornaa sidan;“Waxaan maanta oo ay bishu tahay 6/04/2011 ku dhawaaqayaa in la qaban doono shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye taariikhdu marka ay tahay 6 june 2011.Sidaas darteed waxaan ka rajaynayaa dhammaan xubnaha Golaha dhexe inay u diyaar garoobaan siday uga soo qayb geli lahaayeen shirka.Iyada oo shirka wakhtigiisu dastuuriga ahaa dib uga dhacay laba jeer oo hore duruufo jiray awgood,” ayuu ku soo gebogabeeyey qoraalkiisa guddoomiyuhu.Togdhnews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xisbiga KULMIYE Oo Mar Kale Ummadda U Soo Bandhigay Bisaylkiisa Shirkii Golaha Dhexena Cayimay

April 6th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, ayaa maanta shaaciyay xiliga la qaban doono shirkii Golaha Dhexe ee xisbigaasi.

 

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

 

“Waxaan maanta oo ay bishu tahay 6/04/2011 ku dhawaaqayaa in la qaban doono shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye taariikhdu marka ay tahay 6 june 2011.

Sidaas darteed waxaan ka rajaynayaa dhammaan xubnaha Golaha dhexe inay u diyaar garoobaan siday uga soo qayb geli lahaayeen shirka.

Iyada oo shirka wakhtigiisu dastuuriga ahaa dib uga dhacay laba jeer oo hore duruufo jiray awgood.”

 

Xisbiga KULMIYE oo hore u ahaa xisbigii shirweynihiisii iyo shirkii Golaha dhexeba u qabsaday si dimuqraadi ah, ayaa Talaabadani noqonaysaa in xisbigaasi mar kale ummadda Somaliland u soo bandhigay dimuqraadiyadiisa iyo sida uu u yahay xisbi furan oo dhexdiisa la iska soo sharixi karo.

 

Waxa kale oo dadweynuhu u guuxeen tallaabadii madaxweyne Siilaanyo uu u wareejiyay Hoggaankii xisbiga maalmo ka dib markii uu la wareegay tallada dalka.

 

Cumar Maxamed Faarax

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this