Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Breaking News: Brutal Killing in Garowe, Town is Tense

Recommended Posts

Dabley hubeysan oo dad ku laayey caasimadda Puntland ee Garowe

Waxaa maanta ka dhacay bartamaha caasimadda Puntland ee Garowe dil aad u foolxun, kadib marki dabley hubeysan ay rasaas la beegsadeen Sarkaal ka tirsan Hay’adda Cilmibaarista Puntland ee PDRC. Maxamed Yaasiin Ciise (Ilkacase) oo ahaa Agaasimaha maamulka ee PDRC ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintey dilkaas fooshaxun, waxaana wararku sheegayaan in Ilkacase uu ahaa bartilmaameedka dableyda.

Dadka ku dhintey weerarka dableyda hubeysan ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan ilaa 4 qof Sarkaalka PDRC-da Ilkacase iyo laba nin oo kale oo gaariga la saarnaa, sidoo kale waxaa shilkaas ku dhimatay gabadh gurigeeda dhex joogtey kadib markii gaariga marxuuminiinta la diley uu gudaha u galay maadaama dareewalku uu meyd ahaa.

Waxaa isla goobta ka baxsadey dableydii dilka geystey inkasta oo Boolisku ku raadjoogo, waxaana wararka qaarkood sheegayaan in dilkaani uu ahaa mid la xiriira aano qabiil inkasta oo saddexda nin ee dhintey kala beelo ahaayeen.

Maxamed Yaasiin Ciise (Ilkacase) ayaa ka tirsanaa hay’adda PDRC tan iyo sanadkii 1998-dii, waxaana uu la shaqo bilaabey markii la dhihi jirey War-town Society, waxa uu ahaa nin aad u fur-furan, shaqo badan isla markaana kamid ahaa tiirarka PDRC.

Dhamaan shaqaalaha Warbaahinta Horseed Media waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegay Ilkacase, sidoo kale waxaan tacsi taas lamid ah u direynaa shaqaalaha hay’adda PDRC geerida naxdinta leh ee ku timid.

Horseed Media

Share this post

Link to post
Share on other sites

Kooxo hubaysan oo ku dhawaad 5 qof ku dilay Magaalada Garoowe

Garoowe: (Sh. M. Network) Kooxo hubaysan ayaa maanta barqadii gudaha magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxa ay ku dileen ku dhawaad 5 qof oo uu ku jirauy sarkaal u shaqeynayay hay’adda Cilmibaarista Puntland ee ka howlgasha Garoowe.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, kooxo hubaysan oo la sheegay in ay bartilmaameedsanayeen Agaasimihii hay’adda cilmi barista Puntland ee PDRC ayaa gudaha magaaladaasi ku dilay ilaa 4 qof oo uu ku jiray agaasimihii ay bartilmaameedadeen oo lagu magacaabayay Max’ed Yaasin Ciise kuna magic dheeraa (Ilkacasse).

Dadka kale ee dhintay ayaa waxaa la sheegay in ay haleeshay rasaastii lagu bartilmaameedsanayay sarkaalka ka tirsanaa hay’adda cilmi baaritsa ee PDRC, waxaana la sheegay in dadka dhintay ay ku jireen labo qof oo la saarnaa gaariga lagu rasaaseeyay sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamada booliska Puntland ayaa durba goobta rasaastu ay ka dhacday soo gaaray hase ahaatee kuma aysan guuleysan in ay gacanta ku dhigaan kooxihii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee dilalka geystay.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga ujeedada ka dambeysa dilka sarkaalkaani ka tirsanaa hay’adda PDRC iyo dadka kale ee lagu dilay gudaha Magaalada Garoowe, waxaana dadka dhintay sidoo kale ku jiray qof haweeney ah oo rasaastu ay gurigeeda ku dhex haleeshay.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

Jacaylbaro;709334 wrote:

AUN to the dead.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta lagu dilay bartamaha magaalada Garowe Maxamed Yaasiin (ilkacase) oo ka mid ahaa maamulka sare ee Hay’adda Horumarinta iyo Cilmibaarista Puntland ee (PDRC).

Dad goobjoogayaal ah ayaa VOA-da u xaqiijiyay in mas’uulkaasi ay dilka u geysteen rag hubeysan oo qaarkood ku labisnaa dharka ciidanka, kuwaasoo markii ay dilka geysteen goobtaasi ka baxsaday.

Dilkaasi oo ka dhacay agagaarka xarunta dowladda Hoose ee magaalada Garowe, waxaa sidoo kale ku dhintay nin ka mid ahaa ilaaladiisa.

Inkastoo ciidamada amnigu ay ku raad joogaan dableydii dilka geysatay, haddana ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay falkaasi.

Lama oga sababta ka dambeysa dilkaasi, hase yeeshee waxaa in dhowaaleba magaalooyin ka tirsan Puntland ka dhacayay dilal qorsheysan oo qaarkood ay salka ku hayaan aano qabiil.

VOA

Share this post

Link to post
Share on other sites

Lama oga sababta ka dambeysa dilkaasi, hase yeeshee waxaa in dhowaaleba magaalooyin ka tirsan Puntland ka dhacayay dilal qorsheysan oo qaarkood ay salka ku hayaan aano qabiil.

So he was killed because of his clan that's sad

Share this post

Link to post
Share on other sites

Dad goobjoogayaal ah ayaa VOA-da u xaqiijiyay in mas’uulkaasi ay dilka u geysteen rag hubeysan oo qaarkood ku labisnaa dharka ciidanka,

Hmm

Share this post

Link to post
Share on other sites

These people cry one Somalia and scream unity when they speak to a person from Somaliland but when it comes to dealing with the innocent people from they treat them as refugees from a separate country. The are hypocrites who have no interest in Somali unity but rather trying accumulate as much power as possible. It's a shame that most southerners are blind to these peoples true motives.

Share this post

Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Notice how almost all the ones replying to this thread are all from SL? War safka hore ka baxa dee, waad na kashifteen. :D

Share this post

Link to post
Share on other sites

NGONGE;709414 wrote:
Notice how almost all the ones replying to this thread are all from SL? War safka hore ka baxa dee, waad na kashifteen.
:D

War dee Jb na wa wariye oo warku so tabiiyey aniga iyo salax na wanu tacsiyadayney Ninki geeriooday anigu sidan u arkay dadki ugu horeyey eeh tacsiiyey ninka la dilay baanu nahay marka hadanu reer Somaliland nahay waxanu isu haysana inaynu kheyr samayney mise Ngonge ma waxad leedahay yaan la tacsiyadayn reer puntland oo shib hala yidha taasina wa baab kale:D

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this