Saalax Posted April 5, 2011 Eretariya oo la Sheegay Inay Taageerto Kooxaha Hubaysan ee ka Jira Itoobiya, Suudan iyo Somaliland TUESDAY, 05 APRIL 2011 Addis Ababa (Togdhnews/Jimma Times)- Dawladda Eretariya, ayaa la sheegay inay taageero u fidiso kooxo hubaysan oo ka jira dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Jamhuuriyadda Somaliland si ay qas iyo jahawareer uga abuurto mandaqadda Geeska Afrika. Sida lagu baahiyey wargeyska Jimma Times ee ka soo baxa dalka Itoobiya shalay, waxa dawladda qaska jecel ee Eratariya ku hawlan tahay sidii ay taageero iyo taakulayn u siin lahayd kooxaha hubaysan ee dagaalka ka wada dalalka Itoobiya iyo Sudan, isla markaana waxay hub iyo taageero siisaa kooxaha nabad-diidka ah ee qaska ka wada deegaanno ka tirsan bariga Somaliland, kuwaas oo Maamul-goboleedka Puntland dabada ka soo riixayo, isla markaana dhawr jeer weerarro gaadmo ah ku qaadeen ciidanka qaranka ee jidida hore fadhiya. Maamulka Eratariya oo sannadkii 2000kii dagaal xooggan la galay dalka Itoobiya, ayaa u muuqda waddan dagaal-ooge ah, maadaama 15 kii sanno ee u dambeeyey uu dagaallo kala duwan la galay dawladaha Yemen, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya oo uu qas ka wado, iyada oo beesha caalamka iyo Qaramada Midoobayba dhawr jeer oo kala duwan cambaarayn u jeediyeen Eratariya, looguna baaqay inay ka waantowdo qaska iyo xasillooni-darrada ay ka wado mandaqadda. Qaramada Midoobay, ayaa sannadkii 2009 cunaqabatayn ku soo rogay dalka Eratariya, kadib markii lagu eedeeyey inay ka waantoobi waayeen hubaynta kooxaha nabad-diidka ah iyo khalkhalinta xasilloonida dalalka Geeska Afrika. Quote Share this post Link to post Share on other sites