Saalax Posted April 5, 2011 Fal dhimasho iyo Dhaawac keenay oo ka dhacay degaanka Dhahar ee gobolka Sanaag. MONDAY, 04 APRIL 2011 Sanaag(Togdheernews)- Hal Nin ayaa dhintay Saddex kalena way dhaawacmeen , ka dib markii Kooxo hubaysani ay si gaadmo ah u soo weerareen beesha Degaanka Seerbi ,oo ka tirsan degmada Dhahar ee gobolka Sanaag. Kooxdan dablayda ah ee wax soo weerartay ayaa la sheegay inay ka soo jeedo, dhinaca Maamul gobolkeedka Puntland, lamana garanaayo sababta dhalisay falkaasi. Odayaasha iyo Wax garadka degaanka Seerbi ayaa walaac wayn ka muujiyey falkan gaadmada ah ee lagu soo qaaday, kuna tilmaameen inu yahay mid lagu hurinaayo Colaad hor leh oo ka Abuuranta Degaankaasi. Dadkii ku dhawaacmay falkaasi ayaa hadda lagu dawaynayaa Cisbitaalka Guud ee magaaladda Ceerigaabo. Quote Share this post Link to post Share on other sites