Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Mad men shoot civilians in Garowe. A day after a mad man bombed Hargaysa.

Recommended Posts

Dabley hubeysan oo dad ku laayey caasimadda Puntland ee Garowe

 

 

3 hours ago | 6 comments

 

 

Marxuum: Maxamed Yasin Ciise (Ilkacase)

Waxaa maanta ka dhacay bartamaha caasimadda Puntland ee Garowe dil aad u foolxun, kadib marki dabley hubeysan ay rasaas la beegsadeen Sarkaal ka tirsan Hay’adda Cilmibaarista Puntland ee PDRC. Maxamed Yaasiin Ciise (Ilkacase) oo ahaa Maamulka maamulka ee PDRC ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintey dilkaas fooshaxun, waxaana wararku sheegayaan in Ilkacase uu ahaa bartilmaameedka dableyda.

 

Dadka ku dhintey weerarka dableyda hubeysan ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan ilaa 4 qof Sarkaalka PDRC-da Ilkacase iyo laba nin oo kale oo gaariga la saarnaa, sidoo kale waxaa shilkaas ku dhimatay gabadh gurigeeda dhex joogtey kadib markii gaariga marxuuminiinta la diley uu gudaha u galay maadaama dareewalku uu meyd ahaa. Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan ilaa 5 qof oo kale oo rasaastii dableydu rideysey ku dhaawacmey.

 

Waxaa isla goobta ka baxsadey dableydii dilka geystey inkasta oo Boolisku ku raadjoogo, waxaana wararka qaarkood sheegayaan in dilkaani uu ahaa mid la xiriira aano qabiil inkasta oo saddexda nin ee dhintey kala beelo ahaayeen.

 

Maxamed Yaasiin Ciise (Ilkacase) ayaa ka tirsanaa hay’adda PDRC tan iyo sanadkii 1998-dii, waxaana uu la shaqo bilaabey markii la dhihi jirey War-town Society, waxa uu ahaa nin aad u fur-furan, shaqo badan isla markaana kamid ahaa tiirarka PDRC.

 

Dhamaan shaqaalaha Warbaahinta Horseed Media waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegay Ilkacase, sidoo kale waxaan tacsi taas lamid ah u direynaa shaqaalaha hay’adda PDRC geerida naxdinta leh ee ku timid.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax ka dhacay Hargeisa iyo Guddoomiyaha Gobolka oo ka hadlay (SAWIRRO)

 

Talaado, 05 April, 2011 (HOL)- Nin la sheegay in Xiskiisu dhiman yahay, ayaa saaka Bambo-gacmeed la beegsaday Suuq ay dadku ku badan yihiin oo ku yaala magaalada Hargeisa, waxaana arrintaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje).

 

Suuqa badhtamaha Hargeisa, gaar ahaan xerada lagu iibiyo dallagga dalka ee Hadhuudhka, Galleyda iyo raashinka kale ee dalka laga beero, ayuu ninkani la beegsaday Bambo kuwa gacanta laga tuuro ah.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex Md. Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey khasaaraha uu ka dhashay Qaraxan, waxana uu sheegay in ay dhaawacu marayo 11 qof.

Sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Gobolku sheegay in dadkaasi ku dhaawacmay dhacdani ay soo gaadheen dhaawacyo isugu jira kuwo culus siyo qaar fududba, isla markaana dhamaantood lagu daweynayo Xarunta Cisbitaaalka Guud ee Magaalada Hargeysa. “Saaka ayaa Qarax uu ka dhacay Fooqa Geelle Arab ee agagaarka Xero-Hadhuudha ee Magaaalada Hargeysa, waxa Qaraxaasi qarxiyey Nin waalan, dadka dhaawaca ah ilaa hadda waxa cusbatalka guud ee Hargeisa la keenay 11 qof, dhakhaatiirtuna si weyn ayey ugu hawlan tahay Gargaarka ay u fidinayaan dadkaasi,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waa Masiibo kolay nin Xis-kiisu dhiman yahay ayey ka qaraxday, dhaawaxyada Dadkaasina kuwo culus iyo qaar fuduba wey isugu jiraan, dadkaasi 11 ah ilaa 4 ayaa haweena wixii faahfaain ee intaas dheerna baadhitaan ayaanu ku wadnaa.”

 

Xubno ka tirsan warbaahinta dalka oo tagay goobtii ay dhibaatadu ka dhacday si ay ugu heleen warar dheeraa ah oo qaraxaasi ku saabsan, ayaan loo ogolaan in ay galaan gudaha Cusbatalka, hase ahaatee, waxa halkaa warbaahinta kula hadlay qof ka mid ah dadkii goobjooga ahaa markii uu qaraxaasi dhacay, “Saaka ilaa abaaro 09:30 ayaa uu nin waalan oo sita miino, nooca loo yaqaan F1 oo meesha marayaa ayaa ay caruuri ka cadhaysiisay, dadbdeedna bahashii uu sitay ayaa uu meeshaa barxada ah ee fooqaa hostiisa ku taal ku dhuftay, markii koowaad waxba may noqon, hadana uu ku celiyey markii labaad ayey qarax samaysay. Qaraxu mid weyn ma uu ahayn, laakiin waxa uu dhibta ku keenay, waxa uu lahaa Firidh balaadhan, dabadeena waxa halkaasi ku wax yeeloobay dadkii meesha marayey oo isugu jiray Rag iyo dumarba, sidoo kalena Kharaxaasi waxa uu khasaare gaadhsiiyey laba gaadhi oo meesha taagnaa iyo alabaaka hore ee fooqa uu qaraxu ka hor dhacay,” ayuu yidhi.

Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadal halka uu ninkan Waalani ka keenay Bamba-gacmeedka, waxaanay wararku sheegayaan in marba-marka ka dambaysa ay isa soo tarayaan dadka ku dhaawacmay Qaraxan.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

 

barqad@hiiraan.com

 

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax ka dhacay suuqa Hargeysa oo dad badan wax ku noqdeen

 

 

1 day ago | 0 comments 0

 

 

Waxaa maanta Qarax bambaano lagu qarxiyey suuqa magaalada Hargeysa, ayadoo la sheegay in ku dhaw 20 qof ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

 

Qaraxan ayaa ka dhacay nawaaxiga Supermarkt Hadiya ee ku yaal bartamaha magaalada Hargeysa, una dhaw xarunta weyn ee shirkada isgaarsiinta ee Telsom.

 

Wararka kasoo baxay Booliiska ayaa sheegay in qaraxan uu geystay nin qaba cudurka dhimirka oo asaguna kamid ah dadkii halkaasi ku dhaawacmay. Ninkan ayaa la sheegay inuu bambaanada F1 uu ku tuuray suuqa.

 

Qaraxan ayaa maanta si weyn looga hadal hayaa magaalada Hargeysa, oo muddooyinkan aysan ka dhicin wax qaraxyo ah.

 

Magaalada Hargeysa ayey aad ugu badan yihiin dadka qaba cudurka dhimirka, dadkaasi oo si weyn loogu dhex arkayo magaalada, ayadoo dadkaasina inta badan ay isticmaalaan maadooriyaal iyo qaadka, walow ay isbitaalo loogu talo galay dadkan oo ku yaal magaalada hase yeeshee waxaan muuqan cid arrimahan iska xil saaray.

 

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa qof cudurkaas qaba sida uu u helay bambaanada uu adeegsaday qaraxan iyo inay cid kale kula talisay ay jiraan.

 

Horseed Media

 

The Hargaysa, Somalia incident injured more than 20 civilians in the middle of the day, in the middle of the busiest market.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

I wondering if these two incidents are connected and who is behind them. It seems suspicious that such attacks happen in cities that don't usually see them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this